Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Kuwaiti funded hospital equipment for sheikh city Just arrived

Recommended Posts

Qeybihii ugu horeeyay ee qalabka cisbataal degmada sheekh ugu deeqay amiirka dalka kuwait oo maanta soo gaadhay madaarka Berbera

 

 

Qeybo kamida qalabkii mudada dheer la sugaayay ee cisbataalka degmada sheekh ayaa manta laga soo rogay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera

 

Qeybo kamida qalabkii mudada dheer la sugaayay ee cisbataalka degmada sheekh ayaa manta laga soo rogay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera waxaana qalabka manta xubnihii siday ka gudoomay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)iyo gudida cisbataalka ee magaalada berbera waxaana isla manta qalabkaa loo gudbiyay degmada sheekha halkaas oo ay kaga gudoomeen masuuliyiinta degmadaasi waxaana wareejintii qalabkaa hadalo ka soo jeediyay masuuliyiinta degmada sheekh oo ay kamid ahaanyeen maayarka iyo xoghayaha dawlada hoose ee degmada sheekh waxa kaloo iyana hadalo dardarana iyana halkaa ka jeediyay Badhasaabka gobolka saaxil iyo gudida cisbataalka berbera dhinaca

kale Deeqdan oo isugu jirta mishiinno shaybaadh oo casri ah, Mashiinka Oxygenta lagu sammeeyo oo Somaliland aan laga heli jirin, sarriiro iyo agab caafimaad oo kale waxa wareejinteedii ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Maayarka Degmada Sheekh, Ibraahin Cabdillahi Cabsiiye, Xogahaya Degmada Sheekh Cabdikariin Yuusuf Saleebaan, Xildhibaanno golaha Deegaanka iyo Guddida cisbitaalka Berbera.

 

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo munaasibad loo sammeeyay wareejinta deeqadan oo ka dhacday Cisbitaalka Sheekh ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay dib u furitaana cisbitaalka Sheekh oo wakhtiyadii hore looga iman jiray gobolo badan oo ka mid ah dalkii laysu odhan jiray Somalia, isagoo u mahadceliyay Amiirka dalka Kuwait “Munaasibadan maanta ee qalabkii u horeeyay ugu yimi aad baanu ugu faraxsanahay, isagoo dhakhtarkani ahaan jiray mid meel kasta lagaga soo hirto xiliyadii hore, maantana waxaan rajaynayaa inuu kii oo kale noqdo, laakiin waxa muhiim ah inay dadku fahmaan waxa ummaddu wada leedahay inay ka muhiimsanyihiin waxa gaarka loo leeyahay, waxaad moodaa in dadku u shaqaynayaan waxa gaarka loo leeyahay, laakiin wixii ummadu wada lahayd inaan cidina xil badan iska saari lahayn, taasoo keentay in adeegyadii wada lumaan.” ayuu yidhi Badhasaabku.

 

Badhasaabku waxa uu tilmaamay inay agabkan ku jiraan mashiinno qaaliya oo lagaga maarmi doono dalal badan oo dadku u tagaan, waxaannu yidhi, “Mashiinada laynoo keenay waxa ka mid ah kuwii Oxygenyta samaynayay oo aynaan u baahan doonin inaynaan Oxygen meel kale ka soo qaadano, agabkani waa kuwo dalka badankiisa aan ool, waxaan filayaa in talo ballaadhan laga yeelan doono dhakhtarku sidii uu u shaqayn lahaa, amiirka Kuwait aad buu u mahadsanyahay. dadka waxaan ku boorinaya danta guud inay ilaashadaan. ”

 

Badhasaab Ramaax waxa uu gebogebadii hadalkiisa ku xusay ina tallo qaran ka yeelan doonaan gacan-ku-haynta cisbitaalka, “kolay Wasiirka Caafimaadka waanu ku soo casuumi doonaa furitaankiisa, sidii maamul adag degmo iyo qaranba loogu sammayn lahaa cisbitaalka in laga wada tashado maamul adag oo aanay dhicin in hadhow cidi gaar isaga sheegato.”

 

Maayarka Degmada Sheekh Ibraahin Cabdillahi Cabsiiye, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin rajada dib loogu furao cisbitaalka Sheekh oo xidhnaa tan iyo 1991kii, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Waxaan halkan kula wareegaynaa agabka loo keenay cisbitaalka oo isugu jira mashiinno, sarriiro, qallabka qalliinka, laporatory, qalabku intan kma koobna, laba amma saddex goor oo danbe ayaa la keenayaa, waxaan dhammaantayo ku faraxsanahay in maanta uu rajo yeesho cisbitaalkii degmada Sheekh oo xidhnaa laga soo bilaabo 1991kii oo aanu dib u rajadiisa u helno.

 

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Sheekh Cabdikariin Yuusuf Saleebaan ayaa isaguna xusay inuu rajaynayo cisbitaalka Sheekh inuu noqdo mid baahi badan *****li doona.”Waxaan rajaynayaa inay Sheekh noqoto meel Somaliland oo dhan caawisa oo qofka Ceerigaabo laga keeno ee Hargeysa lagu wado inta uu jidka ku jiro ku dhiigbaxo mid lagaga maarmo Ilaahay haynooga dhigo, waxaanu filaynaa in Sheekh xarun u noqoto Somaliland oo dhan.”

 

Maamulaha Cisbitaalka Guud ee Berbera Caasha Ibraahin, ayaa iyaduna sheegtay in haddii agabkan la ilaaliyo oo si daacadnimmo ah looga shaqeeyo ay mudo badan anfaici karto mujtamaca, waxaanay tidhi, “Waxaanu aad ugu faraxsanahay deeqdan wanaagsan ee degmada Sheekh loo keenay, waxaan u mahadnaqayna Sheekha noogu deeqay, waxaan jecelahay inaan xusuusiyo waxa laynoo keenay inaynu hagaajisano oo maamul wanaagsan iyo daacadnimmo u haysano inay 20ka sano ee socda ina anfacaysa

Ilaahayna waxaan ka baryayaa inaynu kaga maarano cisbitaalada debeda ee loo yaaco.

 

Deeqdan oo ahaa horaanta agab caafimaad iyo dawooyin tiro badan waxay dawladda Kuwait soo raacisay ingineero rakibi doona agabka mashiinada ah, waxaana todobaadkan gudihiisa la filayaa inay dalka soo gaadhaan qaybo kale oo ka mid ah agab caafimaad iyo dawooyin loogu tallogalay cisbitaalka Sheekh oo muddo dheer xidhnaa, haseyeeshee boqorka Kuwait uu dib u dhiska ku sammeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this