Sign in to follow this  
Saalax

Qalab Caafimaad oo lagu baadhi doono Nadaafada Caanaha oo lagu wareejiyay Jaamacada Burco.

Recommended Posts

Saalax   

Qalab Caafimaad oo lagu baadhi doono Nadaafada Caanaha oo lagu wareejiyay Jaamacada Burco.

SUNDAY, 24 APRIL 2011

 

Burco(Togdhnews)- Hay,add Jarmal ah oo la yidhaado VSF,ayaa qalab caafimaad oo lagu

baadhidoo nadaafada iyo tayada caanaha xoolaha ku wareejisay jaamacada magaalada Burco.

 

 

Munaasibadan loo sameeyay wareejintii qalabkaasi ayaa waxa ka soo qaybgalay,Wasiirka X/xoolaha iyo degaanka,madaxda Hay,adaasi,maamulka jaamacada iyo masuuliyiinta Gobolka Togdheer.

Gudoomiyaha Jaamacada Burco Mr.C/raxmaan Jaamac Ducaale,oo halkaasi ka hadlay, ayaa u mahadceliyay Hay,adda Jarmalka ee ugu deeqday qalabkan shaybaadhka caanaha Xoolaha,kaasoo sheegay inuu ahaa mid ay jaamacadu u baahan tahay,oo ay ka faaiidaysan doonaan ardayda kuliyada X/xooluhu,islamrkaana lagu samayndoono daraasdo cilmi baadhis ah.

 

 

Waxa gudoomiyaha Jaamacadu ka codsaday Wasiirka X/xoolaha iyo degaanka,Dr Cabdi aw daahir,inuu gacan ka siiyo waxkasta oo lagu hormarinayo Kuliiyada X/xoolaha ee jaamacada ,madaama ay tahay ta kaliya ee ka jirta wadan ka,waxa kale oo uu mahadceliyay Badhsaabka iyo maayirka Burco,kuwaasoo uu sheegay inay markasta ku dadaalan wax u qabshada Jaamacada .Gudoomiyaha ayaa xusay in jaamacad Burco hada marayso Heerkii ugu wanaagsanaa.

 

 

Madax Hay,adda Jarmalka ee VSF, ayaa isaguna sheegay in muhiimada ay u keeneen qalabkani yhay ,sidii ay bulshadu u heli lahayd saxo wanaagsan,oo ay kaga badbaadaan nadaafada darada.

Waxa uu intaasi raaciyay sarkaalani,in shaybaadhkani yahay mid casri ah,tayadiisuna sareyso,kaasoo suurta galinaya inay Somaliland ka mid ahaato dalalka iska baadhi kara saxada Caanaha iyo Cuntada,ka dibna waxaanu mustabalka gaadhsiindoonaa gobolada bariga .

 

 

Wasiirka X/xoolaha iyo degaanka Somaliland Dr.Cabdi Aw daahir ,ayaa isuguna soo dhaweeyay qalabkan shaybaadhka ,kuna tilmaaamay in wax weyn ka tari doona nadaafada iyo fayo dharka caanaha,islamrkaana ay tababar ku qaadandoonan ardayada kuliyada xooluha ee jaamacadu.

 

 

Waxa Dr.Cabdi Aw daahir u mahad celiyay Hay,adda jarmalka eek u deeqday qalabkan,waxaanu kula dardaarmay masuuliyiinta jaamacada inay ilaashadaan qalabkaas,si haboona ugu faa iidaysataa.

Sidoo kale,waxa munaasibadaasi ka hadlay,Dr.Cali Axmed Cilmi,oo ah madax Kuliyada X/xoolaha ee jaamacad Burco,Bdhasaabka G/Togdheer,Yaasiin muxumed Cabdi,Dr.Shibiin Baashe Cabdi,oo ka mid madaxda hay,adda Qalabka ku deeqday,Dr Ciise Nuur Liiban,kuwaas oo dhamaatood,sheegay faaiidad iyo waxtarka qalabkan u leeyahay jaamacada,loona baahan in si wanaagsan looga faaiidayso,lana daryeelo.

 

 

Qalabkan shaybaadhka caafimaadka Xoolaha ,ayaa ah mid lagu baadho doono tayada iyo caafimaadka Caanaha,laguna kala ogaandoono caana nadiifta ah iyo kuwa aan nadiifta ahayn ee uu ku jiro Jeermiska xanuunka dhaliya,Islamrkaana soo saari doona xataa,hadii neefka caanaha laga lisay uu yahay mid xanuusanaya.

 

 

 

Togdheernews.com

 

Burco/Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this