Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: New Governor/Mayor takes helm, Pics smooth transfer, tough job

Recommended Posts

cuuke1-e1303859682889.jpg

 

Gaalkacyo:"Maanta laga bilaabo hub Gaalkacyo laguma dhexmari karo,Askarina Canshuur raadinayana shacab Xabad kuma ridi doono"Gudoomiyaha cusub ee Mudug ahna duqa Gaalkacyo.

27. april 2011

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudoomiyaha cusub ee gudiga Amaanka & hormarinta gobolka Mudug Iyo Degmada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay awaamir culus oo ku saabsan amaanka gobolka Mudug & wadashaqeynta shucuubta gobolka Iyo ciidamada Amaanka ee gobolka,waxaana uu gudoomiyaha cusubi sheegey in tani ay tahay tilaabooyin deg deg ah oo uu maamulkiisu ku doonayo inuu si deg deg ah wax uga badalo howlaha cakiran ee gobolka Mudug gaar ahaana magaalada Gaalkacyo oo furdaamintooda loosoo magacaabay.

 

Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke oo ka hadlay xaaladaha kaladuwan ee gobolka Mudug ayaa sheegey in ay ka xunyihiin falalka dhacaya,waxaase uu sheegey in dawladu ay hirgelinayso go'aankii gudigii hore ee amaanka gobolka Mudug,isagoo docda kalena ku dhawaaqay awaamir ay kamidyihiin in ciidamada amaanku aysan shacabka xabad ku ridi doonin islamarkaasna ciidanka wadooyinka oo kaliya loo idmay inay canshuurta bilaha ah ee gawaarida soo uruuriyaan si asluub lehna ula dhaqmaan shacabka magaalada.

 

"Gaalkacyo uma imaan inaan xil doonayo,waxaad ogtihiin inaan ahaa agaasime guud (Wasaarada Waxbarashada),hoos ayaan usoo dagay oo ehelkayga ayaan doonayaan inaan wax u qabto,uma dulqaadan doono in ciidanku ay shacabka rasaaseeyaan kuna marmarsiiyoodaan waxaanu raadinaynaa canshuur taasi waa dhamaatay,maanta laga bilaabo askari qori wata canshuur ma raadin doono,dhanka kale waxaanu shaqada u horaysa ka dhigaynaa amaanka magaalada waxaanu amraynaa shacabka in aysan hub la dhexmari gudaha magaalada uma dulqaadanayno taas cidii jabisana sharcigaanu horgeynaynaa mana ka yeelayno waa madax..aabihiisa nabadoon ah Ama marmarsiiyo kale"Ayuu yiri Mr,Cuuke oo ka hadlayey xaflad uu maamulka degmada ugala wareegeyey xilka oo maanta Gaalkacyo ka dhacday.

 

Cabdiqani Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka cusub ee gobolka Mudug iyo Gaalkacyo oo xilkii la wareegay; sugidda amniga oo ay siin doonaan mudnaanta koowaad.

Wed, 27 Apr 2011 12:47:49 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Galkacyo, April 267 - Xaflad xil-wareejin ah ayaa maanta lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Gaalkacyo taas oo ay xilalka kula kala wareegayeen, guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo noqonaya guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo magaalada Gaalkacyo iyo duqii hore ee Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud X. Xasan.

 

Xafladdaan xil la kala-wareegidda ah ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xubno wasiirro ah oo ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada caddaaladda, shaqada iyo shaqaalah, caafimaadka iyo sidoo kale taliyaha guud ee bilayska Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan qaybaha bulshada iyo maamulka.

 

Intaan la kala tirsan maalka iyo mas'uuliyadaha awoodeed ee degmada ayaa maamulkii hore ee degmada waxaa ay sharraxaad dheer ka bixiyey wax-qabadkoodii muddadii ay xilka hayeen iyagoo sheegay in ay ku tallaabsadeen hormar badan oo iskugu jira, xagga kobcinta dhaqaalaha, dhissidda hab-maamuleedka, dhawrista amniga, dhaqan-galinta sharciyo muddo dhul-yaal ahaa iyo dhaqaajin arrimo badan ee xagga hormarinta danaha bulshada ah.

 

Maamulkii hore ee degmada waxay tilmaameen in ay soo food-saareen caqbado badan oo dhinacyada bulshada iyo maamullada ka soo wajahay kuwaasi oo degmo ahaan ka miisaan-waynaa ayna maarayn waayeen iyadoo dawladda dhexe ku dhaliilay in ay ka gaabisay hawlihii looga fadhiyey gaar ahaan amniga magaalada Galkacyo.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke ayaa ku dheeraaday xil la-wareegid kaddib wax-qabadkiisa iyo qorshaha cusub ee uu doonayo in uu ka hirgaliyo gobolka, waxaana uu sheegay tallaabadiisa ugu horrayso in ay noqon-doonto sugidda amniga iyo nabad-galyada.

 

Guddoomiyyuhu wuxuu amar ku-bixiyey laga bilaabo maanta magaalada dhaxdeeda in aan wax hub ah lagu wadan-karin, ciddii lagu arko hubna tallaabo cad laga qaadi-doono, iyagoo taliska bilayska gobolka faray in ay gutaan waajibaadkooda sharcigana la tiigsadaan ciddii ka hortimaadda go'aamadii guddiga nabad-galyada gobolka oo mamnuuc ka dhigaya qaadashada iyo ka-ganacsida hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Munaasabaddaan maanta ka dhacday xarunta D/hoose ee ay xilalka kula kala wareegeen maamulkii hore ee degmada Galkacyo iyo midda cusub ee dhawaan loo soo magacaabay mas'uuliyadda heer gobol iyo mid degmo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka sii horraysay isla xaflad kale oo shalay galinkii danbe lagu qabtay xarunta maamulka gobolka taas oo iyana ay xilal kula kala wareegayeen maamulkaan iyo midkii hore ee gobolka.

 

Farxaan Jeemis Cabdulle,

Daljir Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^He is a smart man, the most educated man to ever become a leader of Mudug/Galkacyu. He has a tough job, but with the support of the State and the people he can pull this off. I am confident today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this