Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland VP appoints committee to organize Somaliland 20th anniversary as an independent state

Recommended Posts

Xukuumadda Oo Magacowday Guddida Qaban qaabada Sanad guuradda 20-aad Ee Madax banaanida Somaliland

April 28th, 2011

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay Guddi heer qaran ah oo agaasinta munaasibadda dabaal dega sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland madax banaanideeda kala soo noqotay dalkii ay hore ula midowday ee Soomaaliya.

 

Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta madaxtooyada waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay guddi heer qaran ah, oo agaasinta u diyaar garowga sannad guurada 20 aad ee xuska maalinta qarranimada Somaliland ee 18 ka May.

 

Madaxwayneku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) guddidan heerka qaran ee uu u magacaabay, qaban qaabada xuska 18-ka May, oo uu gudoomiye u noqon doono Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa waxa ay kala yihiin sidan:-

 

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

2. Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda.

3. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.

4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga

5. Wasiirka Wasaaradda dhalinyradda, Ciyaaraha, dhaqanka iyo Dalxiiska.

6. Chief Of Protoclka Madaxtooyadda

7. Agaasimaha Maamulka Madaxtooyadda

8. Badhasaabka Gobolka M/jeex

9. Maayarka Caasimadda Hargeysa.

 

Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa uu ku booriyey xubnahaa uu u magacaabay qaban qaabada xuska maalintaa, in ay muujiyaan taariikhda ku duugan munaasibada ay leedahay maalintan 18ka May, waxaanu faray in ay hawshaasi xil mugleh ay iska saaraan, isla markaana ay si degdeg ah uga hawl galaan agaasinkeeda.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this