Saalax Posted April 26, 2011 Telesom Oo Deeq Computero iyo mishiin dabdhaliye ah ku wareejisay Jaamacada Tima Cade (Hadhwanaagnews) Tuesday, April 26, 2011 Gabiley(HWN)-Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa maanta qalab deeq ah oo ka koobanaa 10-computer iyo hal mashiin dab dhaliye ah oo 20-KV ah ku wareejisay Jaamacada Gobolka Gabiley ee Tima-Cadde University. Gabiley(HWN)-Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa maanta qalab deeq ah oo ka koobanaa 10-computer iyo hal mashiin dab dhaliye ah oo 20-KV ah ku wareejisay Jaamacada Gobolka Gabiley ee Tima-Cadde University. Munaasibadani ay shirkada Telesom qalabka ku wareejinaysay oo lagu qabtay Hoolka Jaamacada Tima-cadde ee magaalada Gabiley ayaa waxaa ka soo qayb galay badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) masuuliyiin ka socday shirkada Telefoonada ee Telesom oo uu ka mid ahaa Madaxa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Maxamed ***** Cilmi,Madaxa shirkada Telesom ee Gobolka Gabiley sheekh Maxamed Muumin Aadan, maamulka iyo macalimiinta jaamacadaasi iyo sidoo kale Culimada,cuqaasha iyo aqoonyahanada Gobolkaasi Gabiley iyo marti sharaf kale. Gudoomiyaha Jaamacada Timacadde Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan oo halkaasi ka hadlay ayaa kaga gudoomay deeqda waxbarasho ee shirkada Telesom ugu deeqday d Timacadde, waxaanu ka warramay baahida ay u qabeen qalabkaasi loogu deeqay isagoo sheegay inay baahida jaamacada qayb wayn ka *****li doono. Dr. Cismaan waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku amaanay sida hagar la,aanta ah ee ay uga qayb qaataan horumarka waddanka, isagoo wakiil ka ah maamulka, macalimiinta, iyo ardayda jaamacadaasi waxaa uu halkaasi ka balan qaaday inay qalabkaasi uga faa,idayn doonaan sidii loogu talo galay. Cismaan Awyuusuf Magan sharaxayay Qalabka ay shirkadu ugu deeqday Jaamacada ayaa waxa uu yidhi "waa qalabkaasi deegda ah ee ay shirkada Telesom ugu deeqday Jaamacada Tima-cadde,deeqdaasi waxay ka kooban tahay 10-computer iyo hal mishiin laydh ah,shirkada Telesom waa shirkadii ugu horaysay ee noogu deeqda qalab wax barasho ,waxaana hubaal ah in ay baahida jaamacada qayb wayn ka *****li doonaan qalabkaasi,waxaan aamin sanahay in ay shirkada Telesom hor u mar balaadhan ka gaadhay dhinaca isgaadhsiinta,waxaa kale oo aynu ognahay in ay shirkada Telesom ay markasta mashaariicda hor u marinta ee wadanka si hagar la´aan ah uga qayb qaadato,mar ka hore Ilaahay baa mahad leh marka labaadna iyagaa mahad leh,aniga oo ku hadlaya magaca maamulka,ka macalimiinta iyo ardayda jaamacada Tima-cadde waxaanu ku balan qaadaynaa in aanu qalabkaasi wax barasho ee ay shirkada Telesom noogu deeqday in aanu sida ugu haboon uga faa´iidaysano Haddii Alle yidhaahdo,mar labaad iyo mar saddexaadba waanu u mahadnaynaa shirkada Telesom waxaanu leenahay Illaahay ha idinka jasaa;i siiyo hawshana halkaa ka sii wada" ayuu yidhi dr magan. Madaxa suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan shirkada Telesom Maxamed ***** Cilmi ayaa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay maanta ku wareejinayaan jaamacada Timacade mishiin kuwa laydhka shida ah oo Toban KVA ah iyo toban kombuyuutar. Maxamed ***** Waxaa kale oo uu ka waramay taariikhdii shirkada Telesom iyo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin inay ka qayb qaataan barnaamijyada arimaha bulshada, isagoo odayaasha reer Gabileyna ku amaanay kaalintii ay kasoo qaateen wakhtigii la aasaasayay una sheegay inay reer Gabiley ka mid yihiin dadka hantiilayaasha shirkada ugu badan. Maxamed ***** waxaa kale oo uu sheegay inay shirkad ahaan ka go,an tahay inay wixii ay ka heleen diyaar u yihiin inay qayb kusoo celiyaan, markasta iyo goostana ay sii xoojinayaan adeegyada cusub ee bulshada reer Somaliland u sahlaya nolol maalmeedkooda. Madaxa suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan shirkada Telesom Maxamed ***** Cilmi waxaa ka mid ahaa hadalladiisa "runtii anaga waxaa farxad aad iyo aad u wayn noo ah,goobtii ugu mudnayd dalka oo aanu maanta jaamacada ku guddonsiinay 10-computer iyo mishiin wayn oo ah 20KVA ah,shirkada Telesom iyo Gobolka Gabiley way isku badhaadheen sidaa uu sheekh Ciise sheegay,anaguna shirkad ahaan reer gabiley waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn wakhtigii ay shirkadu soo degaysay iyo ilaa maanta aynu shaqada wada hayno,anagu dhinacayaga waxaanu hidinka sheegaynaynaa waa mahad". Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "marka laga tago adeega ay shirkadu qabato waxaa jira shaqaaale ka soo jeeda gobolka oo aan ku qiyaasi karo ilaa 30 qof ama ka badan ayaa waxay ka shaqeeyaan Gobolkan,waxaan doonayay maanta mar haddii ay halkan joogaan odayaashii reer gabiley,marar badan waxaad idaacadaha ka maqasheen shirkada telesom runtii dadka gobolkani waxaa ka soo jeeda ama uu ka mid yahay kuwa ugu badan ee leh shirkada Telesom,dad gabiley ka maal gashaday,dad wajaale ka maal gashaday iyo kuwo badan oo Hargaysa ka maal gashaday. runtii weliba waxaan ogahay qaar ka mid ah ganacsatada ugu waa wayn ee ka soo jeeda gobolkani shirkadan qayb ayay ka yihiin oo dadka hantiileyaasha ah ayay ka mid yihiin,marar badan ayaa waxaad maqashaan cid akle ayaa leh waxba kama jiraan,runtii manfaca ay shirkadani Somaliland u leedahay wuu badan yahay,waxaa si toos ah uga shaqeeya ilaa 9000.qof,waxaa kale oo ay shirkadani hor mood ka ahayd xaga isgaadhsiinta iyada oo aynu go´doon ku jirno ayay telesom dalka timid,waxaan doonayay in aan odayaasha halkan uga sheego xaga shaqaalaha marka la eego in aad tihiin dadka hantiileyaasha ah,boqol qof ku dhaw-dhaw oo dadka reer gabiley ah ayaa daadka shirkadan leh ak mid ah". Ayuu yidhi. Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Case oo munaasibadaasi hadal kasoo jeediyay ayaa ugu horayn si aada ugu mahad naqay shirkada isgaadhsiinta Telesom kaalmada fiican ee markasta ka gaystaan guud ahaan gobolada dalka Somaliland gaar ahaana dib u dhista iyo horumarinta gobolka Gabiley.Badhasaab ku xigeenku waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku amaanay inay caan ku tahay kusoo celinta shacabka ay ka ganacsadaan oo ay inta badan kala qayb qaataan dib u dhiska dhinacya a kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in barnaamij kastana laga dhex arko shirkadaasi oo ka qayb qaadanaysa. Badhasaab ku xigeenku waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku sheegay inay tahay shirkada ugu wanaagsan dhinaca shaqaalaysiinta shaqaalaha sidoo kalena ugu shaqaalaha badan dalka oo dhan , isagoo sheegay in shirkadani hore ugasoo qayb qaadatay horumarka gobolka Gabiley, shirkadaha kale ee wadanka ka ganacsadana waxaa uu ugu baaqay inay sidaasi Telesom oo kale wax kusoo Celiyaan. Jiif Caaqil Cabdi Ciidle Amaan iyo Caaqil Aw Ciise Gacanloo ayaa iyaguna labadooduba ka waramay kaalinta shirkada isgaadhsiina Telesom ku leedahay gobolka Gabiley iyagoo uga mahad celiyay deeqda ay maanta jaamacada ugu deeqeen iyagoo sheegay inaanay odayaashu bixin kareen hadii aanay maanta jirin shirkada Telesom. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews/Office Hargeysa/Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 27, 2011 http://www.togaherer.com/2011/04/27/shirkadda-telesom-oo-10-koombuutar-iyo-hal-mishiin-oo-kuwa-dabka-ah-ugu-deeqday-jaamacadda-timo-cadde/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 27, 2011 Mashallah gabiley city is on the rice it will be one of the biggest Somaliland cities in the future it already outshined berbera as for the Timmacade university it was Entirely built by the Diaspora we even raised in our community a great amount of money for that university thanks to their hard work the Students of gabiley can go to university in their own city well done telesom for helping out . Quote Share this post Link to post Share on other sites