Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidamada dowladda KMG ah oo la wareegay Gobolka Bakool

Recommended Posts

Liqaye   

Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Bardaale iyo Waajid ayaa sheegaya inay halkaasi isaga baxayaan ciidamada xarakada Al-Shabaab, kaddib markii ciidamada Dowladda oo markoodii hore ku sugnaa degaanka Bohol Bashiir ay u soo ruqaansadeen tuulada Yurkud oo 65Km u jirta magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

 

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay in ciidamada labada dhinac ay sameynayaan xeelado Milateri, iyadoo kuwa xarakada Al-Shabaab la sheegayo inay dib u gurasho sameynayaan isla markaana goobaha ay ku sugan yihiin ay ka sameynayaan dhaqdhaqaaqyo.

 

Dhinaca kale ciidamada Dowladda oo si aad u hubeysan ayay sheegayaan dadka degan degmooyinka Bardaale iyo Waajid ayaa ku soo wajahan halkaasi iyagoona raxan raxan u socda ayaa la sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo ay kala hortageen kuwa xarakada Al-Shabaab.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in sidoo kale ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka jiraan magaalada Baydhaba, iyadoo ciidamada xarakada Al-Shabaab ay halkaasi ku xirxireen in ka badan toddobo ganacsatada magaalada ka tirsan, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay iska dhega tireen awaamiir ay horay u soo gaarsiiyeen, taasi oo la sheegay inay la xiriirto bixinta lacago lagu amray inay geeyaan xarumaha Al-Shabaab ee magaalada Baydhaba.

 

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa soo galay deegaano ka mid ah Gobolka Bay, iyadoo Degmada Bardaale oo ka tirsan Gobolka Bay ay la wareegeen Ciidamada Dowladda KMG ah, waxaana la sheegayaa in ciidamada Dowladda ay ku sii siqayaan gobolka Bay.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this