Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland delegation to attend IOG inauguration ceremony in Djibouti

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland Oo Shan Wasiir U Dirtay Ka Qeybgalka Xaflada Dhaarinta Madaxweyne Geelle

May 6th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu weheliyay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka Md. Maxamed Ibraahim Madar, ayaa maanta u kicitimay dalka Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii sadexaad loo dhaarinayo madaxtinimada dalkaasi.

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta madaarka Hargeysa ugu waramayay Saxaafada ka hor intii aanay ka dhoofin dalka, ayaa sheegay in dawlada Jabuuti ay xukuumadda Somaliland ku soo marti qaaday munaasibada caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweyne Geelle, waxaanu tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland uu u xil saaray inay ka qeyb galaan wefti shan wasiir ka kooban oo sadex ka mid ahi sii joogaan dalka Jabuuti kuwaasi oo kala ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Md. Xuseen Axmed Caydiid.

 

“Socdaalkayagu wuxuu ka dambeeyay ka dib marti qaad uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u soo diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku casuumay xaflada dhaarinta iyo caleemo saarka oo 8-da bishan ka dhacaysa dalkaasi ka dib markii Madaxweyne Geelle ku guulaystay doorashadii dhawaan ka dhacday wadankaasi,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good for them, Somalis are always welcome in our country. But we shall be carefull of the hidden intentions of some vicious villains as we won't tolerate the division of our motherland Somalia. Indeed I fully trust my government's actions on this matter.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this