Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Minister of Justice we represent the people of awdal.

Recommended Posts

Wasiirka Cadaalada Oo Sheegay Inaanay Masiirka Awdal Aanay Go’aamin Karin Shakhsiyaad Qurbo-joog Ahi

April 25th, 2011 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare, ayaa maanta jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay shakhsiyaad Somaliland diid ah oo ka soo jeeda qurbo jooga gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay inay qorshaynayaan sidii Maamul gaar ah ay ugu sameyn lahaayeen Gobolka Awdal.

 

Wasiirka Cadaalladda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wuxuu sheegay inaanay iraadada shacbiga Gobolka Awdal aanay majaro habaabin Karin shakhsiyaad qurbo joog ahi.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in dadweynaha Gobolka Awdal ay kaalin wax ku ool ah ku lahaayeen Somaliland illaa xiligii gobinimo doonka iyo marxaladihii dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland ee shirkii beelaha Somaliland ku yeesheen sanadkii 1991-kii Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer.

 

Prof. Ismaaciil Muumin Aar waxa uu sheegay inaan mugdi la gelin Karin mowqifka Somalilandnimo ee shaciga gobolka Awdal, waxaanu tilmaamay in Magaalada Boorame lagu qabtay sanadkii 1993-kii shirkii labaad ee beelaha Somaliland kaasi oo lagu soo doortay maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal isla markaana uu Madaxweyne Ku Xigeen ka ahaa Mujaahid C/Raxmaan Aw- Cali Faarax.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in muddo sideed sanadood ah uu Somaliland Hoggaaminayay Madaxweyne ka soo jeeday Gobolka Awdal , imikana ay u hoggaansamayaan Hoggaanka dalka. Waxaanu xusay in shakhsiyaadka qurbo jooga ah ee dibadaha ka hadaaqayaa aanay ka tallin Karin masiirka siyaasadeed ee reer Awdal.

 

Prof. Ismaaciil Muumin Aarre wuxuu u soo jeediyay shakhsiyaadka dhalinyarada ah ee Somaliland diidka ahi ay dadkooda wax ka soo taraan abaaraha ba’an ee dalka ka jira, waxaanu ku dooday in cidii wax ka tabanaysa xukuumadda uu ka tirsan yahay ay la xidhiidhaan dawlada dalka ka jirta.

 

“Shacbiga reer Awdal Somalilandnimadooda muran kuma jiro oo Somaliland reer Awdal baa leh cidi kama laha, cidna uma dabo fadhiisanayayaan, waxyaabaha ay tabanayaanna Anagaa xukuumaddii ugu jirna oo matalayna Xildhibaanadii iyo waxgaradkii ayaa qoray tabashadoodii waxaana loo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland,”ayuu yidhi Md. Ismaaciil Muumin Aare.

 

Wasiirku waxa uu u soo jeediyay dadka ka dambeeya dhalinyarada qurbo jooga ahi ay wax kale ka waantoobaan “Waxaan leeyahay raga dhalinyarada yar yar ee qurbaha ku dhashay marin habaabinaya ee ku gabraaranayoow wax kale raadso waxani idiin suurtoobi maayaane’e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Cadaaladda Ee Somaliland Oo Sheegay In Dadka Reer Awdal Aanay Weligood Ka Laaban Doonaan Midnidamada Somaliland.

 

Hargeysa (Ramaas)Apr. 25, 2011- Wasiirka wasaarada cadaaladda iyo gasoorka ee Somaliland Pro Ismaaciil Muumin Aare, ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay shacabka ku nool gobolka Awdal marnaba taageerin doonin qorshe lagu wiiqayo midnimada Somaliland oo ah mid muqadasa.

 

Pro Aare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, ayaa beeniyay warar ay warbaahinta ku faafiyeen dad qurojoog ah oo u dhashay gobolka, kuwaas oo sheegay in dadka reer Awdal ay ka noqdeen midnimada Somaliland oo ay taageersanyihiin maamul ay ula baxeen Awdal State oo fadhigiisu yahay wadanka Maraykanka, isaga oo sheegay in wararkaas ay yihiin dacaayado raqiis ah oo aan sal iyo raad lahayn.

 

Waxa uu sheegay in beeshiisu ay hormuud ka ahayd shirarkii dib heshiisiinta beelaha Somaliland oo dhidibada loogu taagay Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo ay labaatankii sanno ee u dambeeyay ay masraxa siyaasada Somaliland ay ka dhexmuuqanayeen siyaasiyiin ka soo jeeda oo talada dalka mansabyo ka sare ka soo qabtay, waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalku Md Daahir Rayaale Kaahin oo hogaanka hayay muddo sideed sannadood ah uu ka soo jeedo gobolkaas sidaas darteedna shacabka looga baahan yahay in aanay dhagjalaq u siin kooxaha Somaliland diidka ah.

 

 

 

Pro Aare waxa uu sheegay kooxda in maamulka Awdal Stat kaga dhawaaqday Maraykanku ay yihiin qaar aan wax taageero ah ka haysayn oo marin habaabiyeen dad dano gaar ah ka leh burburinta Somaliland oo adeegsanaya si ay u gaadhaan yoolkooda, waxaana uu sheegay in midnimada ay markasta tahay muqadas ay u wada hogaansanyihiin dhamaanba shacabka reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^a tongue twister for sure,

 

Reminds me of Haabsade calling ssc Somaliland-diid. That natural thing that came out of his mouth was Somalidiid, only to correct himself and say Somalilandiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ that was funny afka wax ka xadeen 8 sannoh xaabsade wuxu laha Somali diid from 1999 till 2007, hada affar sannoh wuxu leeyahay Somalilandiid give him time hala qabsado niyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Che -Guevara;714438 wrote:
^a tongue twister for sure,

 

Reminds me of Haabsade calling ssc Somaliland-diid. That natural thing that came out of his mouth was Somalidiid, only to correct himself and say Somalilandiid.

;) Odayga get used to saying Somalidiid when he was puntland's payroll, and need time to adjust with the new employer..lol..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;714434 wrote:
Wasiirka Cadaaladda Ee Somaliland Oo Sheegay In Dadka Reer Awdal Aanay Weligood Ka Laaban Doonaan Midnidamada Somaliland.

 

Hargeysa (Ramaas)Apr. 25, 2011- Wasiirka wasaarada cadaaladda iyo gasoorka ee Somaliland Pro Ismaaciil Muumin Aare, ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay shacabka ku nool gobolka Awdal marnaba taageerin doonin qorshe lagu wiiqayo midnimada Somaliland oo ah mid muqadasa.

 

Pro Aare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, ayaa beeniyay warar ay warbaahinta ku faafiyeen dad qurojoog ah oo u dhashay gobolka, kuwaas oo sheegay in dadka reer Awdal ay ka noqdeen midnimada Somaliland oo ay taageersanyihiin maamul ay ula baxeen Awdal State oo fadhigiisu yahay wadanka Maraykanka, isaga oo sheegay in wararkaas ay yihiin dacaayado raqiis ah oo aan sal iyo raad lahayn.

 

Waxa uu sheegay in beeshiisu ay hormuud ka ahayd shirarkii dib heshiisiinta beelaha Somaliland oo dhidibada loogu taagay Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo ay labaatankii sanno ee u dambeeyay ay masraxa siyaasada Somaliland ay ka dhexmuuqanayeen siyaasiyiin ka soo jeeda oo talada dalka mansabyo ka sare ka soo qabtay, waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalku Md Daahir Rayaale Kaahin oo hogaanka hayay muddo sideed sannadood ah uu ka soo jeedo gobolkaas sidaas darteedna shacabka looga baahan yahay in aanay dhagjalaq u siin kooxaha Somaliland diidka ah.

 

 

 

Pro Aare waxa uu sheegay kooxda in maamulka Awdal Stat kaga dhawaaqday Maraykanku ay yihiin qaar aan wax taageero ah ka haysayn oo marin habaabiyeen dad dano gaar ah ka leh burburinta Somaliland oo adeegsanaya si ay u gaadhaan yoolkooda, waxaana uu sheegay in midnimada ay markasta tahay muqadas ay u wada hogaansanyihiin dhamaanba shacabka reer Somaliland.

 

 

Well said Justice minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qurba Jooga Reer Awdal Ee Ku Hawlan Awdal/State Waxa aan ku Casuumaynaa Xabsiyo Badan Oo aan Dhisanay, Shir:Jaraa'id Wasiirka Cadaalada Somaliland Prof:Ismaaciil

26/04/11-Hargaysa-(Bnn) Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka Somaliland Prof:Ismaaciil Mu'min Aar ayaa Shalay ku qabtay Xafiiskiisa Shir Jaraa'id oo uu kaga hadlayay Arimaha in dhawaalaba ka socday Dibada Somaliland Ee ah Maamul Goboleedka Lagu sheegay Awdal State Ee Ay wadaan Qaar ka soo jeeda Gobolka Awdal Ee uu Isagu ka soo jeedo.

 

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa waxa uu cadeeyay Mawqifkiisa ka siyaasi ahaan ku waajahan Maamul goboleedkan Awdal/Satate waxa uuna sheegay in Siyaasiyiinta Reer Awdal Meel kasta oo ay joogaan ayna la qabin Fikirkan kuna tilmaamay in uu yahay mid ay ka danbeeyaan Dad wax ma garatay ah , oo kuu sheegay in ay yihiin Bujuubujuulayaal, Ayna Dhalinyarada Xaga danbe ka taagan yihiin kuwaas oo uu sheegay in ayna soo cadaanayn iyagu, waxa uuna dadkaas dabada caruurta ka soo riixaya kula taliyay in ay banaanka isa soo dhigaan inta ay dhalinyarada ku gabanayaan.

 

Dhanka kale waxa uu sheegay in dhalinyarada la khalday ayna uga nasteexaynayaan in ayna maqlin raga danta gaarka ah wata waxa uuna sheegay in dhalinyarada ka soo jeeda Gobolka Awdal ee ku sugan dalka dibadiisu yihiin Xoog lagu faani karo oo wadankooda iyo dakoodaba wax u qaban kara, laakiinse ayna haboonayn in ay ka qayb qaataan qaranimadeena iyo jiritaankeena wax dhaawici kara, isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu yidhi wasiirku, Markii Jabhadii SNM ay wadanka Xoraysay ee la iskugu tahay shirkii Burco waxa ay reer Awdal ahaayen Qoladii Ugu horeysay Ee ogalaatay in laga go'o soomaalida Kale, taasina waxa ay maanta ina dhaxalsiisay in aan ka dhex muuqana Maamulka Somaliland ee Maanta hadhsanayno.

 

Ugu danbayn ayaa wasiirku waxa uu Digniino Culus u diray Cid walba oo ku hawlan Fikirkan Awdal/State ee Joogta Qurbaha Ama gudaha ay u diyaariyeen Xabsiyo uu ku sheegay in ay ku soo dhawayn doonaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in xabsiyo Badana ay dhisteen kuwo badan oo kalena ay soo socdaan.

 

Si kastaba ha ahaatee Mas'uulkan ayaa noqonaya Mas'uulkii ugu sareeyay ee Maamulka Somaliland ku jira ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo cadeeyay Mawqifkiisa Siyaasadeed ee ku aadan Fikirkan cusub ee ka socda wadanka dibadiisa isaga oo ay horey u hadleen qaar ka mid ah Xldhibaanada Labada gole ee ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this