Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland security forces arrest 2 terror Suspects

Recommended Posts

Ciidamada Birmadka SPU ee ka hortaga Rabshadaha iyo Argagixisada ayaa maanta Hargeysa ku qabtay laba nin oo ay uga shakisan yihiin Argagixisnimo

Hargeysa(Waaheen) Ciidamada Birmadka ee loo yaqaano SPU ee ka hortaga Rabshadaha ayaa caawa xaafada Isha-borame ee Hargeysa ku qabtay laba nin oo ay uga shakisan yihiin inay yihiin Argagixiso kuwaasoo ka yimi Somaliya oo maalmahanba ay raadinayeenlabada nin oo ka soo kala jeeda Beelaha Somalida Ethiopia iyo Niman reer konfuureed ah dad goob-joog ahaa markii la qaadayay Waaheen u sheegeen inuu midkood qabay dhaawac uu kala yimi Somaliya kaasoo loo malaynayo inuu ka mid yahay Ururka Alshabaab halka ka kalena la sheegay inuu kolba muuq rogasho samayn jiray oo baryahanba ay xaafadu ka shakisnayd.

 

labada nin markii la qabanayay ayaa la sheegay inay ku soo buuqeen Ciidanka dadka xaafadda degani taasoo sababtay in ay Ciidamadu raaciyeen laba Haween ah oo ay mid tahay gabadhii lahayd Guriga ay deganaayeen labadaas nin iyo gabadh u shaqaynaysay iyo laba dhalinyar ah oo kale oo la sheegay inay nimanku u dhaceen gurigooda markii ay Booliisku qabanayeen

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Cilmi Rooble Furre oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay inaanu waxba ka ogayn arrintaasi waxaanu yidhi “waxba ilaa hada imay soo gaadhin shan mirir baan magaaladaba joogay, saaka Mandheeraan joogay, hadana Gabilay baan u baxay markaa wixii jira waynu ogaan doonaa” ayuu ku soo koobay hadalkiisa.

 

hase yeeshee warar kale oo aanu helnay kadib markii nimankaasi la qabqabtay ayaa sheegay nimanku inay haayeen niman tababaran Booliisku markii ay isku dayeen inay qabtaana ay baxsadeen isla markaana ay booliisku rasaas ooda kaga qaadeen taasina ay sababtay in lagu guulaysto qabashadooda

 

warku waxa uu intaa ku darayaa nimanku inay hubaysnaayeen isla markaana ay wadeen qorshe ay qaraxyo dalka kaga fulinayeen munaasibada 18 ka May, waxaana la filayaa inay yihiin nimankii baabuurka UN ka ka goostay Taarikada si ay ugu adeegsadaan isqarxinta ay maleegayeen

 

ilaa hada ma cada inay kooxdan la qabtay inay intaas uun ahaayeen iyo inay jiraan nimanka kale oo dhuumaalaysanaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this