Liqaye Posted May 6, 2011 Xukuumadda KMG Soomaaliya oo soo dhicisay xaqii Badda Jimco, May 06, 2011 (HOL) - Shirkii ay maanta golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah isugu yimaadeen ayaa waxaa warbixin siiyay golaha Wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka badda iyo Bey’adda Mudane Maxamed Macalin Xasan oo muddooyinkii u dambeeyey ku howlanaa sidii si sharci ah loogu heli lahaa xaqa xuduuda Badda ee ay Soomaaliya xaqa u leedahay. Wasiirku wuxuu ku soo guuleystay in la diyaariyo Documentigii waafaqsanaa sharciga Caalamiga ah ee xuduudaha Badda Soomaaliya kaasoo lagu soo cadeeyey in xuduuda dhaqaale ee u gaarka ah Soomaaliya (Exclusive Economic Zone) ay tahay 200 Nautical Miles oo u dhiganta 370.4 km. "Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadi iyo guushi ka soo hoyatay safarkeygii oo aheyd in aan keenay dokumenti qeexaaya xad badeedka Somaliya oo loo sameeyey si waafaqsan sharuucda caalamiga ah ee badaha ee Qaramada Midoobey (United Nations Convention on Law of Sea)" ayuu yiri Wasiirka Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Documentiyadan iyo qariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabici doonaa Website-yada Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale ee Caalamiga ah, sida FAO. Talaabadan ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed tanoo horseedi doonta in lala xisaabtamo falalka kalluumeysiga sharcidaradda ah iyo qashinka suntan ah ee lagu daadiyo Baddaheena. Sidaasi daraadeed dowladdu waxay u xaqiijineysaa shacabka Soomaaliyeed inay u soo dhicisay xaqii xuduuda dhaqaale ee Badda ee sharciga ahaa. Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites