Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: New Mudug admin decree concerning Merchants and arms..

Recommended Posts

Guddiga nabadgelyada ee gobolka Mudug oo soo saaray amarro ku socda ganacsatada.

Wed, 04 May 2011 15:49:19 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Galkacyo, May 04 - Warqad qoraal ah oo maanta ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga nabadgelyada iyo maamulka ee gobolka Mudug Maxamed C/raxmaan Cuuke ayaa lagu faray ganacsatadu in ay hubkooda ka diiwaan galiyaan.

 

Taliska qaybta boliiska ee gobolka Mudug, si loo siiyo ruqadda haysashada hubka yaryar, kaasoo qoraalka lagu sheegey in uu sharcigu u oggolyahay haysashadiisa si ay naftooda iyo maalkooda ugu difaacdaan, waa marka ay diiwaangashadaane.

 

 

 

Sidoo kale waxaa ruqsadda haysashada hubka fud-fudud loo oggolaaday shacabka aan la dhaafayn guryahooda, si ay ugu difaacdaan, iyo baabuurta xamuulka ah ee gobollada dalka u kala tallaaba.

 

Ruqasadda haysashada hubkan ayaa lagu xidhay shuruudaha kala ah

 

1-In ay bixiyaan cashuurta ka waajibtay bixinta ruqsadda

2-In aan goobahooda la dhigi Karin hub kale oo aan ruqsad lahayn

3-In aan hubkooda dibadda loola bixi Karin, lala dhex mari karin magaalada , loo wareejin karin goob ka baxsan meesha loogu qoray ruqsadda, haddii aan fasax looga helin madaxda Nabad Gelyada Gobolka Mudug.

 

Warqaddan ayaa lagu faray taliyeyaasha ciidamada ammaanka ee gobolka Mudug in ay dhaqan geliyaan diiwaan galinta hubka yaryar, halka taliskana booliskana la faray in uu diiwaanka hubka yaryar u gudbiyo xafiiska nabad gelyada iyo maamulka gobolka Mudug, si loo siiyo ruqsadda dadka soo dalbaday.

 

Diiwaangalinta iyo bixinta oggolaanshaha hubka yaryar ayaa socon doonta inta u dhaxaysa 3da bishan illaa 13-ka, mudadaasi kaddibna waxaa la faray in lala wareego hubka yaryar ee aan sharciyaysnayn.

 

Adam Shardi Axmed

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Booliska gobolka Mudug oo ka codsaday shacabka magaalada Gaalkacyo inay soo diiwaan galiyaan hubka

 

 

11 hours ago | 0 comments

 

 

Saraakiisha amaanka ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee magaalada Gaalkacyo oo ay dhowaan ka dhaceen falal amni daro ah oo loogu geystay magaalada Gaalkacyo qaar ka mid ah waxgaradka magaalada, masuuliyiinta dowladda,iyo goobaha lagu cibaadaysto ee masaajidda.

 

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Gaashanle Dhexe Cabdirashiid Cadceed Gelle oo waraysi gaar ah siiyay Horseed Media ayaa sheegay in amaanka magaalada Gaalkacyo ay tahay mid si weyn u wanaagsanaysa tan iyo markii dhowaan maamulka goboka Mudug uu ku soo rogay bandow islamarkaana la bilaabay howlgalo habeenkii ay ciidamada amaanka ay ka sameeynayaan magaalada Gaalkacyo.waaana uu sheegay in magaalada Gaalkacyo ay wali ka wadaan dhameynta dhibaatadii dhowaan ku dhexmartay magaalada Gaalkacyo lawa beelood oo walaallo ah.

 

Arimaha bandowga ee dhowaan maamulka gobolka Mudug ku soo rogay magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay taliyaha in waqtiga uu bilaabanayay bandowga ay dib u dhigeen ilaa iyo hal saac ka dib markii sida uu tilmaamay shacabka ay ugu daneeyeen inay ku tukadaan saalada Cisho goobaha masaajidda.

 

Cabdirashiid Cadceed Gelle ayaa dhinca kalle sheegay in gudiga nabadgalyada gobolka Mudug uu soo saaray go’aamo lagu farayo shacabka magaalada oo uu sheegay inay u badanyihiin dad hubaysan inay hubkooda soo diiwaan galiyaan iyadoona dowladda aysiinayso taysaro iyo nidaam waafaqsan sharciga hubka.

 

Taliyaha ayaa sheegay inay shacabka hubkooda u soo qaadan magaalada islamarkaana ay dhigtaan guryaha,waxaana dhinca kalle uu xusay dadka aan isa soo diiwaan galin inay baaritaano ku sameyn doonaan guryahooda.

 

Si kastaba dhowaan ayaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay dad caan ka ah gobolka Mudug kuwaasi oo isugu jiray masuuliyiin iyo nabadoono,waxaana arimahan ay ku soo beegmayaan xilli dowladda Puntland ay ka wado qorshe wax looga qabanayo amaanka magaalada Gaalkacyo

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this