Sign in to follow this  
Saalax

Breaking News: Goldogob SSDF groups clash in Galckayo ( Dagaal Beeleed)

Recommended Posts

Saalax   

The news is just being posted.

 

 

Maxamed Cali Madhoodhe oo ku baaqay in Colaadda iyo Dagaalka Gaalkacyo si dhaqso ah loo joojiyo

 

 

Mudane Maxamed Cali Madhoodhe

RBC Radio : Mudane Maxamed Cali Madhoodhe oo degan Dalka jarmalka kana mid ah waxgaradka iyo Hogaamiyayaasha Qurbo-joogta reer Puntland ee Qaaradda Yurub ayaa ku baaqey in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo Colaadda iyo Dagaalka maanta ka bilowdey magaaladda madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, mar uu la soo xiriirey xarunta RBC, Radio.

Mudane Maxamed Cali madhoodhe wuxuu ugu baaqey labada beelood ee uu dagaalku ka dhaxeeyo inay ALLE u noqdaan oo dhiiga daadanayana la joogiyo isagoo yiri dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Qadarka Rabi lama celin karo balse ma waxaa Dalkii iyo Dadkiiba ka dhamaadey kuwii ALLE Yaqiin , kuwii Isimadda iyo Odayaasha ahaa, kuwii wax-garadka iyo Aqoonyahanka ahaa, ayuu sii raaciyey hadalkiisii.

Mudanuhu wuxuu Cambaareyn iyo dhaliilba u jeediyey Maamulka Puntland ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Cabdirahmaan Faroole iyo Golihiisa Wasiiraddaba siddii Gaabiska iyo caga-jiidka ahayd ee ay arrimahan ka dhacayey waayahan dambe gobolka Mudug ku waajahayeen, ayadoo xaaladda Amniga magaaladdu gaarey in meel walba ( Bartamaha Magaalada, Goobaha ganacsiga, guryaha ..) iyo goob walba oo barakeysan( Masaajidyada , Dugsiyada) aan loo ixtiraam yeelin laguna laayo cid walba (Oday, Wadaad, Aqoonyahan…..iwm) ayna muddo bil ku dhow socotey waxa laga qabteyna ay yareyd ama aysan jirin , ilaa ay maanta mareyso laba Beelood oo walaalo ah meelna wadda dega maalin cad ama barqo ah is weerareen.

Wuxuuna mudane Madhoodho u direy fariin shacabka labada Beelood taasoo ahayd ” Balaayo(dhibaato) ka hortag mooyee dabo la qabasho ma lahan, walaalayaalow dhibaato intii maanta dhimatey ku joojiya ILLAAHEYNA ka baqa dembi dhaafna weydiista isaga ayaa naxariis badane ahe, waxa aad gacmaha kula jirtaana waa dariiqii Naarta idinku ridi lahaa “.

Wuxuuna halkan baaq ugu gudbinayaa sidoo kale Isimmadda ,Waxgaradka,Culimmadda, Aqoonyahanka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshoweynta reer Puntlandba Inay ka qayb qaataan una sare kacaan deminta iyo ka hortaga colaad ku sii fidda magaaladda gaalkacyo iyo Deegaamada ku hareeraysan.

Haddii aan Colaadaan iyo Dagaalkaan sida ugu dhaqso badan loo joojin waxa dhici karta inay talo faraha ka baxdo oo ayna ka faa´iidaysan doonaan kuwa neceb jiritaanka iyo horumarka reer Puntland.

ALLE Towbadda iyo Wadada toosan ha idin waafajiyo AAMIIN,AAMIIN;AAMIIN…………………..!

Maxamed Cali Madhoodhe

Karlsruhe, Germany

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal galabta Gaalkacyo ka dhacay iyo khasaare dagaalka ka dhashay

 

Arbaco, Abriil 27, 2011 (HOL) –Dagaal khasaare baahsan gaystay ayaa galabta ka qarxay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ,kaasi oo u dhaxeeya labo ka mid ah beelo halkaasi wada dega oo Puntland ka soo jeeda.

 

Waxaa uu bilowday dagaalkan kaddib markii maanta mid kamid ah xaafadaha Gaalkacyo lagu toogtay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guray,kaasi oo si wayn looga yaqaanay gobolka Mudug.

 

Khasaaraha dagaalka Gaalkacyo ayaa aad u sii kordhay saacidihii la soo dhaafay ,waxaana la sheegay in tirada dhimashada ay tahay labo ruux halka dhaawac uu ka badan yahay lix ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee Gaalkacyo.

 

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay kala dhexgaleen labada dhinac ee dagaalka uu dhexmaray, waxaana la sheegay in ciidamada ay taageereen garab kamid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

 

Maamulka cusub ee gobolka Mudug ayaa bandow ku soo rogay degmada,waxaana bandowgaasi uu ka bilaabanayaa maanta wixii ka danbeeya laga bilaabo shanta Galabnimo ilaa iyo shanta Aroornimo ee salaada subax kadib.

 

Waxaa bandowgaasi saxaafadda ka sheegay guduumiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamuud C/raxmaan Cuuke ,kaasi oo dhawaan la soo magacaabay.

 

Mar aan la xiriirnay maamulka gobolkaasi ayaysan inoo suurtagalin,iyadoo ciidamada amniga ee Puntland caawa lagu arkayay qaar kamid ah xaafadaha degmada ,iyaga oo qabanaya cidiid ay ka shakiyaan.

 

Qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ee magaalada ayaa qadarkii dagaalka uu socday hawada ka maqnaa ,iyadoo suurtagal tahay in khasaaraha dagaalka ee labada dhinac ay sii kororoto.

 

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa caadi ku soo laabtay salaaddi cisho ka dib ,waxaana la dareemayaa daganaansho aan cago badan ku taagneen,iyadoo Shacabka degmadaasina ay qabaan cabsi la xiriirta in dagaalka uu mar kale dib uga qarxo halkaasi ,kaasi oo salka ku hayo arimo qabiil.

 

 

 

http://www.hiiraan.com/news/2011/Apr/wararka_maanta27-13362.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Ciidamo Ka Tagay Magaalada Goldogob Oo Caawa Gaaray Magaalada Gaalkacyo Iyo Baqdinta Shacabka Ku Dhaqan Galkacyo Oo Sii Xogaysatay.

 

Gaalkacyo(Allssc): Waxaa Magalad Gaalkacyo ee Gobalka Mudug habeenimadii caawa soo garay Ciidamo aad u tiro badan oo Kasoo boqoolay deegaanka Galadogob. Cidamadan oo ilaa hada cadadkood aan la qiyaasin ayaa waxa ay ku hubaysan yihiin hubka nocayadis kala dawaan.

Ciidankan ayaa wax ay dadka kunool Magaalada Gaalkacyo sii galisay cabsi lixaad leh si kastaba ha ahaatee waxa laga cabdi qaba subax nimad barito inuu dagaal ka qarxo Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ilaa hada waxaan muuqan wax waan waan nabadeed oo laga dhex wada dhinacyadii maanta ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo madama uu dagaalku istaagay ku dhowaad fiidnimadii caawa.

Kalasoco Codka Shacabka SSC wixii kasoo kordha xaalada Magaalada Gaalkacyo

Cismaan Qandala Allssc Garoowe Soomaaliya.

 

 

http://allssc.com/?p=9428

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Saalax, warkan aad soo dhajineyso marba ma wariyenimo umbey kaa tahay mise dhibaatada gaalkacayo ka socoto baad ku yara faraxsan tahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Just reporting the latest updates on the situation from varied websites as you can see. Nothing personal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Culimaa’udiinka Gobolka Mudug Oo Cambaareeyay Dagaalkii Gaalkacyo Ka Dhacay Shalay

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Culimaa’udiinka gobolka Mudug ayaa cambaareeyay dagaalkii shalay ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xaafada Garsoor, halkaasi oo ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed.

Culimada ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay cid alaale iyo ciddii sabab u ahayd in dagaalkaasi uu dhaco, waxayna shacabka u sheegeen khatarta ka dhalan karta dhiig qof Muslim ah oo si xaaraam ah loo daadiyo.

Waxay Culimadu ka tacsiyeeyeen dadkii ku geeriyooday dagaalkii shalay dhacay, waxayna intaa ku dareen in Alle uu caafiyo inta dhaawaca ama dhibaatadu ka soo gaartey dagaalkaasi, iyagoo shacabkana ugu baaqay in ay nabada iyo xasiloonida ka shaqeeyaan.

Guud ahaan Culimada gobolka Mudug ayaa si isku mid ah waxay u cambaareeyeen dagaalkii shalay, waxayna ku tilmaameen fal xun oo shacabka dhibaato ku ahaa, iyagoo shacabka ugu baaqey in ay ka digtoonaadaan fitno aan ku ekaaneyn qofkii sameeyay.

Ugu dambeyn Culimadu waxay codsadeen in la taageero nabada lana xoojiyo xasiloonida islamarkaana la dhowro Diinta Islaamka iyo derisnimada maadaama qof Muslim ah dhiigiisa aysan Diintu baneyn in si xaq darro ah lagu daadiyo.

Hadalka Culimada ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ay socdaan baaqyo nabadeed iyo wadahadalo ka soconaya magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo muujinaya sida looga xun yahay dagaalkii shalay dhexmaray maleeshiyaadka laba beelood oo wada degan Gaalkacyo.

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;715256 wrote:
Saalax, warkan aad soo dhajineyso marba ma wariyenimo umbey kaa tahay mise dhibaatada gaalkacayo ka socoto baad ku yara faraxsan tahay?

Silly question .............. Waar the title of the thread should tell you everything :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

The Zack;715256 wrote:
Saalax, warkan aad soo dhajineyso marba ma wariyenimo umbey kaa tahay mise dhibaatada gaalkacayo ka socoto baad ku yara faraxsan tahay?

He definitely gets happy! You can just tell, because when NW Somalia has internal problems, and make ridiculous cover-up stories like the former finance ministers house being attacked was over a money debt between one of his guards and a cousin, or another attack was a gun that went off accidently, or my all-time favorite the mad man did it!

 

Basically you wont see Salaax and co investigating the truth behind these ridiculous cover-ups, just gets swept under the rug. They thrive over negative news from other parts! But then ignore facts like Faroole travelling yesterday to Qardho covered more distance then Siilaanyo travelled ever in his enclave!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Ciidamada Booliska Oo Howlgalo Dhinaca Amaanka Ah Ka Fuliyey Gaalkacyo

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidamada Booliska gobolka Mudug ayaa fiidnimadii xalay howlgalo dhinaca amaanka waxaa ay ka fuliyeen xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wadooyinka waaweyn ee ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadweynaha ayaa lagu arkayey xalay fiidkii baro kaantaroolo oo ay soo dhigteen ciidamada amaanka gobolka Mudug, kuwaasi oo doonayey in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Ciidamada howlgalkoodii xalay oo socday ilaa iyo saqdii dhexe ee xalay ayaa waxay sameynayeen baaritaano lagu sameynayo gaadiidka iyo dadka saaraan, waxaana lagu baarayey baro kaantarool oo ay ciidamadu ugu talo galeen in lagula socdo dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka iyo falalka amaan darro ee magaalada ka dhacayey mudooyinkan dambe.

Waxay sidoo kale ciidamda iyagoo lugeynaya ay dhexmarayeen ama lagu arkayey xaafadaha magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo baadigoob ugu jiray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha burcada ah ee falalka amaan darro ka geysta gudaha magaalada Gaalkacyo xilliyada habeenkii ah.

Howlgalkani ayaa waxaa soo dhoweeyay dadweynaha magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegeen qaar ka mid ah dadweynaha in loo baahan yahay in howlgalada ceynkani ah oo mudooyinkan aan la sameyn in lasii laba jibaaro oo la xoojiyo tayada ciidamada howlgalkan sameynaya.

Ciidamada howlgalkooda ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Gaalkacyo habeenkii labaad uu saaran yahay bandow ka bilaabanaya maqribka kuna salaada subax ka hor, waxaana dadweynuhu ay soo dhoweeyeen talaabo kasta oo amaanka Gaalkacyo lagu sugayo.

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this