Sign in to follow this  
General Duke

Somalia, Bosaso: US Senator Mark Kirk delegates Visit Puntland State

Recommended Posts

*

Senator Kirk oo ka dhoofay Boosaaso; xarumaha dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo uu soo kormeeray.

Sat, 30 Apr 2011 11:28:04 -0400 am -04:00 -14400**

Boosaaso, April 30 - Senator Mark Kirk oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd ka dhoofay maddaarka Bender Qaasim ee magaalada Boosaaso, kadib safar qaatay maalin oo uu ku joogay magaalada Boosaaso.

 

Senator Mark Kirk ayaa intii uu joogay magaalada Boosaaso waxa uu shirar kala duwan la qaatay madaxwaynaha dawladda Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada. Odaygu waxa kale oo uu booqday goobaha muhiimka ah ee ku yaal magaalada Boosaaso, sida dekedda, wasaaradda maaliyadda, bankiga dhexe, maxjarka xoolaha iyo waliba xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso.

 

Shirarka iyo dhaq-dhaqaaqa wafdiga ee magaalada Boosaaso ayaa labadaba waxa laga mamnuucay saxaafadda, haseyeeshee ilo ku dhow madaxtooyada oo ay Daljir la hadashay ayaa noo sheegay in booqashada oday Mark Kirk nuxurkeedu ahaa laba qodob oo muhiim ah.

 

Waa kan horee, in uu u dhabbo-galo xaaladda burcad-badeedda Puntland iyo sida ay dawladda Puntland uga go'antahay, guulana uga gaadhayla dagaalankeeda. Wafdiga ayaa loo sheegay in Puntland ay tahay meesha ugu badan adduunka ee ay ku xiran yihiin burcad-badeedda kuwaas oo kor u dhaafaya 300 oo maxbuus. Maxaabiistaa ayaa intooda badan waxa ay ku xiran yihiin xabsiga Boosaaso halkaa oo ka mid ahayd meelihii uu booqday Sanator Kirk.

 

Ahamiyad labaad ee safarka Kirk ayaa ahayd sidii uu ugu kuur-gali lahaa daganaanshaha iyo horumarka ka jira Puntland isla markaana ay Puntland uga faa'idaysan lahays siyaasadda xukuumadda madaxwayne Barack Obama ee ku aaddan Soomaaliya ee loo yaqaano siyaasadda labo-itijjaaha ah ama "Dual Track policy".

 

Wafdiga Senator Kirk oo Boosaaso soo gaaray saaka (Sabti) 7:30-kii subaxnimo ayaa shir-quraaceed ay ku qaateen aqalka madaxtooyada, goob-joogna ay ka ahaayeen madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada waxa si diirran loogu soo dhaweeyay Puntland, waxana halkaas loogu sharxay taariikhda Puntland, sababihii keenay asaaskeeda 1998-kii iyo waliba isbaddaladii dimuqraadiyadeed ee ay dhinaca maamulka ka soo martay tan iyo wixii ka dambeeyay muddadaas. Madaxwayne Faroole ayaa u sheegay wafdiga Senator Kirk in ay Puntland horumar la taaban karo ka gaartay barnaamijkeeda dimuqraadiyadaynta, waxana uu hoosta ka xariiqay in ay Puntland ka go'antahay, culayskasta oo jira, in ay hirgaliso nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka casriga ah.

 

Senator Kirk ayaa isna dhiniciisa sheegay sida uu ula dhacsanyahay horumarka iyo ammaanka ka jira Puntland, waxana uu qiray in Puntland tahay mandiqad istaahisha in gacan laga siiyo arimaha horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale ammaanay habka uu shaqeeyo maamulka madaniga ah ee dhinacyada maaliyadda, canshuuraha iyo xisaabaaka.

 

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, inkasta oo aan wax isbaddal ah laga dareemin hannaan-socoka nolol-maalm-meedka caadiga ah, iyada oo uu wafdiga Kirk si habsami leh uga kala-dhex-gooshayay daafaha magaalada intii uu ku guda jiray indha-indhaynta xarumaha maamulka dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

 

Waxa xusid mudan in Senator Mark Kirk uu yahay mas'uul la doorto oo Maraykan ah kii labaad ee ugu darajada sareeyay ee abid booqda Soomaaliya, marka laga soo tago booqashadii madaxwayne Goerge Bush-kii aabaha ahaa uu ku tagay magaalada Baydhabo sannadkii 1994-kii.

 

Sanator Mark Kirk waa oday ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, waxana uu soo galay aqalka odayaasha Maraykanka bishii November ee sannadkii tagay ee 2010-kii. Waxa laga soo doortaa magaalada Chicago, ee gobolka Illinois, kursiga uu hadda fadhiyana waxa horay u lahaan jiray madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama. Waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee aqalka odayaasha, waxana uu sidoo kale xubin ka yahay gole-hoosaadyada maaliyadda iyo ammaanka aqalka odayaasha Maraykanka. Ka hor, laga soo bilaabo sannadkii 2001-dii, waxa uu ahaa mudane ka tirsan aqalka wakiillada.

 

Galabta 4:30 xilliga Afrikada bari ayuu Senator Mark Kirk iyo wafdigiisii oo ka koobnaa lix xubnood waxa ay dib ugu noqdeen magaalada Jabuuti, halkaas oo ay markii horeba kaga soo arooreen magaalada Boosaaso.

 

Diiwaanka Wararka,

Daljir

 

 

Boosaaso: Senator Kirk oo booqanaya Puntland; shir haatan ka socda xarunta madaxtooyada.

 

Boosaaso, April 30 - Waxa maanta magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi heer saro ah oo ka socda dalka Maraykanka.

 

Wafdigan ayaa waxa hogaaminaya Senator Mark Kirk, waxana ay haatan shir albaabadu u xiran yahay ay la leeyihiin madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

 

Wafdigan ayaa tobaadkii la soo dhaafay waxa uu booqanayay waddamo ku yaal gobolka Bariga Dhexe.

 

Sanator Kirk oo laga soo doorto gobolka caanka ah ee Illinois waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka Maraykanka.

 

Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa shirka haatan ka socda madaxtooyada Puntland ee

Boosaaso dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa.

 

Diiwaanka Wararka,

Daljir,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso(AllPuntland)- Waxaa maanta magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi ka socda dowlada Maraykanka, halkaasi oo kulan ay kula qaateen Madaxweynaha DGPL C/raxmaan Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda.

 

Wafdigan oo uu hoggaaminaayo Senator Mark Kirk oo ka tirsan Senatarada Maraykanka ayaa waxaa ay ka wada hadleen Labada dhinac arimo ku saabsan arrimaha amaan ee Puntland, xaaladda Soomaaliya, xiriirka sii xumaanaya ee ka dhaxeeya Dowladda KMG iyo Puntland iyo sidii wax looga qaban lahaa burcad badeeda Soomaalida.

 

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka codsaday masuu'liyiinta Maraykanka in ay garab istaagaan Puntland isla markaana ka taageeraan dhinacyada amaanka, la dagaalanka burcad badeeda iyo qodobo kale.

 

Safarka wafdigan Mareykanka ee uu hoggaaminaayo Senator Mark Kirk ayaa waxa uu qeyb ka yahay socdaalo ay ku marayaan dalalka bariga Afriga, iyagoo horay u soo maray wadamada Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, waxaana laga yaabaa in ay safaro kale u tagaan gobolada kale ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You mean while Siiraanyo is desert-hopping in the Bariga Dhexe, NGONGE's Imam is being paid a visit by US Senator?

 

Good job NGONGE (laba calanle)-the Imam must be proud in hiring you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti ka socda Dalka Mareykanka oo Booqasho ku yimid Bosaso, uuna hor kacayo Senator Mark Kirk

Posted by mohamud AA on April 30th, 2011

 

Bosaso(Puntlandi.com) Wafti Mareykan ah oo uu horkacayo Senator Mark Kirk ayaa maanta Booqasho rasmi ah ku yimid Puntland,*Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan faroole ayaa waftigaan ku qaabiley Xarunta Madaxtooyada ee ku taal Magaalada Bosaso.

Waftiga uu horkacaya Senator Mark Kirk oo xubin buuxda ka ah Gudiga Dhaqaalaha Mareykanka* ayaa shir albaabadu u xiran yihiin kula jira hada masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada Puntland oo uu hormuudka ka yahey madaxweyne faroole.

Waftigaan ayaa maalmahaan booqasho ku marayey dhowr wadan oo Afrikaan ah, ujeedada safarkoosana ilaa hada lama shaacin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ just reminding you not to make up stories about Puntland and not to repeat old ladies gossip that you hear.

Ngoonge is a born again secessionist he knows not what he is talking about.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Old ladies have more credibility than many on these boards-so, let's not insult maamoonyinka unless that's a habit of yours and stop hijacking your own thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ lol@ Highjacking your own thread. Adeer it's all good, this news won't be good fir those who wanted to destroy the State. In fact Al Shabaab are losing ground everywhere and Sharif is running out of time. Thr secessionist are in the bondage of their own making and that's that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi Maraykan ah oo ku shiraya madaxtooyada Bosaso

April 30, 2011 **//** Warar Somaali

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxa uu haatan aqalaka madaxtooyada Bosaso* kulan albaabadu u xiran yihiin kula leeyahay wafdi Maraykan ah oo maanta soo gaaray magaalada Bosaso

 

Wafdigan ayaa waxa la sheegay inuu horkacayo Senator Mark Kirk oo isagu xubin ka ah guddiga dhaqaalaha Maraykanka

 

Magaalada Bosaso ayaa si weyn maanta loo adkeeyay amaankeeda iyada oo ciidamada amaanku ay ku sugnaayeen wadooyinka inteeda badan.

Wixii warar ah ee soo kordha Isha ku hay Puntlandnews24.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saturday, April 30th, 2011 at 01:32 pm

Wafdi Mareykan ah oo uu Hogaaminayo Senator Caan ah oo Maanta Gaaray Boosaaso

 

Boosaaso (RBC) Wafdi ka socda dawlada Mareykanka ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyagoo kulan la qaatay madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Wafdigan oo ka yimid magaalada Nairobi ayaa waxaa hogaaminaya senator Mark Kirk oo ka tirsan aqalka senate-ka Mareykanka, kana tirsan guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Boosaaso waxay kulan xarunta madaxtooyada kula qaateen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ee Puntland.

Warar hiordhac ah oo RBC Radio ka heley kulanka dhexmarey Puntland iyo wafdiga Mareykanka ayaa looga hadlay arimaha siyaasada Soomaaliya, xiriirka DKMG iyo Puntland iyo watiga kala guurka ee DKMG ee muranka badani ku jiro.

Sida ilo wareedyada an heleyno sheegayaan madaxweyne Faroole ayaa xubnaha wafdiga uga waramay xaalada Soomaaliya iyo mawqifka Puntland ee ku wajahan arimaha DKMG.

Socdaalka Wafdiga uu hogaaminayo senator Mark Kirk ayaa qeyb ka ah socdaal beryahan wafdigaasi ku soo bixiyeen wadamo badan oo ka tirsan Bariga Afrika sida Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo ay horey u soo mareen.

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this