Bashiir Posted April 28, 2011 Hadii uu qaranjab dhaco, waxaa lama-weydaartaan ah in qulqulatooyinka dalka ka hanaqaada laga weeleeya: qalbijab, qalinjab, qoysjab, quwadjab, qaxootinnimo iyo waxkasta oo qiimaha iyo qaanuunka qarannimo qardoofo ku ah. Qaranjabkii bulshada Soomaaliyeed karkaarka weydaarshay qaxa iyo qiimajabkana Geeska Afrika ku lammaaneeyey wuxuu nabaadguuriyey naxashka-geeridana u meheriyey kartidii iyo karaamadii ay bulshadu ku indhakuulan jirtay barisamaadkii aynu ka badqabnay buyuqbaayuqa iyo balaayoyabooha bad iyo bari maanta naafeeyey ee nuxuusiyey dadnimadi Soomaalidana nusqaamiyey ee nabarreeyey. Sida aynu buugaagta ka qalindaaranay, waxaa jira afar dhardhaar oo lagu halbeega dheellitirka dhismaha qarannimo: Sharcidajinta, Fulinta, Garsoorka iyo warbaahinta, balse intuba aan wali si hufan Geeska Afrika looga hanan ama helin halbeegkooduna uu hoggaanka u qabtay ma hanta aan ku habbooneyn. Kaddib dhiciddi dawladdi-dhexe ee Soomaaliya, waxaa warfidiyeenka ku habqamay koox aan anigu u bixiyey “Tayo-daran ama qalimo-xun”, kooxdanoo warbaahinta ugu xoontay sida moryaantii miyiga ka timid ay ugu xoontay Muqdisho; bilicdi Banaadir iyo Beerihi Afgooyana barqo-kulul indhaha milkiilaha hortooda ugu kala baayacatay. Bahdan isku sheegta “Saxafiyiin Madaxbannaan”, sameystayna mareego ay fikirkooda buka ku faafiyaan dacaayaddana kaga dillaalaan, ayaa ka arradan saansaan kastoo saxafiga Soomaaliyeed lagu sunti jiray ama laga sugayey sugiddeeda waaba haddii uu jiro saxafi u carbisan ceynaanka warbaahinta oo waddanka wali ku sagane. Dhabargaraacashada iyo ka-dhilleysiga dhidibka afraad ee dhardhaarada dawladnimo, waa saxaafaddee, wuxuu noqday mid minjaxaabiya mugga iyo milgaha qalinmaalka iyo qoraaga Soomaaliyeed ee maanta iyo murugada dadka iyo dalka maalinba ay maalin kasii madow nagu mataaneyneysa annaguna aan abaal iyo ujeedda-la’aan ku aqbaleyno annagoo u afduuban oollimaadka eexda iyo abxashada ummaddan kala irdhoowday eegga iyo ayaanti aynu la ollognay kala aflaaqeynta iyo aafada kala eriday alkun iyo uur-wadaaggeed. Saxafiyiintii Soomaaliyeed ee moohibada iyo mahaaraadka jaango’an ee saxaafadeed lahaa, ayaa dalka sida tusbax-go’ay uga firxaday ayagoo darxumada iyo dilka diricyada saxaafadda isaga indha qarsaday martigalayna nolasha qurba-nacasta ee uusan waddanigu maalinna ku raaliga noqdeen; balse, qaranjabku qasabka ku qabatinsiiyey saas ahaanna iska qaayibay qammaandhacooyinka ku qooqaaraan. Kooxdan “Tayo-daran ama qalimo-xun” una badan “khabar-sidayaal” aan wali u dhaadhicin qoridda maqaalllo gilgila maanka akhristaha, ayuu dhambaalkooda rakhiiska ah intaan hurudnay noo weydaartay daarta saxafinnimo, waxaanan ku waabariisannay laaxin iyo erayo liita oo ribrib iyo yabyab ah kuwaasoo ay ishayadu ka saliilyootay kana sikatay! “Sharafi dhimatay!” Kuwan aan maalinna ka looxjiidan hab-qoraalka iyo hannaanka tabinta wararka, luuqaddana lugta hayee laaxinka ku aafeeyey, akhristow sow ma habboona inaan markale u bixiya “soomareystayaal” aan dhug iyo dhimir toona u laheyn gefafka qayaxan ee ay nagu rahmayaan, aniga iyo adiguna aan nafta ku hagbeyna innagoo muuq iyo mooraalba ka biyodiidsan aflaaqada qoraalkooda iyo eedaadka luuqadda habarwacashada ku harraadday? Haddii aad is-oran laheyd muxuu Stanza u sitaa saxafiyiinta Soomaaliyeed, akhristow ma ogtahay in saaxibkay Aadan Sheekh Xasan (Azhary) oo kamida ragga maqaalada tayeysan ku qora bogga somalitoday uu kooxdan u bixiyay ” Sufahaaul Iclaam" taasoo la micna ah – maangaabyadii miidhiyaha anna aan ka hareer-safanahay? Waxaa saldhig u ah weerarka Stanza ee ku wajahan wariyaasha cusub garasho-la’aantooda adeegsiga xeerarka qoraalka afkeenna hodanka ah, Soomaaliga. Tusaale ahaan, haddii aad u kuurgasha wararka dalka ee Soomaaliga ku qoran kuna xardhan bogagga hore ee mareegaha warbaahinta Soomaalida, waxaa indhahaaga harqinaya dhambaal dheer oo uusan ku jirin: hakad, joogsi, hakad-badhan, diillin, calaama-su’aal, bilfur iyo bilxidh iyo dhammaanba shaqallada lagama-maarmaanka ah ee qoraalka lagu tarraxo ee tayo galiya. Laakiin, haddii uusan dalkuba daganeyn dawlad midnimo-qaranna aan wali lagu waabariisan; tababar iyo faafreeb-luuqadeedna laheyn, sow Stanza kuma khaldana in uu wareemo wiilasha iyo gabdhaha wararka dalka tabintooda wiiftadu wadnaha u-jareyso waagii baryaba? Maya iyo haa af ka wada yimid weeye warcelintu. Gunti iyo gunaanadkii maqaalka, waxaa lagama-doodaan ah in dhalliilaha aan soo bandhignay ay yihiin kuwa uu dabangaalluhu jiifta ku arko isheyda iyo taadana ay marag ka yihiin; maqooradka iyo maareyntana waxaan u deyneynaa tifatirayaasha mareegaha ku hawlan kobcinta iyo kor u qaadka warbaahinta iyo wabaxa afkeennan oonka la ildaran ulmay ee waliba olmay. Waxaanse indhaha laga qarsan karin qalinkana laga weecin karin qalinjabka iyo qoraalhadafka aad mooddo in nalagu waajibiyey dheehashadooda, balse akhriste sow waajib waddaniyadeed iyo mid afba nagama saarraa inaan tooshka ku ifinna kooxdan qalimo-xun ee afka garooca ah iyo erayga gurran nagu gaalaalbxinaya? Haa yagleelan weeye yeeliddeennu, yoolkuna ma ahan "Yeedhay - yeelay, yeelay - yeedhay" ee waa "Yeelyey - yeedhay." F.G: Maqaalkan wuxuu qoraagu qoray oo la faafiyey 22/8/2009, waana naqdin ku nudan nabarrada afka Soomaaliga naxwihiisa daxaleeyey, waxaanan dib ugu daabacnay in ay dhallinyaradu uga faa'iideystaan dhanka naqdiga afka iyo oollimaadkiisa walibana wuxuu qoraaga qoray, Stanza, soo dhaweynayaa dhawr khalad oo dhanka ambaqaadka afka ah oo uu ulakac ugu daray iney akhristayaasha soo saaraan si naqdigoodu uu u noqda mid cilmiyeysan. Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza) Quote Share this post Link to post Share on other sites