Sign in to follow this  
A_Khadar

Macalimiin Lagu Xidhxidhay Laascaanood Iyo Ardayda Oo Ka Mudaharaaday

Recommended Posts

A_Khadar   

Ciidamada Sirdoonka ee maamulka Somaliland ayaa saaka subaxnimadii weerar waxashnimo ah ku qaaday dugsiga sare ee Muuse Yuusuf..

 

Halkaas oo ay ka soo qabteen Macalin Sh. Maxamed Macalin Xasan oo ahaa bare dhiga Af Carabiga iyo Diinta Islaamka xili uu ku jiray Xiisad oo uu waxbarayey in ka badan 100 Arday.

Iskuulka Sare ee Muusue Yuusuf waxa saaka weerar ku qaaday Shan nin oo ku habaysnaa Afar qori iyo waliba Baaskoolad, kuwaas oo ay Amaanku u furnaayeen oo Argagax naxdinleh galiyey Ardaydii Iskuulka iyo Macalimiintaba, kolkii ay Maamulka u bandhigeen in ay doonayaan Macalinka Carabiga iyo diinta dhiga waxa uu maamulku u sheegay in uu xiligan ku jiro Cashar balse kolka uu ka soo baxo loogu yeedhayo ee inta ka horaysa ay hubka kala baxaan Dugsiga.

Kolkii intas la isweydaarsay ayaa Malayshiyaadkani Ku yaaceen Fasaladda Iskuulka waxana ay qoro ku qabteen Arday oo ay ka dalbadeen in uu tuso Macalinka Carabiga iyo Diiniga kaas oo tusay, Malayshiyaadkani waxa ay jirdil u geysteen Macalinkii iyaga oo Qori dabadii iyo Laabadba la dhacay waxana ay ula dhaqaaqeen dhinac Baabuurkii ay wateen, Ardaydii Dugsiga ayaa bilaabay in badbaashadaan Macalinkooda kuwaas shiid ku bilaabay malayshiyaadkan waxana iyaguna ay ku jawaab Rasaas ay Ardayda hoos ugu dhigeen, Ardayda gadoodsan ayaa muraayadaha ka jabiyey Baabuurkii ay wateen waxana ay ku guulaysan waayeen in ay soo furtaan Macalinkooda.

Macalinkan ayaa malayshiyadku ula dhaqaaqeen dhinac Saldhiga dhexe waxana Ardayda Muuse Yuusuf Bilaabeen Mudahaarad xoogan oo xidhay guud ahaan isku socodka magaaladda waxana ay ku dhawaaqayeen eryo ka dhan ah Maamulka Somalididka inkasta oo Malayshiyaadka Police-ka ahi ay raasaso ku rideen hadana Maamulka Macalimiinta Gobalka Sool iyo Maamulka Dugsiga Sarre ayaa ka codsaday in ay Ardaydu is dajiso ayna u Ergo tagayaan oo ayka warsugaan.

Maamulaha Dugsiga Sare Cabdilaahi Aflahaar ayaa kolkii uu ka soo noqday dhinac Maamulka waxa uu warbaahinta siiyey hadal kooban waxana uu yidhi sidan " Macalinkii waa xidhan yahay, markii aanu damacnay in aanu Damiinano oo waraaqda nala sexeexi lahaa ayaa Sirdoonku diideen kuwaas oo yidhi lama sii daynayo waxanuna doonaynaa oo kale Maamulaha Dugsiga Cabdilaahi Aflahaar iyo Macalinka Tarbiyadda ( Cabdirashiid).

Ilo lagu kalsoon yahay waxa ay noo xaqiijiyeen in Sirdoonka SNM-tu ay u haystaan macalinka in uu xidhiidh la leeyahay Alshabaab kuwaas oo doonaya in ay dusha ka saaraan falalkii dhacay, shacabka Laascaanood ayaa rumaysan in wax kaliy ee Macalinkan lagu haysto ay tahay Jinsidaydiisa maadaama uu ka soo jeeda Gobaladda Koonfurta Soomaaliya iyada oo cunsirinimadda hore loogu yiqiinay Maamulka Xooga ku haysta Magaaladda Laascaanood.

 

Guud ahaan shacabka Laascaanood oo ay horkacayan Ardaydda magaalada ayaa aad uga xun falkan waxashinimadda leh, waxana ay Ardaydu ku hanjabeen in ay dhigayaan Mudahaarado waa weyn maalmaha soo socda.

 

 

white.gif
Xafiiska Wararka Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this