Somalina Posted May 9, 2011 Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 07/05/2011 kadhacday magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska xaflad siweyn loosoo agaasimay xilkana uu kulawareegayay madaxweynaha cusub ee dawlad goboleedka Koonfurgalbeed Dr. C/kariin Maxamed Cali (Yaanyuurow) Xaflada oo ahayd mid si heer sare ah loosoo qaban qaabiyay ayna kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dadweyne fara badan ayaa waxaa halkaasi qudbado kasoo jeediyay dad badan ayada oo ay xafladu kusoo dhamaatay jawi aad u heer sareeya. Xaflada ayaa intii ay socotay waxaa khadla teleefoonka kaga qaybgalay madaxweynihii hore ee dawladgoboleedka Koonfurgalbeed Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) oo sheegay in xilkii uu kuwareejiyay Dr. C/kariin. Siyaasiyiin iyo dadweynaha kasoo jeeda lixda gobol ee ay ka koobantahay dawladgoboleedka koonfurgalbeed ayaa siweyn usoo dhaweeyay xilka uu kala wareegay Dr. C/kariin madaxweynihii hore Dr. Shaatigaduud oo hada kusugan dalka Jarmalka. Waxaa ayagana dhankooda xaflada kusoo bandhigay suugaan iyo heeso mada daalo ah koox fanaaniin ah oo katirsan fanaaniinta magaalada London. Dawladgoboleedka koonfurgalbeed ayaa waxaa ladhisay bishii April sanadii 2002 ayada oo ay xafladii dhaarinta madaxweynahana kadhacday aqalka madaxtooyada ee magaalada Baydhabo oo ayadu ah caasimada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee dawladgoboleedka koonfurgalbeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 9, 2011 Madaxweynaha shalay baan dawanayey oo madaxweynuhu fadhigu ku qurux badanyahay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jiiroow Bakaal Posted May 9, 2011 Elaayna maxaa Jubbooyinka ka galay. tuugsi lee u imaan jireen shimee sheegteen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 9, 2011 Niyo kagan qabyalaad meel kasta la ordaya,, are you not familiar with the forum rules? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 9, 2011 Si fiican weliba, maalinba qabiil names halkan inuu ku soo qoro ayuu baneystey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jiiroow Bakaal Posted May 9, 2011 Xaaji Xunjuf;717954 wrote: Niyo kagan qabyalaad meel kasta la ordaya,, are you not familiar with the forum rules? Meesha waxaa ku haysaan wa qabiil Maalinta i tusto qof Isxaaq ahayn oo taageersan Somaliland Maalinkaa i tusto qof Mj aheyn taageersan Puntland Baanu leenahay meesha iyo Somaliyaba wa nadiif Laakin waa calaacasho timo ka soo baxdey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 10, 2011 Maalinta i tusto qof Isxaaq ahayn oo taageersan Somaliland Madaxweyne Rayaale ?? Maalinkaa i tusto qof Mj aheyn taageersan Puntland Now how about Gen. Ilkojiir ??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
sahal Posted May 10, 2011 Jacaylbaro;718004 wrote: Madaxweyne Rayaale ?? Now how about Gen. Ilkojiir ??? intaana ugu dar Xaabsade = somaliland :confused: C/samad cali Shire = Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites