Sign in to follow this  
Saalax

Hayland oo Wafti Siilaanyo Diray ay Gaadhay Daawo Sawiro

Recommended Posts

Saalax   

Hayland oo Wafti Siilaanyo Diray ay Gaadhay Daawo Sawiro

 

 

Sahal Dhac Dhacood La Taliyaha Siilaanyo

Dhahar (SPR): Wafdi balaaran uu hogaaminaayo lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee arimaha gobolka Sanaag, Mudane Sahal Maxamed Jaamaac oo ay ku weheliyeen siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa maanta soogaaray magaalada Dhahar, halkaasi ay kula kulmeen qaar kamid ah odaayasha dhaqanka degaankaasi.

 

Lataliyaha madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in socdaalkiisu uu la xiriiro arimo badan oo khuseeyo shacabka gobolkaasi oo ay kamid yihiin waxkaqashada xaaladaha amniga, wadatashi beelaha gobolka iyo waliba dhambaal tacsi uu uga sido madaxweyne Siilaanyo eheladii ragii lagu laayay degaanka u dhaxeeyo Qardho iyo Dhahar.

 

“Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa ugana sidaa dowlada SL dhambaal qoysaskii ay ka dhinteen sadexdii qof ee rayidka ah ee lagu dilay degaanka u dhaxeeya Dhahar iyo Qardho, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo,” ayaa kamid ahaa hadaladiisi uu ka sheegay shirkii kadhacay magaalada Dhahar.

 

Socdaalka lataliyaha Siilaanyo ayaa kusoo beegmayo xilli maalmo laga joogo fal dambiyeed dil ahi ay ku geeriyoodeen sadex ruux oo shacab ah, falkaasi uu lataliyaha Siilaanyo ku tilmaamay mid xambaarsan damac siyaasadeed. Sahal Maxamed Jaamac ayaa maalmo ka hor shir jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa isla markaana ku eedeeyey in dilkii ka dhacay deegaanka Qardho ay ka dambeeyeen maamulka PL isla markaana lagu laayey gaadiid ay leeyihiin ciidanka PL.

 

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa eedayntaasi kutilmaamay mid wax kama-jiraan ah, mar uu shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Bosaaso uu dhawaan soo gaaray.

 

Qaar ka tirsan odayaasha Degamada Dhahar oo uu la kulmey oo soo ajiibay shirkaasi lagu casumay ayaa dhankooda xusay in ay soo dhawaynayaan masuulka ka tirsan aqalka madaxtooyada Somaliland, ayna ka gudoomeen tacsida uu ka siday madaxwaynaha Somaliland, waxana ay xuseen in ay ka dhursugayan madaxwaynaha in ay ka helan samigii ay ku lahaayen xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu hogaamiyo madax wayne Axmad Maxamad (Siilanyo).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

General Duke Galgalanews is not Somaliland owned website. We usually call it "Bariga Sanaag"

 

 

 

Shir Beelaha Bariga Sanaag Uga Socda Degmada Dhahar iyo Go’aammo Hor-dhac ah Oo Laga Soo Saaray

May 2nd, 2011

 

Dhahar(Dawan)- La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriydada Somaliland u qaabbilsan arrimaha Bariga Gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, ayaa Waraysi uu xalay khadka taleefanka kula yeeshay Wargeyska Dawan, waxa uu kagaga warramay ujeeddada Shir beelaha Bariga Sanaag uga socda degmada Dhahar, waxaanu sheegay in lagaga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Beelahaas, isla markaana waxa uu sheegay in dadka deggan halkaasi ay 90%-kiiba diyaar u yihiin sidii ay Somaliland wax ula qabsan lahaayeen.

La-taliyahaha Madaxweynaha ee Bariga Sanaag, waxa uu sheegay in muddo laba maalmooda magaalada Dhahar uga socday Odayaasha Dhaqanka, Garaaddada, Wax-garadka iyo masuuliyiinta heer Maamul ee dawladda Somaliland, lagu lafa-guray sida ay deegaannadaasi ugu baahan yihiin taageero siyaasadeed, nabadgalyo iyo Xuduud-sugidda ee Somaliland. “Shirka waxa lagaga hadlay baahida loo qabo in maamul dawladeed oo dhammaystiran Somaliland ka hirgeliso deegaannada Bariga Gobolka Sanaag, maaddaama oo ay daraf ku yaallaan, duullaan siyaasadeedna maamulka la baxay Puntland ku hayo deegaanka. Waxa kale oo lagaga hadlayey shirka oo laba maalintii saddexaad galay dil ay Ciidammo Puntland ka tirsani u geysteen dad rayid ah oo deegaanka u dhashay.” Sidaa waxa yidhi La-taliyaha arrimaha Bariga Sanaag u qaabbilsan Madaxweynaha Somaliland, Mr. Sahal Maxamed Jaamac.

La-taliyuhu waxa uu sheegay in Shirkaas oo socon doona inta toddobaadkan ka hadhsan weli aan go’aammo dhammaystiran laga soo saarin, hase ahaatee, haddana ay jiraan go’aammo hordhac ah oo ka soo baxay shirkaas. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana Sahal waxa uu yidhi; “Shirku weli wuu socdaa oo waa loo dhan yahay Guurtidii iyo maamulkii dawladda ee deegaannada Bariga Sanaag oo dhan ayaa isugu yimi, inta toddobaadka ka hadhsanna waxa la filayaa inuu sii socdo oo gebagabada go’aammo dhammaystiran laga soo saaro, hase ahaatee, hadda waxyaabaha ka soo baxay waxa ka mida illaa saddex go’aan oo ay ka mid yihiin, inay Somaliland caddeyso mawqifkeeda ku aaddan Bariga Gobolka Sanaag, inay Somaliland Bariga Sanaag ka hirgeliso maammulo dhammaystiran oo haysta taageero siyaasadeed, in la sugo Xuduudka Bariga Sanaag ee Somaliland ee ay Puntland ku soo duushay, isla markaana guranayso ama boobayso Macdanta deegaannada Bariga Somaliland, iyo inay dadka Deegaannada Bariga Sanaag diyaar u yihiin inay Somaliland wax la qabsadaan 90%-kiiba.”

Su’aal la-taliye Sahal Maxamed Jaamac laga weydiiyey inuu isagu shirka goob-joog ka ahaa iyo taytal beeleed iyo mid dawladeed ka uu ku matalayey, ayaa waxa uu ku jawaabay; “Waa su’aal fiican, walaal anigu Shirka waan ka qaybgalay, waxaanan kaga qaybgalay magaca dawladda Somaliland, maaddaama oo aan Madaxweynaha kala taliyo arrimaha Bariga Sanaag. Sidaa, daraaddeed, waan dhagaystay go’aanka hordhaca ah ee Guurtida Bariga Sanaag ka soo saareen shirkooda, ka dibna, waxaan u sheegay inay dawladda Somaliland ka go’an tahay sidii ay maamul dhammaystiran uga samayn lahayd deegaannada Sanaag-Bari, sugidda xuduudka iyo adkaynta nabadgalyada dalka oo dhan oo dabcan Bariga Sanaagna ka mid yahay. Waxa kale, oo aan u sheegay inay Somaliland weli ka dhur-sugayso inay Beelaha Bariga Sanaag si buuxda uga soo qaybgalaan Gogoshii nabadeed ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u fidiyey Beelaha Sool, Buuhoodle iyo Bariga Sanaag, taasoo ay si buuxda iigu ballan-qaadeen inay soo dhawaynayaan, isla markaana diyaar u yihiin inay xilli kasta oo suurtagal ah oo loo muddeeyo ka soo qaybgalayaan Gogoshaa nabadeed.”

“Waxa kale oo aan gaadhsiiyey Tacsi aan uga siday Madaxweynaha Somaliland ehelada dadkii Puntland gardarrada cad ku laysay 21-kii bishii April 2011. Guurtida Shirku si weyn ayey Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisaba ugaga mahadceliyeen tacsidaas iyo gurmadkii Abaaraha ee ay Xukuumaddu gaadhsiisay deegaannadaas.” Ayuu hadalkiisa raaciyey La-taliyuhu.

Lataliyaha Madaxweynuhu Sahal Maxamed, waxa uu sheegay inay Roobabka Gu’gu si fiican uga curteen inta badan deegaannadaas, isla markaana ay waxyeello soo gaadhsiiyeen xoolo-dhaqatada. “Roobku si fiican ayuu uga curtay inta badan deegaannadan, inkasta oo aanu biyo-dhig mooyee Roob weyni weli ka di’in Dhahar, haddana si fiican ayuu nawaaxigeeda u helay. Waxa uu Roobku khasaare gaadhsiiyey illaa 15 Qoys oo uu Xoolihii ka laayey oo aan Adhigii waxba uga hadhin, kuwaasoo deggan deegaannada ku hareeraysan deegaannada Dhahar iyo Badhan..”

Gebagabadii, La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland kala taliya arrimaha Bariga Sanaag, waxa uu sheegay inuu rejo fiican ka qabo go’aammada ka soo bixi doona dhammaadka Shirkaas, isla markaana uu filayo inay si weyn isula jaan-qaadaan dadka deegaannada Bariga Sanaag iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this