Saalax Posted April 28, 2011 Golaha Degaanka Ceel-afweyn oo Hambalyeeyey Safarkii Wasiirka Daakhiligu ku Tegay Gobolka Sanaag THURSDAY, 28 APRIL 2011 Ceel-afweyn (Togdhnews)- Xidhibaannada Golaha Degaanka Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, ayaa si weyn u soo dhaweeyey safarkii uu dhawaan Wasiirka Daakhiligu ku tegay gobolkaas, kaas oo ay ku tilmaameen inuu xambaarsanaa yididiilo waxqabad ay degaannadaasi muddo dheer ka sugaayeen xukuumadihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland. Mudanayaasha golaha degaanka oo kulan ay gelinkii dambe shalay ku yeesheen Ceel-afweyn kadib khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya xalay fiidkii, waxa ay sheegeen inay maamul ahaan iyo shacab ahaanba si weyn u soo dhaweynayaan, una hambalyeynayaan tallaabooyinka waxqabad ee xukuumadda Somalialnd, gaar ahaan socdaalkii Wasiirka Arrimaha Guduhu ku soo maray degaannada degmada Ceel-afweyn. “Haddii aannu nahay masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Ceel-afweyn waxaannu ammaanaynaa guud ahaan tallaabooyinka waxqabad ee xukuumadda cusub u qaadday dhinaca horumarka dalka Somaliland , gaar ahaan gobollada bariga oo muddo dheer tabayey waxqabadka xukuumadda dhexe. Sidii kala waxaannu hambalyeynaynaa kormeerkii Wasiirka Daakhiligu ku soo maray degaannada degmada Ceel-afweyn, kaas oo ahaa mid taariikhi ah oo uu si buuxda uga soo ogaaday duruufaha shacabka degaannadaas iyo dib-u-dhacyada ka muuqda adeegyada bulshada Gobolka Sanaag oo go’doon ka ah dalka intiisa kale, waxaannu wasiirku wax ka qabtay qaar ka mid ah dhibaatooyinkii ka jirey degaannada Ceel-afweyn oo ay ka mid yihiin gadiid la’aan,” ayey yidhaahdeen xildhibaannadu. Geesta kale, xildhibaannada Golaha Degaanka Degmada Ceel-afweyn, waxa ay si kulul u cambaareeyeen dad dhaliilay safarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo gaadiid uu siiyey qaar ka mid ah masuullada dawladda ee degaannadaas, iyagoo mudanayaashu ku sifeeyey dadkaas shaqsiyaad danaystayaal ah oo ka soo horjeeda horumarka iyo wanaagga ummaddooda u soo kordha, waxaanay ugu baaqeen dadkaas inay hambalyeeyaan cid kastoo wax u soo kordhisa qaranka Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites