Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Minister of planning and national development reveales new NGO laws

Recommended Posts

Hay’adaha Caalamiga ah oo walaac ka muujiyay Xeer uu Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland U Qaybiyay maanta oo xakamayanaya Hawl qabadkooda

Hargeysa(Waaheen). Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Kulan balaadhan la yeeshay Dhamaanba Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala Somaliland, kuwaas oo uu U qaybiyey Xeerka ay kuwada shaqayn doonaan dawlada iyo hay’adaha maxaliga ahi.

 

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ka hawlgala iyo madaxda wasaarada Qorsheynta qaranka oo uu ugu horeeyo Wasiirka wasaarada Qorsheynta qaranka Md Sacad Cali Shire waxaana wasiirku uu halkaasi uugu qaybiyey Xeerka wada shaqayneed ee Hay’ada dalka jooga, kuwa imandoona iyo dawladu ,

 

Xeerkan ayaa ah mid qeexaya awoodaha hay’adaha iyo nidaamka ay ku shaqaynayaan waxaa kale oo tilmaamayaa nidaamkani mashruucyada ay hay’aduhu soo qaataan iyo sida loo maamulayo arimahan iyo kuwo kalaba waxaa hay’adaha u iftiimiyey wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Maanta waxa ay ujeedadu ahayd in Hay’adaha loosoo bandhigo Xeerkan oo qeexaya siday isku diwaan galinayaan, waxyaalaha ay qabtaan iyo warbixinadooda”

 

Wasiirku waxaa kale oo shaaca ka qaaday oo xeerka ku xusan in aanay hay’adaha maxaliga ahi lacag ka raadin Karin Haayado kale waxaana uu yidhi “Hay’aduhu lacag kama raadin karaan hay’ada fuliyayaasha ah ee wadanka jooga laakiin way u furantahay inay ka raadiyaan Hay’adaha deeq bixiyayaasha ah”

 

Sidoo kale wasiirka wasaarada qorsheynta Somaliland Md Sacad Cali Shire mar uu warbaahinta la hadlaayey waxa kale oo uu sheegay in ay dalka joogaan 90 Hay’adood kuwaasi oo qabta hawlo kala duwan iyo waliba 80 Hay’adood oo cusub kuwaasi oo iskugu jira kuwo caalamiya iyo qaar kale waxaana hadaladiisii kamid ahaa “ Hay’adaha samafalku wax walba way iskugu jiraan kulamaduna kuma ee ka siminaaro waxaana hada dalka jooga 90 Hay’adood oo hore u shaqayn jiray iyo 80 hay’adood oo cusub”

 

Md Sacad Cali Shire waxa ay warbaahin wax ka weydiisay Siyaabaha ay u shaqaynayaan Hay’aduhu iyo cida kudaba galeysa mashruucyada ay fuliyaan waxaana uu arintaasi kaga jawaabay “Run ahaantii Hay ‘aduhu inooma keenaan lacag lakiin waxa ay keenaan agab iyo qalab waxaana ay noo soo gudbinayaan kahor inta aanay mashruuca bilaabin warbixin dhan waxa ay qabanayaan lacanta ama qarasha ku baxayaa inta uu dhan yahay iyo mudada marka taa aanu helno ee aanu ka aqbalno waxaanu anagu leenahay ku dabagalka oo kaliya iyaguna hawsha ayey fulinayaan marka ay dhameeyaana waa inay keenaan Xisaab Celin”

 

Dhinaca kalena Idaacada VOA’ da ayaa baahisay war sheegaya Hay’adaha Caalamiga ahi inay ka walaacsan yihiin Xeerkaas ay Somaliland ku dhaqan galisay maanta. Iyagoo sheegay inuu caqabad ku yahay shaqooyinkii ay dalka ka qaban jireen

 

Mid ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo aanu wax ka weydiinay jiritaanka Cabashada Hay’aduhu inay iyaga soo gaadhay iyo inkale ayaa yidhi “ waanu ognahay maalmahanba way la soo xidhiidhayeen xafiiska oo Nairobi iyo meelo kaleba way ka soo hadlayeen markaa Xeerkani waa Xeer muhiim ah maantaanay wasaaraddu u qaybisay” ayuu yidhi

 

Mar aanu weydiinay inay Hay’adaha Caalamig ahi u dhamaayeen kulanka maanta loogu qaybiyay Xeerka iyo inay jireen kuwo diiday waxa uu yidhi “ kolay way yimaadeen Hay’addo badan laakiin qaar kale oo maqnaana way jireen” ayuu ku soo gabagabeeyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaarada Qorshaynta Qaranka Oo Maanta Hay’adaha Caalamig Ah Ee Dalka Ku Sugan U Qabisay Xeerka Ay Ku Shaqayn Doonaan Hay’aduhu.

 

Hargeysa (Ramaas)Apr. 3, 2011- Wasaarada qorshaynta qaranka ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah in ka badan sagaashan hay’adooda oo ku sugan dalka ugu qaybisay xeerka ay dalka kaga shaqayn doonaan hay’adaha caalamiga ah ee ka hawgala Somaliland.

 

Qaybinta xeerkan ayaa uu wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire kaga dhawaaqay xaflad lagu qabtay hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen madaxda wasaarada iyo hay’aduhu, waxaana uu sheegay in xeerkan uu yahay ka ay xukuumada Sonaliland kula socon doonto nidaamka shaqo ee hay’adaha.

 

Dr Sacad waxa uu sheegay in si gaar ah ay ula socon doonaan maashriicda horumarineed ee ay hay’adaha caalamig ahi ka fuliyeen deegaanada Somaliland si loo ogaado nooca mashruuca iyo faa’iidada uu u leeyahay dhulka laga fulinayo, isaga oo sheegay in ay si qoto dheer dusha ugala socon doonaan sida loo kharashgaraynayo mashaariicda, iyada oo xeerkan awoodo gaar ah uu siinayo wasaarada qoshaynta oo xataa tallaabo la qaad karta hay’ada u hogaansami waydo qawaaniinta iyo shuruucda dalka u yaala.

 

Waxa kale oo uu sheegay in xeerkan uu taabanayo hawlgalada ururadaa aan dawliga ahayn ee maxaliga ah oo uu tilmaamayo in mashruuca ay ka qaataan hay’adaha in la socodsiinayaan wasaarada qorshaynta oo kala talin doonto sida loo fulinayo.

 

Xeerkan ayaa noqonaya kii ugu horeeya ee noociisa ah ee ay ku maacaamilaan hay’adaha iyo wasaarada qordhaynta qaranku, iyada oo ay mashaariic yar-yar oo ay hay’aduhu fuliyaan ay ku baxdo lacag badan oo la leexsado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reveals eh ?? ,, :D

 

It was a launching ceremony of the New NGO Act passed by the parliament recently. Some of the articles are a bit controversial but there have been questions and clarifications of most of the things raised during the event.

 

Maantoo dhan bay meeshaa luguhu igu xanuuneen niyow ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacayl baro ,,, Ninkan sacad cali shire wa nin dadalaya waleh

maxaad la dalanayd maad kursi ku fadhiisatid,,, mise ngoyada uun baa kurasida ku fadhiiday?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this