Sign in to follow this  
Saalax

Breaking News: Goldogob SSDF groups clash in Galckayo ( Dagaal Beeleed)

Recommended Posts

Saalax   

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dagaal u dhexeeyo beelo walaalo ah oo wada dega magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa duhurnimadii maanta ka qarxay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo,waxaana uu dagaalkani yimid kadib markii saaka waaberigii koox hubaysani ay duleedka magaalada ku dileen nin culimo ah.

 

Kadib dilka wadaadkan ayaa duhurnimadii maanta isla gaalkacyo lagu dilay nin kale oo lala xiriiranayo nin ganacsade ah oo kasoo jeeda midkamid ah beelaha gobolka Mudug,waxaana dilka ninkan kadib magaalada si rasmi ah uga bilowday dagaal u dhexeeyo labo kamid ah qaabaa’ilada ugu waaweyn ee dega magaalada Gaalkacyo & guud ahaanba gobolka Mudug.

 

Inta la ogyahay in kabana 7-Ruux ayaa ku dhimatay dagaalka,waxaana jira dhaawacyo intaas kabadan oo la geeyey isbitaalada Koonfurta Gaalkacyo & kuwa Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana jira waanwaan ay Puntland ku dhawaaqday oo aanan weli hirgelin,dagaalkanse waa kii ugu balaarnaa ee mudo sanado ah dhexmara Qabaa’ilada kala dega Koonfur Galbeed Magaalada & Bariga magaalada Gaalkacyo.

 

Wixii kasoo kordha dagaalkan APL kalasoco.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Hadday run tahay Rabbi ha kala qaboojiyo beelaha deriska ah. Koleyba wax Saalax soo weriyey hubin waa u baahan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

GAALKACYO : Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray laba beelood

 

April 27, 2011 3:17 pm GMT-

Gaalkacyo:-Dagaal ayaa maanta dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo wada magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, waxaana la sheegay in uu dagaalku ka bilowmay kadib smarkii saaka la dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Cumar Guray dabadeena waxaa la sheegay in la weeraray dad lagu tuhmay dilka marxuuumka geeriyooday halkaasna uu dagaalku ka bilowmay.

 

Dagaalka, waxaa la sheegay in uu maanta galinkii dambe sii xoogaystay oo uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba uu dhaliyay walina magaalada laga maqlayo rasaas dhacaysa, waxaana la sheegay in haatan Ciidanka Puntland ay isku dayayaan in ay xakameeyaan dagaalka labadan beelood, waxaana labada beelood la dhex-dhigay ciidan aad u badan oo doonaya in colaada la joojiyo.

 

Dagaalka maanta ayaa wuxuu ku soo beegmay xili xaalad xasaasi ah ay ka jirto gobolka Mudug oo maamulka cusub ee dhawaan la magacaabay uu soo saaray awaamiir dhanka ammaanka ah oo ay ka mid tahay in aan wax hub ah lagu dhexwadan-karin gudaha magaalada iyo in laga bilaabo maqribkii illaa salaada subax ay magaalada bandow tahay oo aan la ogalayn isku socodka dadka iyo gaadiidkaba.

 

Isbadalka iyo maamulka cusub ee loo sameeyay gobolka Mudug ayaa waxa uu ifafaalo loo arkayay in uu wax badan ka qaban doono xaalada ammaan ee gobolka Mudug, waxaana la filayay in la dareemo isbadal ballaaran, hase ahaatee, dagaalkan labada beelood ayaa noqday mid aan la filayn oo haddii uus ii socdo uu ragaad ku samayn doono hanka wayn ee laga qabo maamulka cusub ee gobolka.

 

Lama sadaalin-karo sida ay xaal noqon doonto, maxaa yeelay magaalada Gaalkacayo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa lagu laayay dad aad u badan oo isugujira Masuuliyiin, Aqoonyahan iyo Waxgarad, waxaana la weeraray Masaajido, waxaana si wayn looga hadalhayay cidda ka dambaysa dilalka qorshaysay ee dhaca ee aan cidna loo qaban.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cali Nuur oo ku sugan Gaalkacyo ayaa isagu waxa uu dhawaan bixiyay ifafaalo muujinaya in ay hayaan amaba ay ka warheleen cidda ka dambaysa dilalka gaar ahaan dilakii ugu dambeeyay, laakiin wali mar jirto cid Maxkamad loo soo saaray dilalka kala duwan ee Gaalkacyo ka dhacay.

 

 

http://www.puntlandpost.com/gaalkacyo-dagaal-sababay-dhimasho-iyo-dhaawac-oo-dhexmaray-laba-beelood/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gaalkacyo

 

Gaalkacyo

Dagaal beeleed maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay toban qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo ka dhacay xaafadda Garsoor ee dhanka waqooyi ee magaalada ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo aano qabiil.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in magaalada lagu soo rogay bandow soconaya 6da maqribnimo illaa iyo 6da subaxnimo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in rasaastii la is-weydaarasanayay ay gaartay goobo ka baxsan halkii lagu dagallaamayay, ayna waxyeelleysay dad rayid ah.

Gacan ka hadalka magaalada Gaalkacyo ka dhacay maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddooyinkii u dambeeyay falal ka dhan ah ammaanka oo ay ku jiraan dilal qorshaysan ay ka dhacayeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale, dagaalkan wuxuu ku soo beegmayaa todobaad ka hor markii maamulkii hore ee gobolka Mudug la kala diray, islamarkaana la sameeyay maamul cusub oo howshiisa lagu sheegay wax ka qabashada amniga faraha ka sii baxaya ee gobolka, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

 

 

http://www.bar-kulan.com/2011/04/27/10-qof-oo-ku-dhintay-dagaal-ka-dhacay-gaalkacyo/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Deg Deg: Dagaal Ka Bilowday Bartmaha Magaalada Gaalkacyo

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Dagaal ayaa haatan ka bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib nin ganacsade ah oo lagu dilay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa wuxuu ka soconayaa xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in dagaalku u dhaxeeyo maleeshiyaadka laba beelood oo wada degan magaalada, waxaana dagaalku ka bilowday kadib markii Maxamed Cilmi Gurey oo ka tirsanaa Ganacsatada gobolka lagu toogtay xaafada Garsoor.

Ilaa iyo iminka dadka geeriyoodey waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo laba ruux, waxaana dhaawac uu soo gaarey afar ruux oo kale kuwaasi oo la keenay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa kacsan waxaana xiran dhamaan goobihii ganacsiga, waxaana guud ahaan magaalada laga maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isu adeegsanayaan labada dhinac.

Wixii warar ah oo soo kordha kala soco wararkeena dambe.

RBC Radio.

 

 

 

http://www.raxanreeb.com/?p=93885

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Magaalada Gaalkacyo

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa haatan shir deg deg ah oo ku qabtey Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhawaaqay in magaalada Gaalkacyo lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

Gudoomiyaha ayaa soo saarey warsaxaafadeed ay ku sixiixan yihiin xubnaha mas’uuliyiinta Guddiga Amniga iyo Horumarinta gobolka Mudug, warsaxaafadeedkaasi oo qeexaya in magaalada Gaalkacyo lagu soo rogay xaalad deg deg ah.

Xaalada deg dega ah ee magaalada lagu soo rogay ayaa waxay tahay bandow ka bilaabanaya 5:00 Galabnimo kaasi oo soconaya ilaa iyo 5:00 Aroornimo salaada subax kadib, waxaana guud ahaan magaalada laga mamnuucay in shacabku hub ku dhex qaato iyo in magaalada lagu dhex wato gaadiidka bacaha madow ku dhegan yihiin.

Amarkan xaalada deg dega ah loogu soo rogay magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in uu soconaya tan iyo inta magaalada Gaalkacyo amaankeeda gacanta lagu soo celinayo.

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf i am not sure about that. But it has something to do with the mosque killings in the past week.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Dagaal Beeleed Khasaare Gaystay oo Maanta ilaa Galabta Gaalkacyo Ka Dhacay

 

War Deg Deg ah/Dhacdooyinka

Gaalkacyo (DHM Radio):- Dagaal lagu tilmaamay mid beeleed hase yeeshee war sugan uusan kasoo bixin ayaa maanta duhurnimadii ilaa galabta wakhti gaaban ka dhacaayey bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkaan oo ah mid beeleed ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu qarxay kadib markii nin ganacsade ah lagu tilay magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo ahaa mid ka dhacaayey xaafadda Garsoor iyo aga gaarkeeda ayaa ala’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dagaalka ayaa ahaa mid saamayn ku yeeshay xaaladda guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana gebi ahaanba hakad galay dhaq dhaqaada ganacsiga iyo kan gaadiidka ee magaalada.

 

Ciidamada Puntland ee gobolka Mudug kusugan sida kuwa Daraawiishta Booliska iyo Asluubta ayaa kala dhexgalay malayshiyaadka dagaalamay.

 

 

Warar sugan kama soo bixin ilaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ilaa galabta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa hadda u muuqda mid soo yara qaboobay, wuxuuna kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ka jireen falal ammaan darro.

Marwalba iyo Waqti Walba Dhacdooyinka.com ka Aqriso Wararkii ugu Danbeeyay ee Soomaaliya si Aad Ula Socoto Xaaladda Soomaaliya.

 

Xafiiska Dhacdooyinka Bossaso

 

 

http://dhacdooyinka.com/2011/04/27/dagaal-beeleed-khasaare-gaystay-oo-maanta-ilaa-galabta-gaalkacyo-ka-dhacay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

(Hadhwanaagnews) Wednesday, April 27, 2011

Gaalkacyo(HWN)Maleeshiyaad hubeysan ayaa goor dhow waxa uu iska horimaad ku dhex maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo

 

Gaalkacyo(HWN)Maleeshiyaad hubeysan ayaa goor dhow waxa uu iska horimaad ku dhex maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo

 

 

 

Iska horimaadkaas ayaa bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay dil u geysteen wiil dhalinyaro ah, kaasoo ay dilkiisa jawaab ka bixiyeen kooxo kale oo dilkaas ka carooday.

 

 

 

Kooxihii dilka geystay oo la sheegay in ay gabaad ka dhigteen warshad Galleyda lagu shiido ayaa waxay wararku sheegayaan in iska horimaadkaa ay ku biireen ciidamada Puntland oo taageero siinaya kooxdii wax dishay, iyadoo aan la ogeyn sababta ay dagaalka ugu biireen ciidamada Puntland.

 

 

 

Weli lama ogaan qasaaraha ka dhashay iska horimaadka, waxaana la sheegay in rasaasta ay dhinacyadaasi isweydaarsadeen ay dad rayid ah wax ku noqdeen.

 

 

 

Iska hor imaadkan ayaa imaanaya xilli maanta Maamulka magaalada Gaalkacayo ee Puntland ay amar ka soo saareen dadka hubka sharcidarrada ku dhex wata gudaha magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Maxamuud C/raxmaan Cowke ayaa sheegay in amar lagu bixiyay in gudaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Woqooyi aan lagu arki karin qof wata hub sharci darro ah, wuxuuna ku goodiyey in qofkii hub wata tallaabo sharci ah laga qaadayo.

 

 

Duleedka waqooyiga magaalada Galkacyo ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka jira dilal qorsheysan, waxaana xalay lagu dilay magaaladaas labo qof oo mid ka mid ahi yahay Itoobiyaan, midka kalena nin Sheekh ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim oo ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool, kaasoo rag hubeysan ay xalay kaxeysteen, kadibna ay dileen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Gaalkacyo: Dagaalkii Oo Joogsadey & Ciidamo Puntland Ah Oo Kala Dhexgalay Dhinacyadii Diriray

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Dagaalkii maanta duhurkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo ayaa joogsadey kadib markii ciidamada Booliska Puntland ay kala dhexgaleen labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamayey xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa socday saacado kooban, waxaana uu reebay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana dhimatay ku dhowaad shan ruux halka uu dhaawac soo gaaray dad lagu qiyaasay toban ruux.

Labada dhinac ee dagaalamayey ayaa ah maleeshiyaad ka soo kala jeeda qaar ka mid ah beelaha degan Gaalkacyo, waxaana gebi ahaanba ciidamada amniga Puntland ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan labada maleeshiyo ee dagaalamayey.

Dagaalka saameyntiisa ayaa laga wada dareemay dhamaan qeybaha magaalada Gaalkacyo, waxaana jira raadad cabsi galiyey dadweynaha oo uu reebay dagaalka maanta duhurkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo.

Labada maleeshiyo beeleed dagaalka dhexmaray ayaa ka dambeeyay kadib markii nin ganacsade ah lagu dilay gurigiisa oo ku yaalay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo labada maleeshiyo iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan lagu dhex dhexaadinayo.

Dagaalka maanta dhacay kadib waxaa maamulka cusub ee gobolka Mudug uu magaalada ku soo rogay bandow, waxaana bandowgaasi uu ka bilaabanayey fiidnimada caawa ah, iyadoo sidoo kalena la mamnuucay in hubka magaalada lagu dhex qaato.

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Violent clashes and revenge killings in Galkayo are reported

 

27 Feb 2011 Galkayo (Mareeg ) Armed Clashes have started in Northern parts of Galkacyo which is controlled by the semi autonomous region of Puntland. The attack is reportedly lunched by local gunmen angered by the killing of young man by another militia men based in the same city.

 

According to local sources, the fighting is taking place at the so called Warshada Galayda “maize Factory” which said to be the place where the assailants sought refuge; the most recent reports are indicating that Puntland soldiers have joined the fighting siding with the militia who killed the young man.

 

 

“There is no information yet about the casualties, as the fighting continues between the rival militia. The sounds of gun shots can be heard in the city and the shops have been quickly closed” says our correspondent in Galkacyo.

 

This clash comes at a time when recently there was a mysterious unsolved assassination of important figures in Galkayo .Last night the body of well known Islamic Cleric from Bay and Bakool regions of South Central Somalia by the name “Shiekh Ibrahim” was recovered by local Galkayo residents, Sheikh Ibrahim was taken by unknown armed men and later found dead.

 

Also, in a relevant incident, another Islamic cleric who hails from the Oromo Ethnicity of Ethiopia was killed last night by unknown assailants, according to local residents ,the killed Oromo sheikh lived in Galkayo for the past twenty years and enjoyed a good relations with the local community.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Xaasidnimo iyo nacab sidatan ah wallee idinkaa u aayi doona. Dhibka umad kale haddaad ku farxaysaan hoostiinaad ka helaysaane ogsoonaada.

 

Dirirta Allaha qaboojiyo. Beelaaha Allaha nabdaadiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this