Jacaylbaro Posted May 1, 2011 Borama(Saylac.com)- Suldan Macagiisa la yidhaa Suldan Sanbuurad oo hadda ka hor aflagaado aad u foolxun u geystey Beelaha Jibriil Yoonis ayaa la sheegay in Booliska Borama ay kasoo qabteen degaan 23 kiiloo Miitir magaalada Borama kaga beegab dhanka Bari. Suldaankan oo labadii casho ee inaga tagtey Booliska Borama ay ka raadinayeen xaafado ku yaala magaalada Borama ayaa laga warhelay inuu laba habeen ka hor ka baxay magaalada Borama isagoo u cararay bariga Gobolka Awdal. Sida Boliska Borama u sheegeen Saxaafada gobolka Awdal maanta ayaa Jeelka Dhexe ee Borama la dhigay Suldan Sanbuurad waxana lagu wadaa in maxakamad lala tiigsado. Sarakiisha Booliska Borama ayaa kala eryey dhalinyaro reer Borama ah oo laga cabsi qabay inay waxyeelo u geystaan Suldaan Sanbuurad oo hadda ka hor cay aflagaado ah u geystey Beelaha Jirbiil Yoonis . Dadweynaha Borama ayaa aad usoo dhaweeyey xadhiga Suldan Sanbuurad oo ay ku tilmaameen mid nasteexo u ah nabad gelyada Suldaanka. Maxamed Cilmi oo ka tirsan dhalinyarada Borama ayaa waxa uu yidhi “Ninkani Borama way uga dhamaatey mana dhex mari karo markaa Jeelka in lagu hayo .Oday dhaqameedyo ka tirsan Beelaha Jibril Yoonis ayaa saxaafada u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in xukumada Somaliland ay fulisay digniintii ay laba casho horteed bixiyeen waxayna intaa ku dareen in ay talaabada xigta sugayaan in raali galin buuxda laga bixiyo aflagaadada lagula kacay beelweyna Jibril yoonis . Mid ka midda Oday dhaqameedyada saylac.com u waramayna waxa uu yidhi “Ninkani wuxuu damacsanaa fidmo inuu ka dhex abuuro Awdal sida ugu haboon ee looga hortagi karaayi waa in Jeelka lagu hayo.” sidaasi waa maslaxaada dadka wada dhashay ee uu fidmada dhex waday. Dhinaca kale waxa magaalada Borama kusugan Wasiirkuxigeenka waxbarashada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo sida la sheegay usocda xal u helida aflagaadada uu Suldan Sanbuurad geystey iyo sidii beelaha Maxamed Case ee uu suldaanku kasoo jeedo ay shir Jaraa’id u qaban lahaayeen raali galin buuxda oo ay u fidiyaan Beelaha walaalahood ah ee Jibril Yoonis. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 1, 2011 http://www.hadhwanaag.com/detail.aspx?id=35019 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 1, 2011 He attacked daahir rayaales subclan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 1, 2011 His offense is he was being jerk? Quote Share this post Link to post Share on other sites