Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland minister of Civil aviation to visit Kenya to attend Airspace tax confernece

Recommended Posts

Wasiirka Duulista Oo Kenya Kaga Qeyb Galaya Shir Lagaga Hadlayo Cashuurta Hawada

May 3rd, 2011

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay shir muhiim ah oo uu kaga qayb galayo dalka Kenya oo uu maanta u kicitimay.

Wasiirku shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay madaarka ka hor intii aanu ka dhoofin dalka waxa kale oo uu kaga hadlay warar ay warbaahinta qaarkood ka qoreen.

Md. Maxamuud Xaashi oo ka hadlay dayactir lagu samaynayo madaarka Hargeysa waxa uu yidhi “Sababaha igu lamaaneeyay socdaalkii Kuwait waxa uu ahaa maadaama oo uu noo socday mashruuc toban Million ah, waxaana Hargeysa laga fulinayaa run way cusub iyo dayr loo samayn doono madaarka, waxa kale oo jirta laydh habeenkii lagu soo hago diyaaradaha, dhinaca kale madaarka Berbera ayaa iyadana mashaariic laga fulin doonaa.”

Wasiirku mar uu ka hadlayay socdaalka uu ku tagayo Caasimada dalka Kenya ee Nairobi iyo cida uu kulamada la yeelan doono, waxa uu yidhi “Shirka Nairobi waxa uu ku saabsan yahay hawada Somalida ilaa 1991-kii hay’add yar ayaa lacag iska qaadata waxaanu qorshuhu ahaa in ay madaarada Somaliland iyo kuwa Somalia wax lagaga qabto, hay’addaasi waxa ay hadda bixisaa gawaadhi yar-yar iyo 46 Shaqaale ah, haddii Alle inaguma keenee ay maanta Diyaaradi ku gubato Madaarka ma jirto wax lagu bakhtiiyaa markaa waxa aanu la tagaynaa qorshe ah in lacagta hawada Somaliland la inagu soo wareejiyo oo ay inoogu soo dhacdo wasaaradda maaliyada si aynu madaaradeena wax ugaga qabano. ”

Wasiirku Duulista iyo hawadu waxa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya inuu Shaqaalaha Wasaaradiisa ku qorto hab Beeleed, waxa uu yidhi “Qofku hadalku odhanayo waa ka Masuul waliba Qof Mudakar ah oo ka tirsan urur u dooda Xuquuqda Bini’aadamka marka uu hadal odhanayo inuu hadalkaasi Xigmad ku dhisnaado ayaa qurux badan, anigoo Ixtiraamaya Ragaas Sharaftooda Shakhsiga ah waxaan qabaa waa war aan sugnayn oo aan sal iyo raad toona lahayn ayay sheegeen oo aan is leeyahay waa meel ka dhac weeyaan, anigu Wasaarada masuul baan ka ahayn, Masuul qaran baan ahay waxaanan qabaa sida runtu tahay isfaanin maayo, laakiin in aan ahayn Nin Maanta looga fadhiyin inuu ku Dhaqamo wax Qaanuunka khilaafsan ama Shaqaale uu xukumo kala saar-saara ama uu reero gaar ah u badiyo Maanta meesheedii-na ma joogo Ninkeedii-na ma ahi Masuuliyadayda-na maaha, 65 Qof oo Shaqaalaha Wasaaradan ka mid ah oo Tamb areeri ah (ku meel gaadh ah) oo aan Shaqada ka erinay ma jirto haba yaraatee mana cadayn karaan dadka hadaladaas lihi.”

“Waxa jirtay muddo afar Bilood laga joogo Shaqaalaha ku meel gaadhka ah ee Wasaaradan ka tirsanaa ee Madaarkan joogay oo dad faro badan ahaa oo aan Shaqada qornayn oo dawlada-na markaa aan u qornayn Lacagta la siin jirayna ay ahayd Lacagtii Madaarada laga qaadi jiray ee aan Khasnada dhexe ku xeroon jirin ee aan halkan imid ee ay dawladii dhexe-na ya tidhi anagu bixin mayno Lacagtaa dadka Tabareeriga ee aan dadkii u nimid waxaanu soo qornay dad ilaa dhawr iyo labaatan qof ah, anigu Qof Barman ah Xil waan ka qaadi karaa, laakiin ma eryi karo, 73 Qof oo Tambareeri ah ayaa Imtixaan u fadhiistay, dadkii Tambareeriga ahaa ee Imtixaankaa u fadhiistay-na hal Qob-baa ka dhacay, ”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Wasiirka Duulista Oo Ku Guulaystay la Xisaabtanka Ha’yadaha Maamula Cashuuraha Hawada Somaliland

May 5th, 2011

Nairobi(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka qeyb galay shir qaramada midoobay ku qabatay Kenya oo lagaga hadlayay cashuuraha hawada sare ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu wasiirku ku guulaystay inuu la xisaabtamo shirkada qandaraaska ku haysatay inay maamusho hawada sare ee Somaliland CACUS).

Sidaasi waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya, oo tafaasiil lagaga bixiyay nuxurka iyo natiijada ka soo baxday shirkaasi., waxaanu war saxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada wararka ee Somaliland.Org uu u dhignaa sidan:-

“Wefti ka kooban sadex xubnood oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Muxumed Cabdi Caamir iyo Maxamed Xirsi oo maalintii Salaasadii soo gaadhay caasimada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay si rasmi ah uga qeyb galay shir heer sare ah oo lagaga arrinsanayay sida loo maamulo cashuuraha hawada sare ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen madaxda Hayadaha UNDP , ICAO iyo waliba shirkadii gacanta ku haysay maamulka hawada sare ee Somaliland iyo Soomaaliya todoba iyo tobankii sanadood ee u danbeysay ee CAUCUS. Shirka ayaa arbacadii ku furmay jawi aad u kulul kadib markii Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi uu gaashaanka ku dhuftay in wixii imika ka danbeeya aanay marnaba Somaliland aqbali doonin in ay u daba fadhiisato maamulka hawadeeda sare cid kale isla markaasna ku eedeeyey Ha’yada CACUS oo iyadu maamulaysay mudooyinkii u danbeeyay hawooyinka sare ee Somaliland iyo Soomaaliya ay lunsatay lacago badan.

Sidoo kale waxay Weftigii ka socday wasaarada duulista Somaliland iyo kuwii ka socday Somaliya intuba ku eedeeyeen shirkadaas (CACUS) in dakhliga sanad kasta oo dhan 6 Milyan oo dolarka maraykanka ay ugu tagri fasho si fool-xumo ah oo aan sharciga waafaqsanayn.

Tusaale ahaan 70% lacagtaasi waxay ku baxdaa mushaharooyin badankooda lagu cuno Nairobi iyadoo sadex la taliye oo kiiniyaan ahi gaar keligood u qaataan $571.350 Dollar sanadkii oo ay u dheer tahay kharashka habeen dhexa, taasi waxay keentay in madaaradii Somaliland iyo Soomaaliya ee loogu tallo galay in lagu horumariyo agabkooda aanay waxba gaadhin.

Guntii iyo gebogebadii shirkaas ayaa la isku raacay in wixii maanta ka danbeeya laga soo wareejiyo gacan ku haynta maamulka hawada sare ee ay ku keliyeysatay Ha’yada ICAO iyo shirkada CACUS oo la sameeyo guddi dhexe ‘Steering Committee’ oo ka kooban Ha’yadaha UNDP,ICAO,Somaliland Iyo Soomaaliya. Gudidan ayaa ka koobnaanaysa shan xubnood oo kala metela dalalka Somaliland , Soomaaliya iyo waliba Ha’yadaha UNDP Iyo ICAO , inkastoo ay Ha’yada ICAO soo jeediyeen in Hoggaanka gudidani ee joogtada ah noqoto dawlada TFG-da Soomaaliya, arinkaas waxaa gaashaanka u daruuray xunihii metelayay Somaliland kadibna waxaa la isku raacay in hogaanku noqdo wareegto oo waxaa kolba gudoomiye noqonaya qof kasoo jeeda Somaliland ama Soomaaliya.

Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu qaado Wasiir Duulista iyo Hawada Somaliland ah tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax banaanideeda sanadkii 1991kii, iyada oo wasiirradii xukuumadihii hore oo aad ugu taamayay aanay ku guuleysan inay si cad ula xisaabtamaan Ha;yadahan gacanta ku haya hawada sare ee Somaliland.

Shirkan ka qeyb galkiisu wuxuu ka turjumayaa siyaasada xukuumada cusub ee odhanaya in aan marbana Somaliland ka mid noqon shir lagaga arrinsanayo arrimaha siyaasadeed ee dawlad loogu dhisayo dalka Soomaaliya balse laga qeyb galo shirarka lagaga arrinsanyo arrimaha horumarinta ee ay gadh wadeenka ka yihiin beesha caalamku ama wax hore inooga dhexeeyey la inoogu qeybinayo.”

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;717110 wrote:

Good stuff.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this