Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:USAID money to be spend mostly in the eastern regions.

Recommended Posts

08/05/11-Jabuuti-(Bnn) Hay’ada USAID ayaa si hor dhac ah Xukuumada Somaliland u soo gaadhsiisay Deeq ay ugu Tallo gashay Horumarinta Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

 

Deeqdan Hordhaca ah ayaa ahayd 1.800,000 oo Doolar (Hal Milyan iyo Sideed Boqol oo Kun oo Doolar) warar sir ah oo uu helay Wargeyska Foore ayaa sheegaya Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Yuusuf (Gabboose) uu sar jaray Saamiyada hordhaca ah ee ay kala helayaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalku. Sida ay sheegayan wararka xogogaalka ah ee arrintan la xidhiidhaa, Wasiir Gabboose ayaan Deeqdaasi waxba ka siin Degmooyinka Huluul, Badhan iyo Xiis. inkasta oo uu gobolada bariga uu sad bursiimo uga muuqato saami qaybtintan hordhaca ah. Halka uu Deeqdaasi u qorsheeyay Gobolada Saaxil, Hargeysa iyo Awdal iyo Waliba Degmooyinka Hoos yimaad in yar $150.000.

Sida ay wararkaasi sheegayaan Wasiir Gabboose ayaa Lacagtaasi Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ugu kala qorsheeyey sidan:

 

 

NO Gobol ama Degmo Derejada Degmada Lacagta la siiyay

1. Gobolka Sanaag $580.000

2. Gobolka Sool $200.000

3. Gobolka oodwayne $100.000

4. Gobolka Togdheer $200.000

5. Degmada Ceerigaabo A $300.000

6. Degmada Maydh D $50.000

7. Degmada Dhahar $100.000

8. Degmada Dararwayne D $200.000

9. Degmada Ceel Afwayn B $50.000

10. Degmada Gar adag B

(Degmo Doorasho) $50.000

 

Tibaaxaha aanu helnay waxa ay sheegayaan in Wasiir Gabboose uu qaybinta Deeqdan ka reebay Degmooyinka Huluul oo ah Derejada D. Degmada Badhan oo ah Darajada B. Degmada Laas qoray oo ah Derejada C. iyo Degmada Xiis oo ah Darajada D.

 

Isku gaynta Lacagtan ayaa noqonaysa $1650.000 waxana la sheegay in Gobolada iyo Degmooyinka kalena ugu deeqay Lacagta inta soo hadhay oo gaadhaysa $150.000. Gobolada Saaxil, Hargeysa iyo Awdal iyo waliba Degmooyinka hoos yimaad ayuu Wasiir Gabboose u qorsheeyey in uu ugu deeqo Lacagta soo hadhay oo gaadhaysa $150.000. lacagtan oo ah mid aad u yar marka loo eego baaxadda gobolada galbeedka Somaliland marka la barbar dhigo saamiga uu ka siiyay gobolada bariga.

 

Dr.Maxamed Cabdi Gabboose ayaa Tallaabadan qaaday waqtigii uu ku gudo jiray Socdaalkii uu dhawaan ugu baxay Gobolada Bariga Somaliland. Sida ay wararku sheegayaan waqtiga uu Wasiirku Tallaabadan qaaday oo ku beegnayd Markii uu Madaxwayne Siilaanyo Socdaalka ugu maqnaa Wadamada Carabta ayaanay jirin cid la ogi. Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Mudane,C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo Dalka sii Maamulayay Mudadii uu Madaxwaynuhu maqnaa ayaa sida wararku sheegayaan aan waxba ka ogayn Qorshahaha uu Gabboose ku qaybiyay Deeqdaasi.

 

Sida la sheegay Tallaabadan uu Wasiir Gabboose qaaday ayaa lala xidhiidhinayaa ololihii uu ka waday Bariga ee ahaa Furashada Ururada Siyaasiga ahaa. Lama oga ilaa imika sababta dhabta ah ee ku kaliftay sad bursiga uu ku sammeeyey Gobolada iyo Degmooyinka qaarkood uu kula kacay Gobolo iyo Degmooyin kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo Deeqdii ugu Badneyd siisay Gobalka Sanaag , maxay tahay sababtu

 

Posted by Muumin Yare on May 8, 2011 in Warar | 0 Comment

Hay,ada USAID ayaa si hordhac ah u soo gaadhsiisay S Somaliland Dee ay ugu tala gashay inay ku hormariso Deegaqanada Somaliland,

 

deeqadan oo gaadhaysay 1.800.000 oo dollar ( hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo dolar ayaa lacagtii ugu badneyd waxaa la siiyy gobalkaka sanaag Taa oo gadheysa 580,000 oo dollar , lacagtan ayaa loogu talahgay in lagu hormariyo qaybaha kala duwan ee baahiyaah u qabana Deeganada, hadaba Sida loo kala siyey magaaloyinka Gobalka sanaag,

 

Ceerigaabo .300.00 oo dollar

Dhahar .100,000 o dollar

Ceelafweyn 50,000 oo dollar

gar adag 50.000 o dollar

 

Sool. oo dhan 200.000

hargaysa . 100.000

Berbera. 100.000

 

togdheer . 150.000

 

Sidoo Kale Wararka Qaar ayaa sheegay in Lacago kale loogu talahayy degmooyinga Badhan . iyo laasqoray taas o gadhaysa 160.00 oo dlloar

 

maamulka Somalland ayaa xusul Duub ugu jira Sidii uu u soo xreo Gashan lahaa, bulashaweynta Reer maakhir Ee ku dhaqan Deeganadknada Gobalada haylnad iyo sanaag, kuwaas oo uu ka doonayo inay siiyaan tageero buuxda, Waa markii ugu horeysat oo deeqa noocan oo kale ah la siiyo Gobalka sanaag Walow ay hatan soo gaadhin lacagtan deeganadi loogu tala galaay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;717667 wrote:

 

 

NO Gobol ama Degmo Derejada Degmada Lacagta la siiyay

1. Gobolka Sanaag $580.000

2. Gobolka Sool $200.000

3. Gobolka oodwayne $100.000

4. Gobolka Togdheer $200.000

5. Degmada Ceerigaabo A $300.000

6. Degmada Maydh D $50.000

7. Degmada Dhahar $100.000

8. Degmada Dararwayne D $200.000

9. Degmada Ceel Afwayn B $50.000

10. Degmada Gar adag B

(Degmo Doorasho) $50.000

 

.

 

 

 

That is good more aid should be directed to the Eastern Somaliland regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Leezu   

It is good they wanna develop those areas but why now all of a sudden do they spend money on the "Eastern part of Somaliland" which SSC is in control of now. How are they gonna develop these areas of Sool, Sanaag and Cayn that is under the control of SSC, Puntland and not Somaliland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Leezu;717710 wrote:
It is good they wanna develop those areas but why now all of a sudden do they spend money on the "Eastern part of Somaliland" which SSC is in control of now. How are they gonna develop these areas of Sool, Sanaag and Cayn that is under the control of SSC, Puntland and not Somaliland?

what ssc control Majority of sanaag is under Somaliland and the Majority of Sool is under Somaliland and the Cayn region is also majority under Somaliland if you exclude the buhoodle town.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Leezu;717710 wrote:
It is good they wanna develop those areas but why now all of a sudden do they spend money on the "Eastern part of Somaliland" which SSC is in control of now. How are they gonna develop these areas of Sool, Sanaag and Cayn that is under the control of SSC, Puntland and not Somaliland?

^^^ LMAO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this