Sign in to follow this  
Somalina

Madaxweyne Shariif oo kulan laqaatay Dhigiisa Dalka Suudaan

Recommended Posts

Somalina   

Madaxweynaha dawlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Xalay gaaray magaaladda Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir, kaa oo ay ugu wada hadleen arrimmo badan oo ku saabsan xiriirka labada dowladood.

 

Madaxwayne Shariif ayaa waxa uu uga warbixiyay dhiggiisa Suudaan xaalada uu dalku marayo iyo guulo uu sheegey inay ciidankiisu kasoo hoyeen dagaaladii ugu dambeeyay iyo hormarka ay Dowladdu ka gaartay dhinaca amniga.

 

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Mudane Axmed Fiqi ayaa warbaahinta soomaaliyeed u sheegey in kulanka ay yeesheen labada madaxweyne uu ku saabsanaa arrimo quseeya xaalada Soomaaliya iyo sidii dawlada suudaan ay u taageeri lahayd dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in madaxweynaha dalka suudaan Cumar Xasan Axmed (Albashiir) uu dawlada federaalka u balan qaaday taageero dhinacwaliba uu siin doono.

 

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)

cmc_vip@hotmail.com

Khartuum - Suudaan

00249922244147

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this