Somalina Posted May 5, 2011 Madaxweynaha dawlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Xalay gaaray magaaladda Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir, kaa oo ay ugu wada hadleen arrimmo badan oo ku saabsan xiriirka labada dowladood. Madaxwayne Shariif ayaa waxa uu uga warbixiyay dhiggiisa Suudaan xaalada uu dalku marayo iyo guulo uu sheegey inay ciidankiisu kasoo hoyeen dagaaladii ugu dambeeyay iyo hormarka ay Dowladdu ka gaartay dhinaca amniga. Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Mudane Axmed Fiqi ayaa warbaahinta soomaaliyeed u sheegey in kulanka ay yeesheen labada madaxweyne uu ku saabsanaa arrimo quseeya xaalada Soomaaliya iyo sidii dawlada suudaan ay u taageeri lahayd dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in madaxweynaha dalka suudaan Cumar Xasan Axmed (Albashiir) uu dawlada federaalka u balan qaaday taageero dhinacwaliba uu siin doono. C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab) cmc_vip@hotmail.com Khartuum - Suudaan 00249922244147 Quote Share this post Link to post Share on other sites