Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland delegation in the UAE meets indian Ambassador to the UAE + PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Hindiya U Fadhiya Imaaraadka Carabta

April 25th, 2011

 

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dawlada Hindiya u fadhiya dalka isu taga imaaraadka carabta Lokesh Mysore Kapanaiah, oo weftiga Madaxweynaha ku soo booqday Huteelka ay degan yihiin ee magalaada Abu-dubia.

Madaxweynaha iyo safiirku waxay iska xog waraysteen xaalada Somaliland iyo wadciga siyaasadeed ee ka jira mandaqada.

Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo laga soo saaray kulankaasi,waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sedan:-

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hoggaaminaayo kuna sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa Maanta (25/04/2011) ku soo booqday Madaxweynaha JSL, Hotel-ka uu Degan yahay Safiirka Waddanka HINDIA u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mr. Lokesh Mysore Kapanaiah.

Safiirka oo kulan Saacaddo qaatay la yeeshay Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa uu ka hadlay Aragtida Wadankiisu uu ka qabo Somaliland iyo Guud ahaanba Mandaqada Geeska Afrikada Bari Gaar ahaana Dhinaca Nabad-gelyada, Budhcad-badeeda, Argagixisada dhinaca Dhaqaalaha intaba.

Safiirku waxa uu sheegay in uu Wadankiisu ka war hayo in Somaliland tahay qayb markii hore ka mid ahayd waddankii laysku Odhan jiray Soomaaliya, laakiin imika ay Muddo labaatan (20) sanno ah ay Goonideeda u taagnayd, in uu Waddanka Somaliland yahay waddan Mutaystay in la Gacan-qabto oo ku guulaystay inuu dhinaca Nabad-gelyada iyo Dhinaca Dimu-quraadiyada aad uga Horu-marro waddamada ku xeeran qaarkood gaar ahaana Waddankii uu markii hore ka mid ka ahaan jiray ee Soomaaliya oo isagu Weli ku sugan Xaalad Xasilooni Daro ah ayuu yidhi Safiirka waddanka Hindia u fadhiya Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Madaxweynaha uga Waramaayey Aragtidiisa ku aadan Mandaqada iyo sida ay u arkaan wax-wada qabsi ay waddankiisu la yeeshaan Wadanka Somaliland.

Safiirku waxa uu sheegay in waddanka Hindiya danaynayo wax la qabsi dhinaca Dhaqaalaha ah oo uu la yeesho wadanka Somaliland, waxaanu sheegay in uu Shirkaddo waa weyn oo waddankiisa ka soo jeedaa danaynayaan Maal-gashi gaar ahaana Dhinaca Macdanta.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna dhiniciisa waxa uu uga waramay Safiirka Baahida ay Somaliland u qabto in ay somaliland wax la qabsato Hindia waxaanu warbixin ka bixiyey dhinaca Budhcad-badeeda iyo dhinaca Nabad-gelyada labada sidii loo sii adkayn lahaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay labadaasba ka bad-qabto Somaliland laakiin Nasiib darada haysataa Somaliland ay tahay in labadaasiba ay halis ku yihiin oo ay ku badan yihiin Wadanka la jaarka ah ee Soomaaliya ee ay la wadaagto bad-weynta hindiya ee Budhcad- badeedu hada ka ugaadhsato iyo Dhinaca Bada-cas gaar ahaana dhinaca Soomaaliya iyo weliba Argagixisada oo iyadu xarunba isagga noqotay Waddanka Soomaaliya oo Dabcan Somaliland-na mar-mar badan saamayn ku yeeshay.

Laakiin waxa uu Madaxweynuhu uga waramay in ay shacbiga iyo Dawladda Somaliland-ba si wayn isaga kaashadeen sidii ay isaga Dayri lahaayeen dhibaatooyinkaa kaga imanaaya deriska ee la xidhiidha bada iyo beriga labadaba.

Madaxweynuhu waxa uu dhiiri-geliyey Aragtida Safiirka ee ah in uu soo hogaamiyo ama soo dhiiri-geliyo shirkadaha waa weyn ee waddanka Hindia ee Maal-gashiga Somaliland diyaarka u ah ama Danaynaya.

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa kale oo uu safiirka kala hadlay dhinaca wax-barashada oo uu sheegay in wadanka Hindia ka caawin karo somaliland dhinaca wax-barashada gaar ahaan (Scholarships), Scholarship-yada dhinaca Ardayda Dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo Jaamacadahaba ee reer Somaliland, Safiirkuna waxa uu soo Dhaweeyey Arrintaasi waxaanu sheegay in waddanka Hindia taa wax weyn ka qaban karayaan dalkiisana uu kula noqon doono.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

What president meets an Ambassador in a hotel lobby?? This is too funny, and you are so happy posting. SMH.. Long live Somaliweyn, at least it is still recognized.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liban;714620 wrote:
What president meets an Ambassador in a hotel lobby?? This is too funny, and you are so happy posting. SMH.. Long live Somaliweyn, at least it is still recognized.

Somaliweyn is recognized where did i miss that when was NFD recognized as an independent state nor O'gadenia is an independent state

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland delegation receives Indian Ambassador to UAE

 

ABU DHABI -– On Monday President Ahmed Silanyo and his delegation received the Indian Ambassador to the UAE for talks in various fields.

 

The Indian Ambassador, HE Mr. Lokesh Mysore Kapanaiah, held a meeting with the Somaliland officials for several hours on key issues including security, maritime piracy, foreign investment and education.

 

The Indian Ambassador told the Somaliland delegation that his country was well aware of Somaliland’s case and that they closely follow the Horn of Africa region. He said, he is well aware that Somaliland was once part of the Somali Republic, but has been running its own affairs for the last two decades. He added that he was aware that Somaliland has a viable and growing democracy and unlike many of its neighbours was remarkably stable.

 

The Ambassador said that the Indian government was keen to develop trade and security ties with Somaliland and forge relations on across a variety of areas. He also mentioned the fact that major Indian companies had expressed interest in investing in Somaliland, particular in the exploration and resources sector.

 

 

Somaliland and India to have ties

The Somaliland President on his part welcomed the Indian interest and said his country was ready to work with the emerging Asian giant. He told the Ambassador that Somaliland was keen to attract direct foreign investment as well as receive assistance in combating maritime piracy. He also said that Somaliland needed help with tackling terrorism which has taken a strong foundation in neighbouring Somalia. Finally he requested India to help Somaliland in the area of education by giving scholarships to Somaliland students to attend Indian universities. The Ambassador promised to convey the message to his government.

 

 

 

This is the first time Somaliland has made a direct contact with India. In the past it has been seeking ties with Pakistan with plans to open a trade office in Islamabad. Both India and China are racing each others in many corners of the world, in particular in Africa, in a bid to win regional friends and access land and natural resources. The Somaliland government has already promised investment deals for Beijing in the areas of infrastructure, tourism and hospitality and energy exploration.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this