Sign in to follow this  
Saalax

Is-Xulufaysiga Cusub ee Hoggaankii SNM oo Taariikhdii Halganka ku soo Bandhigi Doona London

Recommended Posts

Saalax   

Hargeysa(Qaran news)-Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (dhago weyne) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii Garabkii mulatariga ee Ururkii SNM, ayaa lagu marti qaaday Aqalka Chatcham House ee dalka Ingiriiska, halkaasoo loo asteeyey in labada Mujaahid ay ka jeediyaan Taariikhda Garabkii Mulatari ee Xoogagii Ururkii SNM.

 

Labadan Mujaahid ayaa sida qorshahu yahay waxay Taariikh Khubadeedka SNM ka jeedin doonaan Aqalka Chatcham House ee Magaalada London 15-ka May 2011-ka, wakhigaasoo oo ay hadda inaga xigaan muddo ka yar Saddex Todobaad, sidoo kale waxa Taariikh khudbadeedkooda la asteeyey in laga dhigo xuskii Sanad laha ahaa ee loo samay jiray 18-Ka May oo ah Maalinta Xoriyadda Somaliland oo hadda laga joogo Labaatan Sano.

 

Ibraahim Dhaga weyne iyo Axmed Mire oo ka mid ahaa saraakiishii hormoodka ka ahayd halgankii dib u xoraynta, isla markaana lagu tilmaami jiray kuwo Hoodo ku lahaa hawlgaladii ay hormoodka ka ahaayeen mudadii halganku socday.

 

Dadka ururiya Taariikhdii halganka ay Tusaale u soo qaataan marka laga hadlayo labadan Mujaahid hawlgalkii guda galka ee Ururkii SNM 1988-kii ku soo hujuumeen Fadhiisinada Ciidamadii Siyaad Bare ee fadhigoodu ahaa Burco iyo Hargeysa, labadaa hawl gal oo ay labada Mujaahid kala hogaaminayeen.

 

Sidoo kalena, waxa ka mid ah mahadhooyinka taariikhda galay ee sida gaarka aha loogu xasuusto Mujaahid Axmed Mire iyo Ibraahin Dhega-weyne hawlgalkii Buuraha ee horaantii sideetaneeyadii, kaasoo uu hindisaha Hirgalintiisa lahaa Ibraahim Dhaga-weyne iyo hawlgalkii miidaamada ahaa ee Mujaahidiintii SNM ku bartilmaameedsadeen 27-kii May 1988-kii Magaalada Burco, kaasoo waqcad ku noqday kaligii taliyahaii Siyaad Bare, isla markaana kala daadiyey heshiiskii shirqoolka ahaa ee uu la galay Itoobiya.

 

Haddaba inkastoo, labadan Mujaahid ay marar badan intii dalka lagu jiray siyaasada ku kala argti fogaayeen haddana waxa is cugashadooda wakhtigan dad badani ku fasiraan in ay tahay mid ka dhalatay gabaara-gurdaynta iyo guur-guurka siyaasadeed ee wakhigan doob-dilaacsaday, kaasoo kalifay in ay maanta kala guuraan saaxiibo markii hore isku cindanaa, balse aan isku dan ahayn, waana ta kaliftay in maanta kala durkaan Ibraahim Dhaga-weyne, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo wakhiyada qaarkood shiishkoodu meel wada haystay.

 

Waxaana dadka argtidaa qabaa Ibraahim Dhaga-weyne siyaasadiisa waqtigan ku fasiraan mid u jan-jeedha dhinaca Mujaahid Axmed Mire, oo wakhtiyada qaar ay kala fakir duwanaayeen, balse maanta isu soo dhawaanshahoodu uu labadoodaba faa’iido u yahay Sidoo kale waxa is-agjooga labada Mujaahid astaan u noqon doonaan curashada nidaamka dimuquraadiyada ee ka hanaqaaday Somaliland, kaasoo dhigaya in bulshada waxa ka dhaxeeyaa yihiin dano iyo deegaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa isweyndiin mudan argati noocee ah ayay ka bixin doonaan darisminada cusub ee Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Dhaga-weyne saaxiibadii hore ee ay Dhego-weyne kula guureen siyaasadda, sidoo kalena ologa labada Mujaahid tolow ma noqon doontaa miday ku hoodo wanaagsanaadaan sidii halgankii oo kale.

 

Wargeyska YOOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed mire looks young and is ready to come to the political arena he joined the SNM at the age of 27 they could be a good team though the two Mujahids.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;715544 wrote:
they could be a good team though the two Mujahids.

Who knows. They could be.

 

 

81kjda6su6xks39n84nl.jpg

 

Is-Xulufaysiga Cusub ee Hoggaankii SNM oo Taariikhdii Halganka ku soo Bandhigi Doona London

FRIDAY, 29 APRIL 2011

Hargeysa(Togdhnews)-Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (dhago weyne) ,

 

oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii Garabkii mulatariga ee Ururkii SNM, ayaa lagu marti qaaday Aqalka Chatcham House ee dalka Ingiriiska, halkaasoo loo asteeyey in labada Mujaahid ay ka jeediyaan Taariikhda Garabkii Mulatari ee Xoogagii Ururkii SNM.

 

Labadan Mujaahid ayaa sida qorshahu yahay waxay Taariikh Khubadeedka SNM ka jeedin doonaan Aqalka Chatcham House ee Magaalada London 15-ka May 2011-ka, wakhigaasoo oo ay hadda inaga xigaan muddo ka yar Saddex Todobaad, sidoo kale waxa Taariikh khudbadeedkooda la asteeyey in laga dhigo xuskii Sanad laha ahaa ee loo samay jiray 18-Ka May oo ah Maalinta Xoriyadda Somaliland oo hadda laga joogo Labaatan Sano.

 

 

Ibraahim Dhaga weyne iyo Axmed Mire oo ka mid ahaa saraakiishii hormoodka ka ahayd halgankii dib u xoraynta, isla markaana lagu tilmaami jiray kuwo Hoodo ku lahaa hawlgaladii ay hormoodka ka ahaayeen mudadii halganku socday.

 

Dadka ururiya Taariikhdii halganka ay Tusaale u soo qaataan marka laga hadlayo labadan Mujaahid hawlgalkii guda galka ee Ururkii SNM 1988-kii ku soo hujuumeen Fadhiisinada Ciidamadii Siyaad Bare ee fadhigoodu ahaa Burco iyo Hargeysa, labadaa hawl gal oo ay labada Mujaahid kala hogaaminayeen.

 

 

Sidoo kalena, waxa ka mid ah mahadhooyinka taariikhda galay ee sida gaarka aha loogu xasuusto Mujaahid Axmed Mire iyo Ibraahin Dhega-weyne hawlgalkii Buuraha ee horaantii sideetaneeyadii, kaasoo uu hindisaha Hirgalintiisa lahaa Ibraahim Dhaga-weyne iyo hawlgalkii miidaamada ahaa ee Mujaahidiintii SNM ku bartilmaameedsadeen 27-kii May 1988-kii Magaalada Burco, kaasoo waqcad ku noqday kaligii taliyahaii Siyaad Bare, isla markaana kala daadiyey heshiiskii shirqoolka ahaa ee uu la galay Itoobiya.

 

 

Haddaba inkastoo, labadan Mujaahid ay marar badan intii dalka lagu jiray siyaasada ku kala argti fogaayeen haddana waxa is cugashadooda wakhtigan dad badani ku fasiraan in ay tahay mid ka dhalatay gabaara-gurdaynta iyo guur-guurka siyaasadeed ee wakhigan doob-dilaacsaday, kaasoo kalifay in ay maanta kala guuraan saaxiibo markii hore isku cindanaa, balse aan isku dan ahayn, waana ta kaliftay in maanta kala durkaan Ibraahim Dhaga-weyne, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo wakhiyada qaarkood shiishkoodu meel wada haystay.

 

 

Waxaana dadka argtidaa qabaa Ibraahim Dhaga-weyne siyaasadiisa waqtigan ku fasiraan mid u jan-jeedha dhinaca Mujaahid Axmed Mire, oo wakhtiyada qaar ay kala fakir duwanaayeen, balse maanta isu soo dhawaanshahoodu uu labadoodaba faa’iido u yahay Sidoo kale waxa is-agjooga labada Mujaahid astaan u noqon doonaan curashada nidaamka dimuquraadiyada ee ka hanaqaaday Somaliland, kaasoo dhigaya in bulshada waxa ka dhaxeeyaa yihiin dano iyo deegaan.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa isweyndiin mudan argati noocee ah ayay ka bixin doonaan darisminada cusub ee Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Dhaga-weyne saaxiibadii hore ee ay Dhego-weyne kula guureen siyaasadda, sidoo kalena ologa labada Mujaahid tolow ma noqon doontaa miday ku hoodo wanaagsanaadaan sidii halgankii oo kale.

 

Wargyska YOOL

 

http://www.togdheernews.com//index.php?option=com_content&task=view&id=8100&Itemid=1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this