Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: The birth pangs of a new Mudug Somalia . ...

Recommended Posts

War Deg deg ah:Puntland oo bandow kusoo rogtay Magaalada Gaalkacyo.

27. april 2011

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Iyadoo ay weli gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kasii soconayaan falalka dilalka ah islamarkaasna xalay & Maanta gudaha magaalada lagu dilay sadex ruux oo kaladuwan ayna isla Gaalkacyo ka qarxeen dagaalo u dhexeeya qaarkamid qaabaa’ilada dega gobolka Mudug ayaa ay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed goordhaweyd ku dhawaaqday bandow deg deg ah.

 

Gudoomiyaha cusub ee gudiga Hormarinta & Amaanka gobolka mudug islamarkaasna maamulaya degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke ayaa goordhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay bandow soconaya Shanta Galabnimo ilaa Shanta Aroorinimo,isagoo sheegey in ay doonayaan Inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaalada magaalada.

 

Mr.Cuuke wuxuu sheegey inuu socdo shir culus oo u dhexeeya saraakiisha Amaanka,madaxda ciidamada,Wasiirada Puntland ee Gaalkacyo jooga & xubno kale kaas oo looga wadaxaajoonayo sidii si deg deg ah loo xalin lahaa xaalka Gaalkacyo oo maraya heerkii ugu hooseeyey tan & markii Puntland la aas aasay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka cusub ee gobolka Mudug iyo Gaalkacyo oo xilkii la wareegay; sugidda amniga oo ay siin doonaan mudnaanta koowaad.

Wed, 27 Apr 2011 12:29:14 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Galkacyo, April 267 - Xaflad xil-wareejin ah ayaa maanta lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Gaalkacyo taas oo ay xilalka kula kala wareegayeen, guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo noqonaya guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo magaalada Gaalkacyo iyo duqii hore ee Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud X. Xasan.

 

Xafladdaan xil la kala-wareegidda ah ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xubno wasiirro ah oo ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada caddaaladda, shaqada iyo shaqaalah, caafimaadka iyo sidoo kale taliyaha guud ee bilayska Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan qaybaha bulshada iyo maamulka.

 

Intaan la kala tirsan maalka iyo mas'uuliyadaha awoodeed ee degmada ayaa maamulkii hore ee degmada waxaa ay sharraxaad dheer ka bixiyey wax-qabadkoodii muddadii ay xilka hayeen iyagoo sheegay in ay ku tallaabsadeen hormar badan oo iskugu jira, xagga kobcinta dhaqaalaha, dhissidda hab-maamuleedka, dhawrista amniga, dhaqan-galinta sharciyo muddo dhul-yaal ahaa iyo dhaqaajin arrimo badan ee xagga hormarinta danaha bulshada ah.

 

Maamulkii hore ee degmada waxay tilmaameen in ay soo food-saareen caqbado badan oo dhinacyada bulshada iyo maamullada ka soo wajahay kuwaasi oo degmo ahaan ka miisaan-waynaa ayna maarayn waayeen iyadoo dawladda dhexe ku dhaliilay in ay ka gaabisay hawlihii looga fadhiyey gaar ahaan amniga magaalada Galkacyo.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke ayaa ku dheeraaday xil la-wareegid kaddib wax-qabadkiisa iyo qorshaha cusub ee uu doonayo in uu ka hirgaliyo gobolka, waxaana uu sheegay tallaabadiisa ugu horrayso in ay noqon-doonto sugidda amniga iyo nabad-galyada.

 

Guddoomiyyuhu wuxuu amar ku-bixiyey laga bilaabo maanta magaalada dhaxdeeda in aan wax hub ah lagu wadan-karin, ciddii lagu arko hubna tallaabo cad laga qaadi-doono, iyagoo taliska bilayska gobolka faray in ay gutaan waajibaadkooda sharcigana la tiigsadaan ciddii ka hortimaadda go'aamadii guddiga nabad-galyada gobolka oo mamnuuc ka dhigaya qaadashada iyo ka-ganacsida hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Munaasabaddaan maanta ka dhacday xarunta D/hoose ee ay xilalka kula kala wareegeen maamulkii hore ee degmada Galkacyo iyo midda cusub ee dhawaan loo soo magacaabay mas'uuliyadda heer gobol iyo mid degmo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka sii horraysay isla xaflad kale oo shalay galinkii danbe lagu qabtay xarunta maamulka gobolka taas oo iyana ay xilal kula kala wareegayeen maamulkaan iyo midkii hore ee gobolka.

 

Farxaan Jeemis Cabdulle,

Daljir Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudi Odayaal & Waxgarad ah oo Loo saaray Xalada Gobolka Mudug.

Posted by Ali on April 27th, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Kulan balaaran oo ay wadaqaateen Gudiga Nabadgalyada iyo Hormarinta Gobolka Mudug iyo Odayaasha,Waxagaradka oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Galkacyo ayaa lagu gorfeeyay dagaalkii maanta Galkacyo ka dhacay iyo sida lagu joojinkaro.

 

Madasha kulanka waxaa goobjoog ahaa wasiiro katirsan xukuumada Puntland iyo saraakiisha ciidamada waxaana dhamaantood ay odayaasha iyo nabadoonada ugu baaqeen in si deg deg ah xaalada u qaboojiyaan,

 

Kulanka kadib ayaa lasameeyay gudi kakooban Nabadoonada Gobolka Mudug kuwaa oo loogu talagalay in xaalada ay dhaxgalaan dhinacyada dagaalka dhaxmarana isfaham ka dhax abuuraan.

 

Odayaasha ayaa looga fadhiyaa in ay bilaabaan wadatashiyo u dhaxeeya labada dhinac iyo in ay ilgaara ku eegaan cida dhibaatada wada.

 

Dagaalkii ayaa hada joogsaday waxaana shacabka kamuuqda dhiifoonaan gaara waxaana magalada ka dhaqangalay bandaw mamulka ku soo rogeen magalada.

 

Mamulka cusub ee Gobolka Mudug ayaa ku dadaalayaa sidii ay Gobolka ugu soo dabaalilahay amaan iyo dagaansha waarta.

 

Puntlandi.com Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The delegation that brought the new governor to the city was led by the Justice Minister of Puntland who happens to be from Goldogob. This is an unfortunate incident but one that will again lead to the rapid change that is needed in the city of Galkacyu and the important region of Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The elders should play a role and mediate between the clans I think with the help of the new governor they can Find a way eventhough there are many obstacles and galkacyo is the biggest city of mudug it should get much attention from the Garowe admin in the longterm though.First they should appoint a top level group of politicians and elders from mudug to draw up a plan to unite the city of galkacyo under one admin. inshallah kheyr baan idin rajeynaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:(Allpuntland)-dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa canbaareysay dagaakii maanta qaarkamid ah beelaha wada dega magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,waxaana ay dawaldu sheegtay in dagaalkaasi uu ahaa mid ku qarxay si deg deg ah islamarkaasna uu yahay mid aanan loo baahnayn inuu sii socda iyadoo dhanka kalena dawladu sheegtay inay qeybteeda ka qaadanayso dejinta xaalada magaalada.

 

Wasiirka Cadaalada & dhaqancelinta ee dawlada Puntland islamarkaasna ah gudoomiyaha waftiga Wasiirada Puntland ee Gaalkacyo jooga Mr.Cabdikhaliif Xaaji Xassan (Ajaayo) ayaa canbaareeyey dagaalkii maanta,waxaana uu sheegey in dagaal bulshada dhexmaraya uusan wax faa'iido ah u lahayn shacabka,isagoo dhanka kalena ku celceliyey in dawladu ay ku baaqayso in shacabku ay isdejiyaan islamarkaasna ay u hogaansamaan awaamirta dawlada.

 

Mr.Ajaayo wuxuu sheegey in dawladu ay ku dadaalayso ka shaqeynta maslaxada Ummada,islamarkaasna ay maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayaan xilkawareejinta maamulkii hore ee gobolka & kan cusub,isagoo sheegey in gobolka Mudug uu yahay mid xasaasi ah islamarkaasna xuduud la leh koonfurta Soomaaliya oo imika holcaysa.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

ANWAR, Galmudug has nothing to do with it, nor even the main clans, this was a fight between militias out of clan anger. This will be settled insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XX, adeer the recent problems in Galkacyu have shown the need for a total overhaul of all the structures of government in the whole region. The old admin has gone and the new one will lead to drastic positive change.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo, April 27 - Guddiga amniga iyo nabad-galyada gobolka Mudug iyo maamulka cusub ee dhawaan gobolka iyo degmada loo soo magacaabay ayaa xaalad dag-dag ah ku soo rogay magaalada Gaalkacyo. Go'aankan ayaa yimid kadib maalin rabshado isu badalay dagaal khasaare badan gaystay ay magaalada ka dhaceen.

 

Guddiga ayaa shir-jaraa'id oo ay galabta qabteen waxaa ay ku shaaciyeen qodobbo dhawr ah oo amniga iyo nabad-galyada la xiriira, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen bandaw lagu soo rogay magaalada Galkacyo kaasi oo ka bilaabanya 5-ta makhribnimo soconayana illaa 5-ta aroornimo.

 

Go'aanadaan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa manuucid lagu soo rogay dhammaan noocyada kala duwan ee hubka, kaasi oo guddigu ku tilmaameen mid ay ku xakameeynayaan dilalka xadka ka baxay ee ka socda magaalada. Bandowga ayaa waxa uu gabi ahaanba mamnuucayaa isku socodka dadka iyo gaadiidka inta lagu jiro saacadaha bandowga.

 

Xaalad degganaansho ayaa laga dareemayaa haatan magaalada Galkacyo kaddib markii maanta xaafadda Garsoor uu dhacay ka iska-hor-imaad hubaysan oo gaystay khasaare dhimasho oo gaarsiisan illaa 4 ruux iyo dhaawaca 7 qof oo kale.

 

Iska-hor-imaadkaan oo ahaa mid xooggan ayaa u dhaxeeyey ciidamada amniga iyo koox hubaysan, kaddib markii la dilay nin caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guray kaasi oo rag dablay ahi ay ku toogteen agagaarka Cagaar-wayne ee xaafadda Garsoor.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in markii dilkaasi uu dhacay ay halkaasi gaareen dhallinyaro hubaysan oo ay ehel ahaayeen ninka dhintay ka hor intaan ciidamada amnigu halkaasi gaarin, intaa ka dibna waxaa si lama-filaan ah ku bilaabatay rasaas xooggan oo dhawaqeeda laga maqlayey dhammaan xaafadaha kale duwan ee magaalada.

 

Ma jirto cid ka tirsan dawladda iyo qaybaha bulshada oo si rasmi ah uga hadlay rabshadda amaba sababeeya waxa dhaliyey iska-hor-imaadka.

 

Xaaladda ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maraysa heerkii ugu xumaa tan iyo asaaskii dawladda Puntland. Dilal taxane ah oo magaalada ka dhacay iyo weeraro lagu qaaday qaar ka mida masaajidda magaalada ayuu madaxwaynaha Puntland Cabdiraxamaan Maxamed Faroole waxa uu dhammaanba kala diray maamulkii hore isaga oo magacaabay Guddoomiye gobol isla markaana ah duqa magaalada Gaalkacyo.

 

Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo isla maanta la wareegay xilkiisa ayaa waajibaadka laga sugayo waxa ka mida in uu sugo ammaanka magaalada isla markaana ka shaqeeyo isu soo dhawaynta bulshada reer Mudug. Dad badan ayaa u arka in ay yihiin waajibaad ay aad u adagtahay in la fuliyo.

 

Cabdifitaax C Geeddi

Daljir Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warsaxaafadeed uu xarunta Madextooyada ee magaalada Gaalkacyo ku

qabtay goor dhawayd Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayuu ku soo bandhigay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay magaalada Gaalkacyo.

 

Warsaxaafadeedkan oo ay ku saxiixanyihiin xubnaha Guddiga Amniga iyo

horumarinta gobalka Mudug ayaa qeexaya in magaalada lagu soo rogay

bandaw ka bilaabanaya 5:00 galabnimo soconayana ilaa 5:00 aroornimo

waxaana warsaxaafadeedkan lagu mamnuucay in shacabku hub ku dhex qaato gudaha magaalada Gaalkacyo.

 

Warsaxaafadeedkan galabta ka soo baxay guddiga amniga iyo horumarka

gobolka Mudug waxaa sidoo kale lagu mamnuucay in magaalada lagu dhex

wato gaadiidka muraayadaha dedan oo masuuliyiintu ay tilmaameen in uu

qayb weyn ka qaato amaan darrada magaalada iyo falalka qorshaysan.

 

warsaxaafadedkan wuxuu guddigu ku sheegay xaaladani deg dega ah in ay

socon doonto tan iyo in gacanta lagu dhigayo amniga guud ee gobalka

Mudug gaar ahaana magaalada gaalkacyo wuxuuna guddigu soo jeediyay ibn bulshadu ay u hogaansanaato awaamiirta ka soo baxaysa maamulka ee la xiriira xakamaynta amniga iyo horumarinta.

 

Soo rogidda Xaaladan deg dega ah ayaa ku soo aadaysa xilli Maanta ilaa

shalay uu guddigani xilalki kala wareegay Maamulka gobalka Mudug iyo

kan degmada Gaalkacyo.

The new man has already made some tough moves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab shuux ah oo saaka qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

 

Garowe, April 27 - Roobab qaboojiye ah laguna diirsaday ayaa saaka aroortii ka curtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo xilli ay abaarta ka taagan Puntland iyo meelo kale oo ka mida Soomaaliy ay marayaan heer khatar ah.

 

Shuux goos-goos ah ayaa qabtay magaalada Garoowe halka Gaalkacyana ay qabtay roob qaddar kooban socday. Magaalada Garoowe ayaa bari oo ay taariikhdu tahay 28 waxa la qorsheeynayaa in la oogo salaad roob-doon ah, taasoo alle looga baryayo in uu shubo raxmadda guga.

 

Sidoo kale degaanka Kalshaale ee gobolka Cayn ayaa lagu soo waramayaa in uu roobku qabtay. Shalayna degmada Qandala iyo buuraha ku hareeraysan ayaa waxa ka da'ay roobab lagu diirsaday, si waynna ay ugu farxeen dadka degaankaas oo aad ula ildarnaa saamaynta kulul ee abaaraha.

 

Saamaynta abaaraha ka taagan Puntland ayaa maraya heer khatar ah, taasoo ay hadda meelo kala duwan oon, gaajo iyo xanuun ugu dhinteen dad u badan caruur.

 

Roobabka gu'ga ayaa mar horeba ka curtay degaanno badan oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

 

Diiwaanka wararka,

Daljir,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this