Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Guddomiye Tarzan '' Cid boobi karto maleh dhulka reer xamarka''

Recommended Posts

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho md.Maxamuud axmed nuur Tarsan oo shalay ka hadlayay goob ay isugu soo baxeen dadka banaadiriga ah ee degana degmadda xamar weyne oo ka cabanayay dhul boob ay sheegeen inay ku hayaan dad hub iyo dhaqaale ku faanay.

 

"Dadka ku doodaya dhulkan madaxweynaa i siiyay ama ra'iisal-wasaare ama dowlad taasi waa sharci darro baadil ah oo muujineysa caddaalad-darada iyo xadgudubka loo geysanayo hantida iyo nolosha dadka reer xamarka ah"ayuu si kulul u yiri guddoomiyaha.

 

Md.Tarsan ayaa sheegay in xukunka kasoo baxay maxkamadda gobolka banaadir uu yahay mid baadil ah isagoo ka codsaday in ay dib uga laabtaan go'aankaas aan sharciga waafaqsaneyn oo lagu baneysanayo hantida iyo dhulka dadka kumanaan sano ka hor deganaa xamarweyne oo iyagu horay loogu geystay xadgudubyo ay dheer yihiin dadka hubeysan.

 

"Madaxweyne,ra'iisalwasaare,dowlad,barasaab walaa duq magaalo ma jirto cid bixin karta dhul dad leeyahay oo dikumintiyadoodii heysta,balse ciddii ku doodeysa inay si sharci ah dhulka dadkii lahaa ay uga iibsadeen hala yimaadaan cadeymahooda ileyn dowladda hoose ayaa dhulka kala wareejisa oo shaqoadeedu tahaye"ayuu yiri Md. tarsan oo shalay ka duceystay dadka reer xamarka ah ee dhulkooda shaqsiyaad dikumintiyo xilligii xukuumadda carta ay jirtay ay ku doodayaan in loo sharciyeeyay oo ay siisay dowladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this