Bashiir Posted April 27, 2011 Arbaco, 27 April 2011 11:52 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Qore; Abdirshid Jire khalinle@gmail.com Sida ka muuqata cinwaanka qoraalkan ayaan waxaan doonayaa inaan idiin soo bandhigo suaa'shaas aan jawaabteeda weli la heyn, taasoo ay ka soo yeertay nin ajnabi ah oo u damqaday dhibaatada lagu hayo dhulkeenii gaar ahaan xaalufinta lagu hayo dhirta iyo daaqa uu dhulkeenii ilaahay ku manaystay. Waxay ahayd barqo 11;00 kii subaxnimo markii aan hawl ka yeeshay dakadda weyn ee magaalada Sharjah oo ka mid ah wadanka Imaaraadka Carabta, markii aan gaaray dekedda ayaan waxaan arkay dhawr markab ama doonyo laga dajinayo dhuxul aad u tiro badan, waxaan ku leexday mid ka mid ah doomihii laga dajinayey dhuxusha si aan u ogaado halka ay ka timid anigoo dareensan inay soomaaliya tahay, waxaan hoos joogsaday doonni weyn oo la dajinayo shaqaalihii ayaan weydiiyey qofka iska leh iyo meesha ay ka timid, waxaa isla markiiba ila hadlay nin Masri ah oo igu yiri anigaa iska leh dhuxushaan ee maxaan kuu qabtaa? Waxaan iska dhigay nin doonaya inuu iibsado dhuxusha waxaana weydiiyey halka ay ka timid dhuxushan,wuxuu si fudud iigu jawaabay waxay ka timid Kudhaa,oo waa tan ugu fiican dhuxusha laga keeno soomaaliya,anigoo la yaaban sida uu ugu dhawaaqay magaca magaalada Kudhaa oo dad badan oo soomaali ah haddii la weydiiyo aanay garaneyn, ayaan waxaan ku celiyey maxay ku kala duwan yihiin oo dhuxusha Kudhaa uga qaalisan tahay ama uga tayo fiican tahay tan laga keeno meelaha kale,intuu qoslay ayuu igu yiri ganacsiga dhuxusha ma haddaa kuugu horeysa,markiiba haa ayaan la soo booday, wuxuu yiri aan kuu kala sheegee dhuxusha waxaa ugu liidata tan laga keeno Baraawe waayo waa geed miroodkii sida liinta ama canbaha oo la soo gubay, laakiin anigu weligey kama ganacsan waayo waa xaaraan in geed la sugayey muddo sannado ah dheefsigiisa haddana si dhib yar loo jaro , intaa markuu is raaciyey ayuu madaxa gilgilay oo igu yiri ma la hubaa dhulkan inaad idinka leedihiin haddaad soomaali tihiin, waayo anigaa ka naxaya sida wax u socdaan ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisii. Falaari gilgilasho kaagama go'dee waxaan bilaabay inaan isagii ku eedeeyo inuu qeyb ka yahay xaalufinta dhulkan lagu hayo,waana isla keeni weynay murankii, waxay igu noqotay arrin igu taagan oo aan hawshii aan u socdayba ku ilaaway,waxaan u sii gudbay doon kale oo la dejinayo oo aan weydiiyey intii oo kale, laakiin markaan iyadoo aan wax ka ogahay qiimaha iyo noocyadeeda ayaan la sheekeystay shaqaalihii dejinayey doonta kale, waxay ii sheegeen ugu yaraan usbuucii in illaa 10-15 doon ay ka yimaadaan soomaaliya oo ay dhamaan ka yimaadaan koonfurta soomaaliya,waxaa gadaal iigu soo noqotay suaa'shii uu ninkii i weydiiyey ma la hubaa inaad idinku dhulkaan leedihiin? afdheer.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted April 27, 2011 Haa Soomaliya Soomali Baa Leh. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 27, 2011 Somaliya hadday Somali leedahay may saas u dhaanto ,,.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
BOB Posted April 27, 2011 Brother horta waxaa nalaga rabaa as a nation inaan is weydiino waxa dhibkan keenay then solution waa la heli karaa laakiin qof walbo wuu is indho tirayaa oo waxaan loo joogin iyo waxaan la aqoon baa maantoo dhan lagu dul wareegayaa. Insha Allah..qadarka Allah ayaa saan ahaa ee Allah hanoo gargaraao dhammaanteen Insha Allah. Peace, Love & Unity. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 28, 2011 Geed la sugayey muddo sannado ah dheefsigiisa haddana si dhib yar loo jaro waa inkaar inteeda le;eg. Dhulkii Somalida waxa ka fayow inta jabhada ONLF waardiyaha ka tahay oo looba yaqaano dhulkii nabi Aadam Calayhi salaam.... Aamiin Ilaaahay ha inoo gargaaro danbigeenana ha dhaafo, ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 28, 2011 Aamiin... I think denbi dhaafku inuu conditional yahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 28, 2011 I think so, and dhibka jira ayaa ah macsiyo nooc walba leh, oo is gaadhay dhulkana ku faaftay. Dhirta la jari, duur joogta la dabar goyn, maatida aan la daryeeleyn iyo Dhiiga Islaamka ee la qubi waa in la joojiyo lagana toobad keeno lagana fogaado wixii macsiyo ah ee horseedi karta in nimco aad haystay lagaa qaado mid laguu soo wadayna lagaala noqdo. Dhirtu wa nimco, udub dhexaadka nolasha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted April 28, 2011 I think xaq daradaan kala galeyno baa dhibaatada noogu wacan oo aan midkeena xumaanta wadaa la qabanayn. Ilaahayse umadeena xaqa ha tuso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bashiir Posted April 28, 2011 Xaqu waa cadyahay, waase la iska indho tirayaa.... Quote Share this post Link to post Share on other sites