Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: New Mayor visits hotspots, order restored a united front from Goldogob to Bosaso..

Recommended Posts

Godomiyaha Gudiga Nabadgalyada & Hormarinta Gobolka Mudug Oo Booqday X.Garsoon kulana Laqaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Xafada.

 

Posted by Ali on April 28th, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Godomiyaha Gudiga Nabadgalyada & Hormarinta Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke iyo ciidamo uu wato ayaa tagay halkii ay dagaalada ka dhaceen shalay waxaana kulan deg deg ah uulaqaatay Odayaasha iyo waxgaradka xafadaa.

 

 

Kulanka ayaa ah mid albaaba uxiranyahay waxaana uu kalahadlayaa isku dhacii shalay iyo sida lagu joojinlahaa iskudhac kale oo halkaa kadhaca waxaana haatan uu kulanka ka socdaa Hoteelka Kaah ee xafada Garsoor.

 

Ila ka agdhaw kulanka ayaa Puntlandi.com u sheegay kulanka ay oo xaadireen guud ahaan Odayaasha,Waxgaradka iyo Culimada ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkii dilka ugaystay nin ganacsadaa colaadana ay ka oogantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Shirbalaaran oo ay maanta isuguyimaadeen Odayaasha,waxgaradka,Aqoonyahanada,siyaasiyiinta & madax katirsan Qabiilka .......... oo kamid ah beelaha waaweyn ee dega deegaaanada Puntland ayaa ay ku canbaareeyeen islamarkaasna aysan raali ka ahayn dagaalkii saacadaha socday ee shalay sida deg dega ah uga qarxay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo,waxaana ay sheegeen in dagaalkaasi uu yahay mid aan loo baahnayn inuu sii socda.

 

Qaarkamid ah Duubabkii dhaqanka ee shirka ka qeybgalay oo warbaahinta la hadlay ayaa muujiyey sida ay uga xunyihiin dagaalkii shalay oo dhexmaray dad walaalo ah islamarkaasna ah kuwo ay ka dhaxayso walaaltinimo & derisnimo.

 

Dhanka kale ka qeybgalayaasha shirkani waxay canbaareeyeen jiritaanka hadalo la isla dhexmarayey gudaha Gaalkacyo oo sheegayey in xaafada Garsoor ay fariisin u tahay kooxo diidan jiritaanka Puntland,iyagoo sheegey in warkaasi uu yahay mid ay buunbuuniyeen dad kasoo horjeeda jiritaanka & midnimada Puntland.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

A united approach will bring prosperity to the city

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culima'udiinka Gobalka Mudug oo baaqyo nadeed ka soo saaray

dhacdooyinkii magaalada Gaalkacyo.

 

iyadoo malinimadii shalay ahayd magaalada gaalkacyo uu ka dhacay

dagaal khasaare nafaad gaystay islamarkaana dagaalkaasi uu ku bilawday

kadib markii siyaabo isku xig xigay loo dilay laba nin oo midkood uu

ka mid ah culima'udiinka Gobalka halka ninka kalana uu ka mid ahaa

ganacsatada magaalada ayaa baaq arrimahaasi la xiriira waxaa jeediyay

Qaybaha kala duwan ee Culima'udiinka iyo waxgaradka Gobalka Mudug.

 

Sh Aadan Maxamed Cigaal oo guddoomiyaha guddiga Dacwada ee Gobalka Mudug oo ka hadlay kulan culimadu ay ka yeesheen dhacdooyinka Gobalkan gaar ahaana dagaalkii shalay iyo saamaynta uu bulshada inteeda kale ku yeelan karo ayaa shegay culama'udiinka Gobalka Mudug in ay baaqyo nabdeed ka soo saareen colaada gobalka Mudug islamarkaana ay ugu baaqeen dhinacyada ay dirirtu u dhaxayso in dagaalka joojiyaan

islamarkaana ay nabada wada qaataan.

 

Sh Aadan Maxamed Cigaal wuxuu ku dheraaday dhibaatada saamaynta leh ee dagaalada ahliga ah ay bulshada ku reebaan wuxuuna carabaabay

dagaalkani in uusan lahayn wax faa'idaha in u khasaare soo dedejiyo

mooyaane.

 

Sheekhu wuxuu ugu baaqay bulshada qaybaheeda kala duwan in ay u

istaagaan daminta colaada si uusan dhiig dambe u dhalan sidoo kalana

ay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan aqoonyahanada, culimada diinka,

Odayaasha, iyo Maamulada Dawladu sidii nabada dib loogu hanan lahaa.

 

Dhinaca kale Odayaasha iyo Waxgaradka beesha ******** oo maanta kulan ku qaatay Hotel KAAH ee xaafada Garsoor ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaada taagan waxay carabaabeen dagaalku in uu si fudud ku

bilawday iyagoo ka xuna ay ku baaqayaan joojintiisa maadama Dagaalku

uusan wiil ku dhalan in uu ku dhinto mooyaane.

 

Nabadoon Cabdulahi Sacid Warsame Kaytoon oo ka mid ahaa nabadoonadii baaqa jediyay ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay nabada la qaataan walaalahooda xurguftu ay soo kala dhex gashay, wuxuuna taabtay Colaadu in aysan lahayn daba la qabto lakin ay leedahay oo kaliya madex la qabto, sidaas darteedna ay ku baaqayaan in nabada lala

qaato maadaama Dagaalku uu yahay mid khasaare u soo jiidaya beelaha

walaalaha ah ee magaalada wada Degan hadana aan kala maarmin.

 

Sidoo kale Nabadoon Xusen Maxamud Xirsi Gurey oo isna ka mid ahaa

Odayaashii baaqan jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday waxgaradku in aysan

farxad galinayn dhiiga walaalahood ee daadanaya wuxuuse ku baaqay in

laga wada shaqeeyo sidoo loo soo celin lahaa nabadii iyo

walaaltinimadii beelaha gobalkan wada dega.

 

Arrintani waxay timid kadib markii isla maanta hotelkaasi KAAH

Odayasha beeshan ay kulan aan horay loo shaacin kula qaateen

Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyad iyo maamulka ee dhawaan Gobalkan

Mudug loo soo magacaabay islamarkaana ay ka wada hadleen arrimaha la

xiriira dhacdadan iyo sidii gacan dhab ah looga gaysan lahaa

iskaashiga ku salaysan xalinta iyo hakinta Colaadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this