Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Government starts developing projects in the widhwidh district.

Recommended Posts

Xukuumada Somaliland Oo Degmada Widh-widh Ka Bilowday Dhismeyaashii Adeegyada Bulshada

May 6th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Waxa maanta lagu dhagax dhigay degmada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle xarun maamul oo loo dhisayo maamulka degmadaasi, waxa kale oo Saldhig Boolis iyo dugsi waxbarasho laga dhisayaa tuulooyinka Bali-cad iyo Gees-dheer, oo ka mid ah tuulooyinka degmada Widh-widh.

 

Dhismeyaashan ayaa dhaqaalaha ku baxaya ay bixisay xukuumadda Somaliland, sida uu maanta ka sheegay xafladii dhagax dhiga Xarunta maamulka degmada Kayse Yuusuf Cali oo ka tirsana jiray ururkii nabad diidka ahaa ee SSC, waxaanu mashaariicdan uu ku sifeeyay midhihii nabadda ee ay qaateen shacbiga degmada Widh-widh waxaanu u mahad celiyay xukuumadda.

 

“Mashaariicdani waa midhihii nabadda waxaana kharashka ku baxaya dhismaha xarunta degmada, Dugsiga iyo Saldhiga bixinaysa Xukuumadda Somaliland, waxaanan uga mahad naqaynaa Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) waanna lacag laga soo jaro dakhliga dawlada oo loogu tallo galay horumarinta gobolada dib u dhacsans,”ayuu yidhi Kayse Yuusuf Cali, oo ka hadlay dhagax dhigii dhismeyaashaasi.

 

Keyse waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan illaa shan mashruuc oo kale oo laga fulinayo tuulooyinka degmada Widh-widh.

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Badhasaab Ku Xigeenka Somaliland ugu magacaabay Gobolka Buuhoodle C/Qani Cabaase waxaanu sheegay inuu xukuumadda Somaliland uga mahad celinayo mashaariicdan laga fulinayo degmooyinka hoos yimaada Gobolka Buuhoodle. Waxaanu arrintaasi ku sifeeyay hordhaca mashaariic badan oo Somaliland ka hirgelin doonto Deegaankaasi.

 

Haybe Cali Guray iyo Xaaji Maxamuud Dhego-yare oo ku hadlayay magaca waxgaradka degmada Widhwidh ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhismeyaashan oo ay xuseen in baahi weyn loo qabay waxaanay xukuumada Axmed Siilaanyo ka dalbadeen inay sii waddo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaanka widh-widh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this