Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sheekh Xasan Qoryooley oo uu geeriyoday dhaawac ka so gaaray weerar ay qaadeen Shabaab

Recommended Posts

Shiikh Xassan Shiikh Cabdi Maxamed (Shiikh Xassan Qoryoley) ayaa ku dhintay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya waxaana la soo warinayaa in saaka lagu aasi doono magaalo xeebeedka Mombasa.

 

Shiikha Xasan Qoryooley ayaa waxa uu ka mid ahaa madaxda ugu sareysa ee Ururka Ahlusunnah Waljameeca waxa uuna la socday Kolonyo baabuur oo labo maalin ka hor ciidamada Alshabaab ay u galeen meel ku dhow deegaanka Garbahaarey kadib markii uu Shiikha ka soo ruqaansaday magaalada Luuq.

 

Shiikha ayaa sida la sheegayo waxa uu ku dhaawacmay qarax Miino oo la la eegtay baabuurka uu saarnaa waxaana durbadiiba dhawaciisa la geeyey magaalada Beledxaabo halkaas oo looga sii duuliyey magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

 

Shiikh Xasan Qoryoley ayaa ahaa Hogaanka sare ee ururka Ahlusunah ee Koonfurta Soomaaliya isla markaana waxa uu Shiikha hormuud ka ahaa abuubulada looga soo horjeedo ciidamada Shabaabka oo mudooyinkaan luminayo deegaano badan oo ay gacanta ku hayeen.

 

Weerarkaan gaadmada ah, ee lagu beegsaday Kolonyadii Shiikh Xasan Qoryooley siday ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaabka ay ku guuldareysteen isku daygii ay ku doonayeen in ay dib ugu qabsadaan magaalada Garbahaarey taas oo si xoogan looga itaal roonaaday.

 

Weerarada noocaan ah ayaa waxa ay ka qeyb yihiin qudada dagaal oo ay iclaamiyeen Xarakada Alshabaab kaas oo uu afhayeenkooda Abuu Muscab uu ku dhawaaqay kadib markii looga adkaatay dagaal faraha looga gubtay ay la galeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlusunah ee Gobolka Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inalilahi waa ina ileeyhi raajicuun Ilaahey ha uu naxariisto Sheekh xassan, waxaan ilaahay ka baryaaya inuu sheekha jannada ku waraabiyo.. Halyeey Sheekh xassan wuxuu dhintay asigo difaacaaya dalkiisa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this