Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilanyo meets kuwaiti Amiir Sabah al Ahmed Al jabar Al sabah+PICS

Recommended Posts

Kuwaiti Emir Meets Somaliland President

 

KUWAIT CITY — This weekend the Emir of Kuwait Sheikh Sabah IV Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah received a high level delegation from Somaliland led by President Ahmed M. Silanyo at his palace for talks.

 

The Emir applauded the President and the people of Somaliland for their efforts in stabilizing their country and for the formation of functioning government. He urged the Somaliland people to maintain peace and tranquillity that the state had been enjoying for the last two decades. He said Kuwait is willing to assist Somaliland directly in key areas of development. He pointed out that Kuwait is already providing funds for a number of initiatives including hospitals and airports.

 

The President thanked the Kuwaiti Ruler for the warm welcome and briefed him of the situation in Somaliland. He discussed the areas of security, development, economy and political atmosphere.

 

The President talked in detail about the opportunities to invest in mineral exploration, marine resources, agricultural products and livestock supplies for the Gulf nation. He said Somaliland is open for business and is willing and keen to deal with Kuwait, its corporate and other relevant sectors.

 

The President also past on a report detailing Somaliland’s needs and an urgent request for practical assistance as well as aid and investment which the Kuwaiti Ruler promised to study. Later in the day, the Emir organized a meeting between Somaliland delegation and Kuwaiti donor groups and aid agencies. They told the President they will send officials to Somaliland to gather information and decide how they can help.

 

This is the first time a Somaliland leader has directly met with the Emir of Kuwait. Mr Silanyo expressed his profound thanks and appreciation for the Sheikh, government and people of Kuwait for their support and understanding.

 

The Gulf nation has one tenth of entire world’s oil reserves and a per capita income of US$55,300.

 

The President and his delegation which includes the Foreign Minister have been touring the Gulf states of United Arab Emirates and Kuwait for the past two weeks. The trip was aimed at promoting relations between the Arab nations and the African state. Somaliland was also seeking direct investment and development assistance in number of fields. Both UAE and Kuwait insisted they will help Somaliland combat maritime piracy off the coast of neighbouring Somalia.

 

Somaliland is a former British protectorate that gained independence June 1960. It later unified with the Trust Territory of Somalia (the former Italian Somaliland) forming what became known as the Somali Republic. However the union collapsed in 1991 following two decades of internationally-hidden civil war that left more than 50,000 Somalilanders killed. In May 1991, Somaliland declared the restoration of its sovereignty however it has not managed to regained international recognition.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqorka Wadanka Kuwait oo *****lka ka Qaaday in Somaliland Qani ku Tahay Khayraad Dhulka Dushiisa iyo Hoostiisa ka Buuxa

 

Mon 02nd May,2011

Madaxweyne Siilaanyo oo Qoraallo Xambaarsan Baahiyaha Somaliland u Gudbiyey Boqorka Kuwait

 

 

Kuwait (Jam)- Boqorka Wadanka Kuwait Sabah Al-ahmed Al-jaabir Al-sabah, ayaa *****lka ka qaaday in Jamhuuriyadda Somaliland qani ku tahay khayraad badan oo dhulka hoostiisa iyo dushiisaba ka buuxa, isla markaana dawladdiisu ka hawlgeli doonto sidii ay ugu fuddudayn lahayd cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa Somaliland.

 

 

Boqorka wadanka Kuwait oo shalay si heer qaran ah qasrigiisa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxa uu balan qaaday in dawladiisu diyaar u tahay sidii ay wax ula qaban lahayd Somaliland, isaga oo madaxweyne Siilaanyo ku dhiirigeliyey inay ku fara adaygaan nabadgelyada iyo xasiliinida buuxda ee Somaliland ka jirta.

 

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland waxa madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey boqorka wadanka Kuwait qoraalo ay ku muujiyeen baahiyada kala duwan ee Somaliland ka jira, iyaga oo ka codsaday in wax lagala qabto baahiyaha Somaliland tirsanayso.

 

 

Warsaxaafadeedka madaxtooyadda ka soo baxay oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan:

 

 

“Boqorka dalka Kuwait Amiir Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah, ayaa saaka [shalay] xafiiskiisa si weyn ugu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo ee booqasho-hawleedka ku jooga waddanka Kuwait.

 

 

Boqorku waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay dadaalka ay dawladda iyo shacbiga reer Somaliland ka sameeyeen dhinacyada nabadgelyada iyo hannaanka dawladnimo ee ka hanaqaaday.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna dhinaciisa Boqorka dalka Kuwait uga warramay xaaladda guud ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo nabadgelyada Somaliland.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyey dedaalka ay shacbiga Somaliland iyo dawladduba ka sameeyeen dhinacyada nabadgelyada iyo horumarka iyo caqabadaha horyaal ee u baahan in dawladda Kuwait ka caawiso Somaliland.

 

 

Waxa kaloo Madaxweynuhu uu Boqorka u gudbiyey buqshad qoraallo ah oo koobaysa baahiyaha Somaliland qabto, kuwaas oo Madaxweynuhu Boqorka ka codsaday inuu ka caawiyo.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay Boqorka in Somaliland qani ku tahay khayraad badan oo dhulka hoostiisa ku jira sida shidaalka iyo macdanta iyo weliba khayraad dhulka dushiisa iyo baddaba ku jira sida beeraha, xoolaha iyo kalluunka, sidaa awgeedna diyaar u tahay inay fududayso oo soo dhawayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa, gaar ahaanna dawladda Kuwait iyo tujaarteedaba.

 

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Boqorka uga mahadceliyey soo dhowaynta qiimaha leh ee dawladda Kuwait ku qaabishay weftigiisa iyo niyadsamida walaalnimo ee ay u muujiyeen.

 

 

Boqor Sabah Al Ahmed Al Jaabir Al Sabah ayaa gunaanadkii kulankaas Madaxweynaha ku dhiirrigeliyey inay Somaliland ku fara-adaygto nabadgelyada ay samaysatay, waxaannu ballanqaaday in dawladda Kuwait diyaar u tahay inay Somaliland wax la qabato, iyadoo iminkaba ay jiraan mashaariic horumarineed oo Kuwait ka wado Somaliland.

 

 

Boqorku waxa uu Madaxweynaha weji furan ugu ballanqaaday inuu tixgelin doono codsigiisa ay xambaarsan yihiin qoraallada uu u gudbiyey.

 

 

Intaa kadib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxa ay kulan muddo saacad ah qaatay la yeesheen hay’adda kulmisa hay’adaha iyo ururrada samafalka ee waddanka Kuwait, waxaannu Madaxweynuhu uga xaal-warramay kaalmada uu shacbiga Somaliland uga baahan yahay hay’adaha samafalka ee muslimnimo iyo bani’aadanimo. Hay’adahaas ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin gacan-ka-geysashada taageerada ay u baahan yihiin shacbiga Somaliland, dhawaanna soo diri doonaan koox daraasad ka soo samayn doonta dalka Somaliland,” ayaa lagu soo afjaray warsaxaafadeedka laga soo saaray safarka Madaxweyne Siilaanyo ku joogo Kuwait,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this