Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe leader faroole says ssc and sh sharif govt behind the galkacyo unrest

Recommended Posts

Dr.Faroole Oo Dhaleecayn Dusha ugu Tuuray D.Somaliya kuna Eedeeyay in ay wax kamaleegaan Coladaha Puntland kadhaca.

on April 29th, 2011

Boosaaso(Puntlandi.com);- Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dhaleecayn dusha ugu tuuray hogaanka Dawlada Somaliya kuna eedeeyay in ay wax kamaleegaan dhibaatooyinka amnixumo ee ka dhaca deegaanada Puntland.

Waxaa uu sheegay in Dawlada dalka iyo dadka wax uqaban hada kameermeerayso doorasho dhacda iyo korsiga baneeyaan”waa niman Amisom ilaaliso mana ogala in ay kaqaybqaataan shirarka looga hadlayo maslaxada Somaliya hadana ma ogala in ay doorasho soo galaan bisha August oo waqtigooda ku egyahay waxay iska qaataan lacagaha maga Somaliya lagu soo qaato ugamana gargaaraan dadka barakacayaashaa”ayuu yiri Madaxwaynaha Dawlada Puntland.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale Dawlada Somaliya ku eedeeyay in ay wax kamaleegaan dhibaatooyinka amnixumo ee kadhaca qaybakamida Puntland waxaana uu tusaale u soo qaatay dhisidii iyo taageeradii jabhada SSC iyo dhibaatooyinka Galkacyo ka dhacay.

Hadalkan ayaa madaxwaynaha waxaa uu jeediyay kadib markii uu gaaray magalada Boosaaso waxaana uu aad ugu dheeraaday hagadaamooyinka ay shacabka ku hayso Dawlada Somaliya iyo sida Puntland uga xuntahay.

Dr.Faroole aya hada waxaa kulamo uga socdaan magalada Boosaaso gaar ahaan aqalka Madaxtooyada waxaana ay dabasocdaan kuwa uu lasoo qaatay Odayaasha Waxgaradka iyo Madaxwaynihii hore ee Puntland oo Qardho kusugan waxaana looga goleeyahay sidii nabad looga dhaxdhalinlahaa beelo wada daga Gobolada karkaar iyo Bari oo colaadi dhaxtaal.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale Dawlada Somaliya ku eedeeyay in ay wax kamaleegaan dhibaatooyinka amnixumo ee kadhaca qaybakamida Puntland waxaana uu tusaale u soo qaatay dhisidii iyo taageeradii jabhada SSC iyo dhibaatooyinka Galkacyo ka dhacay.

;););)

Share this post

Link to post
Share on other sites

BOOSAASO : M.wayne Faroole oo si adag uga hadlay DFKS, SSC, iyo Ammaanka Puntland

April 29, 2011 3:01 pm GMT -

Boosaaso:-M.waynaha Puntland Dr.Cabdiraxaan Faroole oo maanta gaaray magaalada Dakada ah ee Boosaaso ayaa waxa uu si adag uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin DFKS, SSC iyo Ammaanka Puntland wuxuuna eeda badankeeda u diray madaxda DFKS oo ku sheegay kuwo ku qaraabta magaca Soomaaliyeed ee doonayn magac iyo Musqbal Ummadeed waa siduu hadalka u dhigaye.

DFKS

M-wayne Faroole oo khudbad ka jeediyay Bosaso

“Madaxda DFKS waa kuwo ku qaraabta magaca Ummadda Soomaaliyeed oo lacago badan ku soo qaata magaca Ummadda Soomaaliyeed oo aan la gaarsiin dadka xaq uleh uu ku jira xeryaha qaxootiga, waa kuwa madaxtinimo aan jirin sheeganaya, waa kuwa taangiyo lagu ilaasho, waa kuwo aan imaan madasha loo dhigo Ummadda Soomaaliyeed ee danta Ummadda Soomaaliyeed looga hadlayo, waa kuwo qayb ka ah dhibaatada ka dhacda Puntland, waxaan Baarlamaanka ugu baaqayaa in ay go’aankoodii dhaqan gashaan iyakaa Ummadda ka wakiila si loo helo hogaan sax ah oo wax kala garanaya ayuu yiri M-wayne Faroole”.

SSC

“SSC waa wax la doonayay in lagu qaraabto hadase iskaba baaba’day, waa dad qar-dheer ka soo hadlaya, waa dad marar badan isku dayay in ay isku dhuftaan Puntland iyo Soomaaliand, waa dad qayb ka ah dhibaatada Gaalkacyo, waa dad lacag la soo siiyay oo doonaya in ay qalqal gashaan ammaanka Puntland, waan la soconaa in ay dad lacago u soo direen oo ay dhaheen dad noo hadla noo noqda ayuu yiri M-waynuhu”.

Abaarta

M-wayne Faroole mar uu ka hadlayay abaarta ayuu sheegay deegaamo badan oo ay soo mareen oo ay daaqi-jireen xoolo-badan in ay iminka ku soo mareen xoolo sii dabar-go’aya oo aad u tiro yar, waxa uu sheegay in roobku uu bilaabmay balse sidii la rabay uusan u di’in, wuxuuna Ummadda Soomaaliyee Alle uga baryay in uu ka dulqaado abaarta iyo Colaada.

Ammaanka PL

Ummada Puntland ayuu ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan oo dadka qabiilka iyo aargoosiga ku hawlan ay iyaku gacantooda ku qabtaan oo aysan gacansiin, ma jirto reer, reer wax u qaba laakiin hogaamin-xumo ayaa dhacday ayuu yiri.

M-wayne Faroole ayaa socdaalkiisa Boosaaso wuxuu ku macneeyay mid caadi ah ee aan cajaa’ib ahayn wuxuuna sheegay in uu u yimid in uu xoojiyo ammaanka iyo maamulka uuna muddo sii joogi doono

Share this post

Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;715564 wrote:
loooooooooooooooooooooooool this is tragic, odaygu wuu khafiifay.

odaygu wu ka soo daraya dee waxa funny ah madaxweyne kuxigeenku Buntiland wuxu ku eedeyey alshabaab nabadarada galkacyo faroole na wuxu yidhi sh sharif ba ka danbeya labbada masuul maba wada shaqeyan

Share this post

Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

SSC

“SSC waa wax la doonayay in lagu qaraabto hadase iskaba baaba’day, waa dad qar-dheer ka soo hadlaya, waa dad marar badan isku dayay in ay isku dhuftaan Puntland iyo Soomaaliand, waa dad qayb ka ah dhibaatada Gaalkacyo, waa dad lacag la soo siiyay oo doonaya in ay qalqal gashaan ammaanka Puntland, waan la soconaa in ay dad lacago u soo direen oo ay dhaheen dad noo hadla noo noqda ayuu yiri M-waynuhu”.

:D:D I was expecting he accuses SSC anything else but not Galkacyo and P/l's insecurity.. However, his above statement conflicts itself. One point he says, ssc is gone and non-exist at the same time they are behind Galkacye's issues which is a huge issue.lol.. Odayga needs help.. Where is Xiin and GD.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Maamulka Goboleedka Puntland Oo Sheegay In Dawladda Sheekh Shariif Maalgaliso Kooxda Nabad-diidka Ah Ee SSC Si Ay Isugu Dirto Somaliland Iyo Puntland

Hargeysa (Ramaas) Apr 29,2011 – Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Mr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya ku eedeeyay inay ka dambayso dilalka dhawaanahan ku soo badanayey deegaano ka mid ah Puntland, kuwaas oo dad masuuliyiin ah iyo dad kaleba lagu laayey.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, waxa kale oo uu sheegay in dawladda Soomaliya ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed dhaqaale siiso kooxda nabad-diidka ah ee SSC si buu yidhi isugu dirto Somaliland iyo Puntland.

Madaxwaynaha oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, ayaa waxa uu dawladda Sheekh shariif ku eedeeyey inay ka baaqsatay inay nabad ka dhaliso Soomaliya, sidaana ay ku doonayso inay dalka ku siii haysato.

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo ugu horeyn ka hadlaya dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhaca Gaalkacayo ayaa iyo cida ka dambaysa waxa uu hadalkiiisa ku bilaabay “Haba ahaadeen kuwa shaydaanku ku shaqaysanayo ee dhiiga dadka xalaalaystay ee masaajiida is hortaagaya ama miinooyinka wadada u dhigaya ciidamada amniga, ama dadwaynaha ama dadka madaxda ah ama culimada diinta, waa dad siyaasad uga jeeda ah inaan Puntland daganaan ujeeda.” Ayuu yidhi waaxaanu intaa ku daray “Waala ogyahay waa kuwa ku fashilmay inay Soomaliya wax ka qabtaan oo ay nabadgalyo ku soo dabaalaan oo ay Soomaliya ku khasaartay, oo ku fashilmay inay dib u heshiisiin bilaabaan, iyagga oo guryo lagu ilaaliyo, waana kuwii meeshii hala isugu yimaado la yidhi ka baaqsaday haddana madaxnimo doonaya waa qaybta fulinta’e, marka laga reebo baarlamaanka oo iyagu shirkii Nayroobi yimid.”

Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu sheegay in dawladda Sheekh Shariif kooxda SSC maalgalin siiso “Awalna waanu ogeyn in qoladii SSC oo hadda iska baaba’day ay maalgalin jirtay (Dawladda Sheekh Shariif) si qalaanqal uga ridaan Puntland ama isku diraan Somaliland iyo Puntland”ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Fool Faroole waa Nin Waalan oo Jiran "SSC waxay doonaysay in ay isku dhufato Puntland iyo Somaliland" Kulahaa

There are some good Puntlanders who are anti-Faroole

Puntlandtalk: Faroole weli kama qaan gaarin hadal xanaf leh oo keenikara kala fogaansho

Waxaa maanta magaalada Boosaaso soo gaaray Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole. Madaxweynaha ayaa isla maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso.

Mr. Faroole oo ka hadlay arimo fara badan ayaa xooga saaray eedayn uu u jeediyey kooxo kala duwan, wuxuuna dilalka qorashaysan iyo qaraxyada ka dhaca Puntland ku eedeeyey Al-shabaab, DFKMG ah iyo kooxo reer Puntland ah oo labadaas dhinac la shaqayya. Faroole wuxuu carabka ku adkeeyey in kooxaha kor ku xusani ka soo horjeedaan jiritaanka, nabada iyo horumarka Puntland.

Hadalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ahaa mid xanaf leh oo uu ku deedafeeyey dhinacyada uu eedaha u u jeedinayey gaar ahaan Ururka SSC, Kooxo uu sheegay in ay ka soo jeedaan Sanaag iyo kuwo uu ku tilmaamay in ay warbaahinta ka sheegtaan maamulo aan jirin, hadalka aadka loola yaabay ayaa wuxu ahaaa isagoo yiri SSC waxay doonaysay in ay isku dhufato Puntland iyo Somaliland, iyadoo la ogyahay in Somaliland ay haysato dhul ka mid ah Puntland isla markaasna ay weerar gumaad ah dhowaan ku soo qaaday gobolka Cayn, waxaana wax laga naxo ah in Madaxweynaha Puntland oo ka baaqsaday difaaca gobolada Sool iyo Cayn uu isdifaaca dadka Gobolka Cayn ee la oo weeraray ku tilmaamo isku dhufasho Puntland iyo Somaliland. kooxaha uu maanta eedayyey waxaan ku jirin Somaliland oo dadka reer Puntland badankoodu u arkaan cadowga kowaad ee Puntland.

Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa ka muuqda in aanu weli ka qaan gaarin hadal xanaf leh oo wax sii kala fogeynaya, waxaana la filayey inuu Faroole khibrad iyo waay aragnimo ka kasbado 2di sano ee uu xilka hayey. Madaxweynaha ayaa waxaa sida cad ka maqan hanaanka wada hadalka, dulqaadka, isu tanaasulka iyo xal raadinta, isagoo taas bedelkeeda afla gaadho iyo eedayn saxaafada u mariya dadka mucaaradka ku ah siyaasadiisa ee reer Puntland, wuxuuna u hadlaa sida ay hadlaan dadka ku sheekaysta fadhi ku dirirka. isagoo adeegsadaa kelmado aad u qalafsan oo mararka qaar lagu tilmaami karo aflagaadho iyo deedafayn. Waxaana muuqata in Faroole iyo Qaddaafi ay isaga egyihiin hadalka xanafta leh ee aan loo meel dayin

Dhowaan ayey ahayd markii uu Faroole afla gaadho u geystay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda mid ka mida beelaha Gobolka Bari xilli ay kulan kula yeesheen xarunta madaxtooyada Garoowe halka kuwa kalena uu diiday inuu la kulmo, waxaana arintaas loo sababaynayaa maamulka dhowaan lagaga dhawaaqay degmada Baargaal ee lagu magacaabo Raasicaseyr State.

Dhinaca kale waxaa hadalka Faroole laga dheehan karaa inaan dawlada Puntland weli si dhab u garan cida gumaadka ku haysa waxgaradka Puntland maadaama oo uu DFKMG iyo Al-shabaab si isku mid ah ugu eedeeyay dhibaatada ka socota Puntland, iyadoo aan ognahay in labadan kooxood aysan isku qorshe iyo siyaasad ahayn.

guntii iyo gabagabadii, waxaa muuqata in markasta oo Madaxweyne Faroole uu hadlo uu hadlkiisu abuuro kala fogaansho iyo kalsooni daro. marka aan qiimayn ku samayno hadaladii uu muddooyinki dambe jeedinayey Madaxweyne Faroole waxaan oran karaa hogaaminta iyo maaraynta xaaldaha adag ee Puntland way mugweynta Mr. Faroole.

Puntlandtalk

Share this post

Link to post
Share on other sites

SOMALIA: Puntland blames TFG and SSC militia for attacks

BOOSAASO — On Friday the leader of Somalia’s northern enclave of Puntland called on the Somali parliament to prepare the country for a general election to form a credible administration to replace the current TFG.

Speaking to journalists at Bosasso airport, Abdirahman Farole said Somalia needed to hold immediate elections ahead of the end of Transitional Federal Government’s mandate in August. He said the interim parliament needs to find a leadership that is credible, transparent and one that can bridge the gap between Puntland and Mogadishu. He criticized the current leadership and said their leadership does not reflect the will of the Somali people.

While speaking about security he blamed the Transitional Federal Government and the armed SSC clan militants for being behind recent killings in Puntland. He stressed that the TFG was using violent groups such as SSC to destabilize Puntland. He said the group, whose leader is currently being investigated by the FBI in Ohio, had tried to start a new war between rivals Somaliland and Puntland. He added that the group had failed and was near total collapse. Mr Farole argued SSC was formed primarily to destabilize the region.

Mr Farole also spoke of the drought ravaging his state and the Horn of Africa. He insisted that he had personally witnessed thousands of dead livestock and urged people to pray for relief.

Regional analysts say Abdirahman Farole is pushing for the urgent replacement of the Transitional Federal Government so that he can be elected. They claim he has over US$7 million he made from piracy ransom he plans to use for his election.

Over the past month more than 18 civilians have been killed in Puntland including 7 worshippers that were gunned down in two separate mosques in Galkayo. Puntland at first blamed al-Shabab, but now it appears it has changed its mind and is instead blaming the violent on the SSC group and the TFG in Mogadishu.

Puntland is one of several growing semi-autonomous regions dotted across what was formally known as Somalia following the toppling in 1991 of the regime of the one time dictator Mohamed Siad Bare. Somalia has been mired in violence and political infighting ever since. Somaliland chose to break away from the union and has managed to maintain relative stability.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;715876 wrote:

Interesting development there.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this