A_Khadar Posted May 2, 2011 Wariye Mashqac oo safar deg dega ku tegay Kuwait markii uu arkay Madaxweyne Siilaanyo oo socod ku hurdaya”Wareeysi- Weriye Mashqac-geliye ayaa si kedis ah ugu booqday Hotelka uu degan yahay Shariif Axmed (Ex-Siilaanyo) ee magaaladda Kuweyt xilli ay labada dhinac ka fadhiyeen Af iyo dhego hayeenkiisa Baandheeye (Ex-Cukuso) iyo Sim Memory cardkiisa Xirsi Bartileeye. Bariida ka dib waxa aan Shariif Axmed u sheegay in aan gurmad ahaa oo aan deg-deg u soo baxay ka dib markii aan arkay Sawir adiga oo socodka ku hurda. Waxa aan is idhi ninkii Axmed Abaar xaalku waa ku xun yahay ee bal gaadh. Shariif Axmed wax jawaab ah ima siinin ku dhawaad hal daqiiqo iyo badh, waxa aanu iska sii watay hees loo qaadi jiray xuska maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May…#waa maalintii dhiig miiratada la muquuniyee Maayoo..waa maalintaydii Maayoo…waa maalintiinii Maayoo.. waa maalinteenii Maayoooooooooooo#. Waxa uu ii sheegay in uu aad u fiican yahay oo waxa uu ugu yidhi ishaada ayaa kuu macallin ah oo waanigaa heesaaya ee aad i aragto. Waana been ayuu igu yidhi wararka uu faafinaayo warxumo tashiilka Boqor Ballo Madow. Balse adeer ha ka tegin nin dal aan la ictiraafin madax u ah, Carab dhegaha cudbi ugu jirana raba in uu qadiyadda Somaliland ka dhaadhiciyo , labadan ninna had iyo jeer dhinacyadda ka fadhiyaan in uu socodka ku hurdo waaba saleelo hadii aanan fadhiga ku luloon waayo hurdada fadhigu waa astaamaha faqriga iyo camal la’aanta. Shariif Axmed waxa uu ka cudur daartay in uu i siiyo wareysi, balse waxa uu iga codsaday in aan ka qaado su’aalo iyo jawaabo deg-deg ah ‘quiz’ si loo ogaado ‘Intelligence Quantum ama IQ’ si loo fashiliyo kutiri kuteenka Ballo Madow ee uu markhaatigana u furay Buubaa Federal. Su’aalihii iyo Jawaabihiina oo koobanina waa kuwan. S: Sheeg Caasimadda dalka Kuweyt? J: Baqdaad. S: Magacii hotelkan aad degan tahay?J: Maansoor Kuweyt. S: Shaadhkaagu imisa badhan (botton) ayuu leeyahay?J: 33 badhan. S: Sheeg midabka shaadhkaaga? J: Kaarbat Cas (red carpet). S: Ma noo sheegi kartaa magaca amiirka Kuweyt? J: Afartan Mooto. S: Ma noo sheegi kartaa magac madaxa weftigaaga? J: Qardhaas (Xirsi). S: Minjaha weftigana waa kuma? J: Jaxaas (Cukuse) S: Waa kuma madaxweynahay JSL? J:Maxamed Dahir..Daahir Rayaale ..adeer raalli ahow..halmaan hadal kuma jiro..Axmed Abaar..waa maanta waaba sanadguuradii ka soo wareegtay maalintii aan xilka la wareegay..miyaanay maanta ahayn 27 July? S: Madaxweynaha Jabuuti waa kuma? J: Xasan Guuleed Abtidoon..istaqfurulah..afkaygoo buus..maxaa marxuunkiina ii geeyay..adeer waa Ismaaciil Buur Awr. S: Ka dowladda KM ee Somaaliyana? J: Shariif Sakiin S: Baravo..well-done..Yaa madaxweyne ka ah dalka Kenya? J: Jooma Kenyatta…adeer su’aalo adag i weydii waa maxay waxa aad ninkeygan weyn ee ‘master-ka’ sita aad kula meereysanaysaa. S: Waayahay eh tan uu ka jawaab. Yaa heysta dalka Ethiopia? J: ninkii aanu saaxiibka ahayn markii aan hogaamiyaha ka jabhadii SNM..magac laga miskiin maha.. waa Mingiste Xeyle Maryaaaaaaaaaaaaaaaaaaaam. S: Shariif ilaa hadda su’aal keliye maad qaldin. Dalka Somaliland imisa gobol ayuu ka kooban yahay? J: 21-ka Oktoobar iyo Burco…waa 22 gobol. S: Anta Kuweys yaa Abu Kulmiye..Waa kuma gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland? J: Cirro Go’da S: Sax..sax..100%.Yaa wasiir ka ah wasaaradda Daakhiliga? J: Cirro Xaraf S: Waa kuwama gudoomiyayaasha xisbiyadda qaranka? J: Ina Biixi Taar Wale waa Kulmiye..Ina Waraabe Cadde waa Ucid..ilaahow aanan caqliga waayin Udubna waa Daahir Rayaale Axmed Yusuf Cali Warancadde Cawil Cali.. Udub gudoomiyaheeda waan u abtirinayaa oo waa nimankii aan xilka kaga qaaday doorashadii la magac baxday Xaaraan-Xalaasha-Xorta ah (3x). S: Axmed Guddi ma xasuusan kartaa gudidii iyo gudoomiyihii ugu cadaaladda badnaa ee abid ku soo mara? J: Haywa yaa Mashqac..annaa takalam luqul carabiya fusxa..calimnii bintu camii Xirsi..Walaahay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Fii Ardo Somaal (Somaliland) Axsan guddi fiil caalim, walahaa gudoomiye Ciise Dawiil Kuweys Jiddan..Kuweys Jiddan…anaa ma naseyto hadaa rijaalal axmar…Miyaad garaneysaa waxa an afka carabiga ugu hadlay..Kuweytigaas ayaan isleeyahay ha u sheego Sheekha si shaxaadka iyo sooryadu noogu badaan. S: Su’aasha ugu denbeysa waxa lagu bixinayaa 10 darajo ee ka fiirso Shariif Axmed. Waxa aad kala sheegtaa magacyadda Abaarihii dalka soo maray sannadihii 1974-75 iyo tan ugu denbeysay ee ahayd 2010-11? J:Alla..alla..max waxaasaad ku bixineysa toban…abaartii 1974-75 waxa ay ahayd ABAARTII DABA DHEER; tan ugu denbeysayna ee 2010-11 waa KA SII DABA DHEER..ahaahhhhhhhhhhhaaa, inkasta oo aan magac kale Carabta ugu imid oo ah in loo bixiyay Abaartan Denbe ABAARTII KULMIYE. Waad mahadsan tahay Shariif Axmed ‘IQ-kaagu’ aad iyo aad ayuu u fiican yahay marka loo eego da’da aad jirtay, noqoshada ama ahaanshaha hogaamiye dal aan la aqoonsaneyn oo uu weliba irsaaqada u xisaabiyo Keligii Saxane, duruufaha iyo xubnaha weftiga ee kugu xeeran oo qaarkood kugu noqday Qardhaas iyo Jaxaas. Well done..Kuweys. Shariif Axmed..adeer hadii aan IQ sareynin maanigaa doorashadaba ku soo bixi lahaa?Ma Ballo Madowgan warkiisa ayaad qaadateen..bal waa kaas eh muxuu iminkana sheegi..Annaa Xariif.. Annaa Xariif.. Annaa Xariif.. Annaa Xariif..Kufurtu bilaahay Annaa Xariif.. Xigasho:Wargeyska Yool Quote Share this post Link to post Share on other sites