Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Axmed Siilaanyo talks about possible new political parties.

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Furashada Ururada Siyaasadda

May 3rd, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tafaasiil ka bixiyay asbaabihii uu Guddida tallo bixinta ugu magacaabay qadiyada lagu muransan yahay ee furashada ururada siyaasadda, waxaanu tilmaamay inuu ku shaqayn doono rabitaanka dadweynaha.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo sheegay inuu sii wadayo gogoshii nabadeed ee uu ugu baaqay waxgaradka deegaamada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi uu maanta siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayay socdaalkiisii waxa uu yidhi “Waxaan dalka ka maqnaa muddo 17 cisho ah oo aanu ku maqnayn dalalka Imaaraadka iyo Kuwayt waxa socdaalkayagu ahaa inaanu xidhiidh wanaagsan la sameysano inaanu is barno, inaanu dhaqaale iyo maalgashi iyo qadiyadayada inaanu u sharaxno wixii ay maal gashi dalkayaga gashanayaan oo dhinac walba leh oo horumarinta wixii la xidhiidhana aanu waydiisano.Waxa kale oo aan weydiisanay deeqo waxbarasho iyo wax allaale iyo wixii uu dalkayagu u baahan yahay.”

 

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxay Kuwayt ka soo heleen waxa uu yidhi “Horta dalalkaasi waxaanu kala soo kulanay soo dhawayn aad iyo aad u wanaagsan, mashaariicda aanu kala soo hadalay waxa ka mid ahaa in dalka laga dhiso Dhaamam iyo dalka laga sameeyo mashaariic horumarineed oo dhinac walba leh waxa ka mid ahaa ceelal laga samaynayo dalka. Waxa kale oo ka mid ahaa wadada isku xidha Berbera iyo Burco oo ay dhisi doonto dawlada Imaaraadka carabta.mashaariicdaasi Dhaamam la xidhayo ha noqoto ama Ceelal la qodayee waxaanu mashaariicdaasi ku qiyaasnay inay ku kacaaan 15 malyan oo Dollar oo aanu ka jirin maalgashiga kale. Anaguna aad iyo aad ayaanu ugu dhiiri gelinay.”

 

“Anagu arrinta aanu culayska weyn saaraynay marka ugu horaysa may ahayn inaanu ictiraaf soo qadino,iyadoo dhibaatooyin iyo siyaasado badani ka taagan yihiin dalalka Carabta, waxaanu ka hadlaynay isbarasho iyo sharax aanu u sharaxaynay xaalada Somaliland iyo inay wax nagala qabtaan horumarinta dhaqaalaha ayaanu culayska u weyn saaraynay,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay inay dalalkii uu booqday kala hadlay aqoonsiga Somaliland.

 

Madaxweynaha oo la weydiiyay sababta uu Guddida tallo bixinta ugu magacaabay furashada ururada siyaasada maadaama oo uu balan qaaday xiligii lagu jiray olalaha doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-ka waxaanu yidhi “Runtu waxa weeye arrintan furashada ururada siyaasaddu waa wax aad iyo aad doodi uga taagan tahay mowqif dhab ahna waanu ka lahayn, mowqifkiina waanu caddaynay hase ahaatee marka dalka xilkiisii na wada saaran yahay ummadda mowduuc intaasi leeg oo intaasi oo aragtiyood ka jirto waxay noqotay inaanu u saaray Guddi dhex dhexaad ah oo soo qiyaasta waxa dadku rabo waxaana aanu ku shaqayn doonaa waxa rabitaanka ummaddu noqdo haddii ALLE yidhaahdo.”

 

Md. Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay inay gudo galayaan iyo in kale gogoshii nabadeed ee uu u fidiyay waxgaradka deegaamada Sool, Sanaag barri iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi “Waanu soo wadaynaa waxaanay ka mid ahayd rukumada ugu waaweyn ee siyaasada xukuumadayda, waxaana aanu ka qaaday tallaabooyin badan iyo soo dhawayn badan.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this