Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...

Recommended Posts

Dagaal Ka Dhacay Gaalkacyo Iyo Bandow Lagu Soo Rogay

 

 

2 hours ago | 0 comments 0

 

 

Dagaalkaasi oo u dhaxeeyey laba beelood oo wada dega gobolka Mudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaana dagaalka oo soconaayey muddo saacado ah ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soona afmeermay galabta gelinkii danbe.

 

Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Mudug Daahir Maxamuud Muuse oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in 5-qof ay ku dhinteen halka 10-kalena ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeyey laba beelood oo wadadega magaalada.

 

Wuxuu intaasi ku daray in dadka geeriyoday iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan labada beelood ee dagaalamay taasi oo ay kala dhexgaleen ciidmada ka tirsan Booliska iyo dad rayid ah oo ku kala dhex jiray labada dhinac.

 

Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ay wadaan hogaamiye dhaqameedka oo ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan xiisada keentay dagaalka,kaasi oo ka soconaayey Gaalkacyo.

 

Bandow Lagu Soo Rogay Gaalkacyo

 

Guddiga xaalada deg dega ah ee gobolka Mudug ayaa bandow kusoo rogay maanta[Arbaco]magaalada Gaalkacyo,bandowga oo socon doona muddo 10-maalmood ah ayaa sida uu sheegay Guddoomiyiyuhu wuxuu bilaabanayaa 12-makhribnimo ilaa 12-subaxnimo.

 

Mr.Daahir Maxamuud Muuse ayaa sheegay in bandowga ay kusoo rogeen magaalada Gaalkacyo ay ka danbeysay ka dib markii falal lidi ku ah amaanka ay ka dhaceen magaalada,wuxuuna xusay in ay rajeynayaan in dadweynuhu ay u hogaansamaan amarka kasoo baxay Guddiga xaalada deg dega ah ee gobolka Mudug.

 

Dad Lagu Laayey Magaaladda Gaalkacyo.

 

Saddex ruux oo uu ku jiray nin ka soo jeeda dalka Itoopiya ayaa lagu dilay magaaladda Gaalkacyo,waxaana labada qof ee kale ay qaybka ahaayeen bulshada rayidka ah ee kunoolaa Gaalkacyo.

 

Sababta ka dambaysay dilka marxuumiinta geeriyooday ayaan si rasmi ah loo aqoon,mana jirto illaa iyo hadda cid ay ciidamadu u soo qabteen in ay ka dambeeyaan dilalkaasi.

 

Dhowaan ayay ahayd markii dilal qorshaysan iyo qaraxyo sahayday nolosha dad rayid ah oo ku jiray Agaasimihii diinta iyo awqaafta ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo,waxaana dhacdooyinkaasi dil ay dowladu sheegtay in ay isugu jiraan kuwo aano qabiil salka ku haya iyo kuwo argagaxiso.

 

Waxaa ku sugan magaalada Gaalkacyo wakhtigaan saraakiil ka tirsan Dawladda Puntland oo ka kala socda laamaha amaanka,golaha Wasiirada iyo mas’uuliyiintii loo soo magacaabay gobolka.

 

Xaaladda Gaalkacyo ee Caawa

 

Xaaladda magaaladda Gaalkacyo ayaa degan caawa,waxaana wadooyinka istaraatiijga ah ee magaaladda Gaalkacyo lagu arkayaa ciidamo ka tirsan Booliska oo sugaya amaanka magaalada,taasi oo gebi ahaanba uu joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo midkii dadweynaha magaalada.

 

Guddiga xaaladda deg dega ah ayaa uga digay bulshada in ay hub ku dhexqaataan magaaladda,waxaan ay sheegeen cidii lagu arko hub n ay ka qadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan.

 

Dawladu waxay balan qaaday in ay talaabo ka qaadi doonto kwa beegsanaya mas’uuliyiinta iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Godomiyaha Gudiga Nabadgalyada & Hormarinta Gobolka Mudug Oo Booqday X.Garsoon kulana Laqaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Xafada.

 

Posted by Ali on April 28th, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Godomiyaha Gudiga Nabadgalyada & Hormarinta Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke iyo ciidamo uu wato ayaa tagay halkii ay dagaalada ka dhaceen shalay waxaana kulan deg deg ah uulaqaatay Odayaasha iyo waxgaradka xafadaa.

 

 

Kulanka ayaa ah mid albaaba uxiranyahay waxaana uu kalahadlayaa isku dhacii shalay iyo sida lagu joojinlahaa iskudhac kale oo halkaa kadhaca waxaana haatan uu kulanka ka socdaa Hoteelka Kaah ee xafada Garsoor.

 

Ila ka agdhaw kulanka ayaa Puntlandi.com u sheegay kulanka ay oo xaadireen guud ahaan Odayaasha,Waxgaradka iyo Culimada ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkii dilka ugaystay nin ganacsadaa colaadana ay ka oogantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalada Galkacayo oo dagan

28 Apr 28, 2011 - 11:00:17 AM

 

Kadib markii maalintii shaley 27 April isku dhacyo dhexmareen labo beelood oo wada daga degmada Galkacayo ayaa maanta 28 april,2011 wararka ka imaanaya magaalada sheegayaan in xaaladu dagan tahay.

 

Gudoomiyaha gobolka ee cusub Mudd. Cowke, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Cafimaadka iyo Wsaiirka Cadaalada Puntland ayaa shirar aan kala go' laheyn la yeeshey waxgarad ka tirsan beelaha is-khilaafey maanta kuwasoo ku guuleystey iney kala qaadaan dhinacyadii dirirtu dhexmartey.

 

Annooyinka qabiil oo dhexmarey labadaan beeleood ayaa yimid kadib markii kooxo aan heybtooda la garaneyn dilal qorsheysan u gaysteen shaqsiyaad muhiim ah kuwaasoo isugu jirey mas'uuliyiin iyo ganacsato.

 

Ciidamada amniga Puntland oo maalintii shaley sadex askari kaga dhinteen howlgalo ay ku dhexgalyeen dirirta dhex martey labadaan beelood ee walaalaha ayaa caawa 28 April, 2011 howl-galo amniga lagu sugayo kawada jidadka magaalada.

 

Ciidamadaan ayaa dhintey kadib markii maalintii shaley u gurmadeen saldhig boolis oo la go'doomiyey kaasoo ku dhexyaala halkii ay ahaan jirtey warshada Galeyda.

 

Sarkaal u hadley ciidamada booliska Puntland ayaa beeniyey warar sheegaya in ciidamada Puntland la safteen dhinac ka tirsan qabaa'ilkii dagaalmey balse sheegey in sadex askari kaga dhimatey sugada amniga.

 

Gudoomiyaha cusub iyo ku-xigeenadiisa ayaa qaadey tan iyo intii rabshadahaan bilowdeen talaabooyin shacabka degaanka soo dhoweeyeen kuwaasoo kulamo la yeeshey odayaashii beelaha dagaalamey.

 

Saraakiil ka tirsan dowlada Puntland ayaa marar badan ku eedeyey in xasilooni darada ka dhacda mararka qaarkood degaanoka tirsan Puntland ay ka dambeeyaan Kooxaha Al-Shabaab iyo siyaasiyiin ka tirsan dowlada Federaalka.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawlgalo Baaxaadwayn Amaankana Lagu Sugayo Oo Galkacyo ka socda.

Posted by Ali on April 29th, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Magalada Galkacyo ayaa waxaa ka socda hawlgalo baaxadwayn kuwaa oo looga goleeyahay sugida amaanka waxaana magalada laga dareemay bandaw mamulka cusub ku soo rogay.

 

 

Ciidamo xoogan oo qaarkood Gobolka xoojin loo soo gaarsiiyay ayaa lagy arkayay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada kuwaa oo wada hawlgalo amaanka lagu adkaynayo.

 

Qorshahan ayaa waxaa diyaariyay mamulka cusub ee Gobolka loo soo magacaabay kaa oo uu hogaamiyo Maxamuud C/raxmaan Cuuke waxaana guud ahaan laamaha amaanka lagu wargaliyay in ay heegan galaan diyaarna unoqdaan wax uqabashada bulshada Gobolka Mudug oo amnidaro soo wajahday mudooyinkii udanbeeyay.

 

Bartamaha laamigawayn ee magalada ayaa waxaa laga sameeyay baro koontarool oo loogu talagalay in lagu baaro Gawaarida loogana fiiqo bacaha madaw ee lagu dhuunto waxaana qorshan umuuqdaa mid kaladanbayntii iyo amaanka magalada dib u soo celinkara.

 

Hawlgalkii udanbeeyay ee xalay dhacay ayaa saraakiisha amaanka waxaa ay sheegeen in xabsiga ladhigay gawaari iyo shaqsiyaad laga shakiyay baaritaana lagu samayndoono.

 

Qorshayaasha ugu muhiimsan ee mamulka cusub xooga saaridoono ayaa lagu sheegay in ay dhaliyaan nabad iyo xasilooni shacabka Gobolka ku noolaadaan waana mida ay bulshada taageerada uga helikaraan hadii ay ku guulaystaan.

 

Hadalhaynta ugu badan ee magalada ayaa noqotay isbadalka lagu sameeyay mamulka Gobolka iyo waxa uu laminkaro mamulkan cusub ee dardarta la soo baxay waqtigan.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo 27kii bishan Maamulka cusub ee Gobalka Mudug uu magaaladan

Gaalkacyo ku soo rogay bandaw ka bilaabmaya Xilliga maqribka ah kuna

eg salaada subax ayaa markii ugu horaysay bandowgaasi wuxuu magaalada

ka hirgalay habeenimadii xalay ahayd, waxaana Wadooyinka magaalada iyo

xaafadahaba soo buux dhaafiyay ciidamo aad u hubaysan oo baaritaano ku

samaynayay gaadiidka iyo dadkaba.

 

Ciidamadan ayaa intooda badan waxay bara kontoroola ah u yaaleen

Wadada laamiga ah halkaasi oo ay ku baarayeen gaadiidka Magaalada

isaga kala gooshaya, waxaana iyaguna jiray ciidamo farabadan oo

roondooyin ka samaynayay xaafahada Magaalada Sidoo kalana dadka ku

amrayay in ay guryahooda ku xaroodaan.

 

Ciidamada hawgaladan xaafadaha ka qayb qaadanayay oo aad u farabadanaa Waxay sidoo kale baaritaano xoogan ku samaynayeen Gawaariada kala duwan ee isticmaalaya wadooyinka xaafadaha.

 

Ciidamadu waxay hawgalkoodan magaalada ka adeen ilaa saqdii dhexe ee

xalay waxaana mudadasi uu hawgalku socday xaafad alba lagu arkayay

Ciidamada faraha badan ee gaaf wareegaya xaafada kala duwan ee

magaalada iyagoo wata Gaadiidka Ciidanka halka intooda badana ay raxan

rxan wadooyinka ugu jireen.

 

Xalay waxay ahayd markii ugu horaysay ee magaalada uu ka dhaqan galo

bandawgii uu maamulku ku soo rogay, waxayna bulshadu si guud albaabada

isugu dhufteen goobahoodii ganacsiga laga bilaabo xilliga maqribka

iyagoo ku tagalkoodu uu ahaa in ay magaalada fiidkiiba ka xaroodaan

maadaam uu jiray bandaw uu maamulku iclaamiyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandowgii Galkacyo oo xalay dhaqan-galay; ciidamada ammaanka oo qabtay hub iyo gaadiid sharci-darro ah.

Fri, 29 Apr 2011 19:24:42 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Galkacyo, April 29 - Ciidamada amniga Puntland ayaa hawl-galladoodii ugu horreeyey xalay ka bilaabay magaalada Galkacyo, kaddib markii dhawaan dawladdu ay maamul cusub u magacawday gobolka iyo degmada, shaacisayna wax-ka-qabashada ammaanka gobolka gaar ahaanna midka magaalada Galkacyo.

 

Hawl-galladaas oo socday intii badnayd xalay illaa waabarkii ayaa sida uu daljir u sheegay madaxa ciidamada howl-gallada G/lle sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan waxa lagu qab-qabtay hub iyo gaadiid badan.

 

 

 

In ka badan 40 gaadiid ah oo iskuga jira kuwa xarragada iyo kuwa xammuulka ayay ciidamadu hawl-galladoodii xalay ku qabteen. Gaadiidkan ayaa isugu jiray kuwo lagu qabtay bacaha muraayadaha lagu dhaajiyo iyo kuwo aan canshuurnayn, waxaana saakaya badankooda la dul-dhigay ganaaxyo lacageed iyadoo beersoolkiina laga fiiqay.

 

Ciidamada amniga ayaa xalay jid-gooyooyin kala duwan dhigtay inta badan waddooyinka halbawlaha ah ee magaalada Galkacyo, iyagoo baaritaanno dheeraad ah ku samaynayey dadka iyo gaadiidkaba. Ciidamada ammaanka ayaa si gaar ahna u bar-tilmaameedsanayey baarbuurta aan lahayn taagooyinka, kuwa aan canshuurnayn iyo kuwa leh bacaha madmadaw ee lagu dhajiyo muraayadaha baabuurta. Magaalada ayaa xalay xilli horaba waxa laga dareemayay in ay yaraadeen isku-socodka dadka iyo gaadiidka bandawga aawadiis.

 

Hawl-galkaan ayaa lagu micneeyey mid golleeyahay xaqiijinta nabad-galyada magaalada Galkacyo oo in muddo ah daris la noqotay dilal qorshaysan iyo dabac xagga maamulka ah.

 

Dhinaca kale, ciidamada nabad-galyadu waxay xalay wadeen qorshe lagu taabbo-galinayo bandawgii maamulku uu ku soo rogay magaalada Galkacyo kaasoo labo habeen-jirsaday. Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidkaba ku war-galinaya in ay u hoggaansamaan amarrada bandawga la xiriira si loo hubiyo in la sugo ammaanka magaalada.

 

Magaalada Galkacyo saaka waxaa lagu arkayey baabuur makarfoonno ku xiran yihiin, kuwaasi oo laga naadinayey xilliga bandawga magaalada. Waxa nuse-saace lagu kordhiyay xilliga uu bilaabanayo dhaqan-galka bandowga iyada oo laga dhigay 5:30-ka.

 

Hawl-galladaan ay wadaan ciidamada amnigu ayaa yimdi xilli muddooyinkii ugu danbeeyey si weyn looga walwalsanaa xaaladda ammaan ee magaalada Galkacyo, kaddib markii ay magaaladu isku-baddashay meel lagu ugaarsado wax-ku-oolka qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

C/fitaax Cu Geeddi,

Daljir, Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin Guud:-Waa sidee Xaalada Gaalkacyo maanta ilaa caawa

Posted by mohamud AA on April 29th, 2011

 

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Magaalada Gaalkacyo ka dib rabshadihii arbacada ka dhacey ayaa hada caadigeedii kusoo laabatey, Shacabka magaalada guud ahaan ayaa dareemaya iney magaaladu sideedii hore kusoo laabatey iyagoo kalsooni buuxda ku qaba ciidanka Amaanka, Gudiga amanka Magaalada oo iyagu xilka Maamaulka magaalkada gacanta ku haya iyo Odayaal dhaqameedyada, kuwasoo wada jir ugu guntadey in la xaliyo rabshadihii dhexmarey Arbacadii labo beelood oo walaalo. dhinaca kale labada beelood ayaa isku afgartey in arinta si deg deg ah loo xaliyo si aysan tani oo kale u dhicin markale.

 

Shacabka Magaalada ayaa guud ahaanba isku raacsan in shilkii dhacey arbacada uu ahaa mid qalad ku dhacey xiligaana aan loo baahneyn in waxyaabahaan oo kale ka dhexdhacaan shacabka Magaalada.

 

Odayaasha beelaha magaalada ayaa dhamaantood u guntadey iney xaliyaan khilaafka kala dhexgaley qaar kamid ah beelaha Magaalada, waxeyna u muuqataa iney xal fiican ka gaareen.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Cusub ee Magaalada iyo Gudigiisa Amaanka ayaa dhinacood ku amrey ciidanka amaanka iney indhohooda furaan maalin iyo habeyn ba, Warar kale oo aad ugu dhow gudiga magalada ayaa noo xaqiijiyey in Ciidamo hor leh magaalada la keeney, ciidankaan wuxuu u badan yahey Ciidanka Dharcadka ah (PIS).

 

Shacabka Magaalada waxaa hada ka muuqda wajigooda in ay mar hore dareemeen shaqada ay qabteen Gudiga Maamulka magaalada ee cusub. Goobaha lagu qaxweeyo ayaa sheekada ugu badan ee lagu hayo waxaa kamid ah amaanka magaalada oo isbadal laga dareemey, Rabshadihii arbacada dhacey oo ahaa kuwo dhexmarey labo beelood oo magaalada dega ayaa ahaa kuwo aan qarsooneyn, balse waxaa horey shacabka magaalada khalkhal ku galiyey dhibaatooyinka dilka ee ay geysanayaan Dad aan lagaraneyn, waxeyna hada dareemayaan shacabku kalsooni buuxda oo ay ku qabaan Ciidanka iyo Maamulka Cusub.

 

Hadal heynta kale ee Suuqyada magaalada taaley maanta waxaa kamid ahaa, Goormuu imaanayaa Madaxweyne faroole Gaalkacyo,taasna waxey shacabku u arkaan in ay kalsoonida amaanka magaalada aad usii xoojineyso.

 

Dadka Qaar waxey aaminsaniyihiin in ay habooneyd inuu madaxweynuhu si deg dega Gaalkacyo u yimaado halka Qaar aaminsanyihiin ineysan jirin sabab uu u yimaado Madaxweynuhu mar haduu xaalada magaalada la socdo saacad walba meeshuu doono ha joogee.

 

Amarka ugu sareeya ee ay gaaryaan Gudiga amaanka Gaalkacyo oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka ee Cusb waxaa bixin kara Madaxweyne Cabdirahmaan Faroole, sida ku cadeyd Wareegtadii gudigaan lagusoo magacaabey.

 

Xasan Farax Jamac oo kamid ah shacabka magaalada ayaa yiri” Gaalkacyo waxey hada u muuqataa iney ku taagantahey wado wanaagsan dhinaca Amaanka guud ahaanba, hadii dhacdadii dhacdey arbacadii degdeg loo xaliyana, waxaa magaalada laga dareemi doonaa Amaan aad u sareeya,dhacdadaas ayaa hada hakad yar galisey,lakiin waxaan ku rajo waynahey in gudiga cusub uu qorshe wanaagsan la yimid magaalada, Shacabkana waxaa ka muuqda iney garab taaganyihiin”

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this