Xaaji Xunjuf Posted May 4, 2011 Wefti 73 Xubnood Ah Oo U Socdaal Ku Tagay Dalka Jabuuti May 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Weftigii ugu cuslaa uguna tirada badnaa ee ka socda Somaliland ayaa maanta ka ambo baxay madaarka Hargeysa kuwaasi oo u kicitimay dalka Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan shir balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Ha’yada kaalmooyinka u qaabilsan Maraykanka. Weftigaasi oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Agaasimeyaal, Ururada bulshada rayidka ah iyo Ganacsato waxa Hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose waxaanay Jabuuti kaga qey galyaan shir lagu darsayo kaalmooyin toos ah oo ay dawlada Maraykanku siinayso Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta. Shirkaasi waxa uu socon doonaa muddo shan sanadood ah waxa uu qeyb ka yahay mashaariic hore Ha’yada USAID ay siisay 7 Wasaaradood oo ka mid ah Ha’yadaha dawliga, waxaana kulankan lagu qiimaynayaa baahiyaha sida loo kala horaysiinayo. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxa kale oo mudada ay socdalka ku joogaan dalkaasi ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta wadanka Jabuuti oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti oo ah laba dal oo daris ah. Cumar Maxamed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 4, 2011 waftigii ugu ballaadhnaa abid xukuumaddaha jsl oo u kicitimay dalka j. jibouti. Weftigii ugu cuslaa uguna tirada badnaa oo ka kooban 73 ubnood ee ka socda dawladda JSL ayaa maanta ka ambo baxay madaarka Hargeysa kuwaasi oo u kicitimay dalka J. Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan shir ballaadhan oo ay soo qaban qaabisay Ha'yadda kaalmooyinka u qaabilsan Dalka Maraykanka. Weftigaasi oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Agaasimeyaal, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ganacsato waxa Hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose waxaanay Jabuuti kaga qeyb gelyaan shir lagu darsayo kaalmooyin toos ah oo ay dawladda Maraykanku siinayso Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta. Shirkaasi waxa uu socon doonaa muddo shan sanadood ah waxa uu qeyb ka yahay mashaariic hore Ha’yada USAID ay u siisay 7 Wasaaradood oo ka mid ah Ha'yadaha dawliga, waxaana kulankan lagu qiimaynayaa baahiyaha sida loo kala horaysiinayo. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxa kale oo mudada ay socdalka ku joogaan dalkaasi ay kulamo la yeelan doonaan mas'uuliyiinta wadanka Jabuuti oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya J. Somaliland iyo J. Jabuuti oo ah laba dal oo walaalo ah oo daris ah. SL Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 4, 2011 Shir Caalami ah oo Jabuuti uga Furmaya Somaliland iyo Sanduuqa Mucaawanada Maraykanka Wed 04th May,2011 Hargeysa (Jam)- Shir caalami ah oo ay ku kulmayaan Somaliland iyo sanduuqa gargaarka dalka Maraykanka ee USAID, ayaa maanta ka furmaya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah Somaliland uga qaybgalaya ergo gaadhaysa 60 xubnood oo isugu jira dawladda, ururrada bulshada iyo ganacsatada iyo madaxda hay’adda gargaarka Maraykanka ee USAID. Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii la isula meeldhigi lahaa qorshe ballaadhan oo Maryakanku ku horumariyo Somaliland, iyadoo xoogga la saarayo hay’adaha dawladda, ganacsiga iyo ururrada maxalliga ah, isla markaana si toos ah loola macaamilayo oo aan hay’ado caalami ah loo soo marin. Hay’adaha dawladda ee sida gaarka ah shirkan loogu martiqaaday ayaa ah saddex wasaaradood oo kala ah Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, kuwaas oo la doonayo in horumarin lagu sameeyo. Weftiga ka socda Somaliland ee shirka ka qaybgalay oo maanta diyaarad khaas ahi ka qaadi doonto madaarka Hargeysa, waxa hoggaaminaya saddexda Wasiir ee wasaaradaasi oo kala ah Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Md. Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xuseen Axmed Caydiid. Xubnaha kale ee weftiga ayaa iyaguna isugu jira agaasimayaal ka socda wasaaradaha dawladda, qaar ka mid ah maayirada magaalooyinka waaweyn, xubno ka socda ururrada bulshadda rayidka ah iyo ganacsatada dalka. Shirka oo furmaya maanta waxa la soo gebogabayn doonaa 8 bishan, waxaana la filayaa inay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo la xidhiidha nidaamka Maraykanku u caawinayo Somaliland iyo mashaariicda u baahan in la horumariyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 4, 2011 Dawladda Mareykanka oo Bilowday inay Kalmooyin Toos ah Siiso Hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland May 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org) – Dawladda Mareykanka ayaa bilowday inay mashaariic horumarineed ay markii u horreysay ay si toos ah u siiso Hay’addaha Dawliga ah ee Somaliland. Dawladda Mareykanku wxay shir hawleed socon doona muddo shan maalmood ah oo lagu darsayo baahiyaha Somaliland ay ku qabanaysaa dalka Jabuuti, waxaana ka qaybgalaya 73 xubnood oo ka kala socda Wasaaradaha Dawladda, ururadda Bulshadda Ray’idka ah iyo Shirkadaha Ganacsiga ee dalka. Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa xuno ka ah Wasiirradda Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsadde iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Md. Xuseen Axmed Caydiid, Agaasimeyaasha Wasaaradaha qaarkod, Maayaro iyo Badhasaabada Gobollada qaarkood. “Weftigan balaadhani waxay ka qaybgalayaan kulan balaadhan oo ay Jabuuti ku qabanayso Hay’adda Kaalmooyinka u qaabilsan Mareykanka ee USAID, taasi oo kaalmo toos ah siinaysa xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud, mashaariicdaasi oo la doonayo in saamayn toos ah ku yeeshaan Wasaaradaha Dawladda,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh. Agaasimuhu wuxuu sheegay in shir hawleedkaasi lagu falanqeynayo sidii loo kala horaysiin lahaa baahiyaha kale duwan. “Mashaariicdan tooska ah ee dawladda Mareykanku siinayso hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland waxay markhaati cad u tahay nabadgelyadda, maamul wanaagga iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland, kaalmooyinka Mareykanku ina siiyo wuxuu inoo soo marin jireen Hay’ado markaa waa markii u horeysay ee USA ay si toos ah hay’adaheena dawliga ah ula shaqeyso. Waxa hore u jiray todoba Wasaaraddood oo ay mashaariic u soo marin jireen hay’adaha IOM,” ayuu yidhi Agaasimaha oo ka mid ah weftigaaasi oo maanta u waramayay Radio Hargeysa. Cumar Maxamed Faarax Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 4, 2011 73 xubnood That is a whole Tuulo niyow ,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
G.O.E.T.I.A Posted May 5, 2011 why not? as long as Djibouti doesn't recognize Somaliland, Im fine with it.:cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Leezu Posted May 5, 2011 Why do you use a French map instead of Djibouti map, is it because Djibouti was a colony of France? Anyways I agree aslong as Djibouti doesnt recognize Somaliland which is impossible anyway when Awdalland and SSC is controlling areas of Somaliland, it is okay. Quote Share this post Link to post Share on other sites