Wiil Cusub Posted April 24, 2011 Hadalada had iyo goor ka soo yeedha masuuliyiinta iyo warbaahinta ay maamulaam cadowga Somaliland 1. Dawladda iskeed isugu magacowday Somaliland 2. Jumhuuriyadda la magic baxday Somaliland 3. Xuduudaha Somalia waa muqaddas 4. Somalia sina uma kala go’ikarto 5. Maamulka Somali-diidka 6. Ethiopia ayaa u yeedhisa 7. Somaliland waa gobol ka mid ah Somalia 8. Maamulka beesha ***** 9. Maamul goboleedka *** Woqooyi 10. Somali ma kala maaranto oo aabo kaliya ayaa wada dhalay 11. Somalidu waa ummadda kaliya Africa ee isku af, diin iyo dhaqanba ah 12. Ma jirto wax Somaliland la yidhaahdaa 13. Waa nala dilay uun bay leeyihiin, Somali oo idil ayaa iswada dishay 14. Wax la yidhaahdo land-land ma jiraan 15. Qayb bay ka yihiin heshiiskii federaalka 16. Qaab beeleed ayay uga qayb galeen shirkii dibu heshiisiinta 17. Way ku jiraan dawladda , awood qaybsigana saamigoodii waxay ku qaateen habka 4.5 18. Aduun weynuhu ma aqoonsana, weligoodna heli maayaan 19. Iinnyo ayuun bay leeyihiine, maxaa u diiday inay runta u soo noqdaan 20. Dawladda ku meel gaarka ah ayay hoos yimaaddaan 21. Maamulka woqooyi galbeed 22. Ma aaminsani wax Somaliland la yidhaahdo 23. Iskuma fillaan karto dhaqaale ahaan 24. Annagay fasax u siina diyaaradaha iyo maraakiibtu inataanay soo gelin biyaha iyo hawada somaliland 25 Annagaa ka hawl galnay in Sucuudigu qaado cuna qabataynta xoolaha 26 Annagaa soo saxeexnay mashruuca EU-da ee biyo gelinta Hargeisa 27. Maaha in tacliinta la siyaasadeeyo 28. Maahaa isu socodka dadka in la siyaasadeeyo 29. Maaha in baayac mushtariga la siyaasadeeyo 30. Maaha in hawlaha caafimaadka la siyaasadeeyo PUNTLAND: 1. Dhuxusha ka dhoofta Bosaso waxa ka dambeeya dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland 2. Ururka argagixisada ee Sheikh Atom wuxu gacan saar la leeyahay maamulka Somaliland 3. Budhcadeeddu kuma koobna deegaana Puntland oo kaliya, waxa ka buuxa reer Somaliland 4. Dadka tahriibaya badankoodu waxay soo maraan oo nagaga yimaaddaan dhanka Somaliland 5. Ingiriisku waa inu joojiyaa mucaawinada u siiyo Somaliland ee loo adeegsadi gumaadka reer ssc. 6. Ciyaaraha gobollada waxa iman doona kooxo ka socda Somaliland. 7. Waxanu qabannay kulankii ugu horreeyay ee haweenka af somaliga ku hadla oo somalilandna ku jirtay. 8. Waxanu qabannay shirkii u horeeayay ee culimada ahlu suna oo Somaliland ka soo qayb gashay 9. Burburkii ka dib beel waliba deegaankeedii bay u laabatay 10. Ssc waa tolkayo waxananu wada samaysannay dawladda buntalaan (Waa siday ugu dhawaaqaane) 11. Shir laba geesood ah oo u dhexeeya Buntalaan iyo Galmudug ayaa ka dhacay Garowe 12. Martiqaad wadajir ah ayaanu u fidinnay Somaliland inay nagu soo biirto shirarka dambe 13. Faroole oo ka hinaasay mucaawinada ingiriiska ayaa gaadhay Roma 14. Annagaa u yeedhanay calooshood u shaqaystada Sarasen heshiisyan la galnay tegina maayaan 15. Somaliland ha isaga baxdo dhulka ay xoogga ay ku haysato ee aan laga rabin 16. Shirdibu heshiisiin ah baanu Somali isugu yeedhi doonaa 17. Heshiiska Galkacayo ee buntalan/Tfg kana kooban 17ka qodob Somaliland kumanaan soo qaadin 18. Ciidamadaya ayaa Riyaale ku weeraray Laas caanood 19. Puntland oo ku guulaystay baajinta mashruucii isticmaalka Berbera ee UN-ta (Afduubyo) MAXKAMADIHII ISLAAMIGA EE MUQDISHO: 1. Burco ayaa nalooga yeedhay 2. Ictiraafkay caabudaan reer woqooyigu ( waraysi BBc-da u siiyay Hassan Dahir Aweys) 3. Waanu qabsan donna dalkoo dhan min Ras Kamboni ilaa Zeila 4. Somaliland waxa taliya amxaarada 5. Land land wax la yiraahdaa ma jiraan 6. Dekeddii Berbera waxa gebi ahaan la wareegtay Ethiopia 7. Dadka reer woqooyi na rabaane, waxa na diiddan maamulka gaalo raac ah 8. Isaaqu waa gun ( gabay Abshir Bacadle) 9. Warba waxa ka hadhay intanu koonfurta ka soo faraxalanyno 10. Nabaddii lixdii bilood ayuu cadowgu inoo quudhi waayay woqooyina diyaar buu ahaa ALSHABAB: 1. Somalia oo dhan waxannu gaadhsiin kitaabka Alle 2. Dimoqraadiyaddu waa camalka shaydaan ee gaaladu ku dhaqanto 3. Annagaa ka dambaynay qaraxyadii Hargeisa waananu qabsan doonaa 4. Hoggamiyayaasha alshabab waa ****, waxa loo soo diray inaanaan weligayo degin JIMCIYADDA QURUUMAHA KA DHAXAYSA: 1. Qaxootiga koonfur dalkoodii bay ku baro kaceen, caawin mayno hadaan taa la oggolaan 2. UNDP oo laga diiday manhaj iskuuleed ay soo daabacday oo ku slaysan Somalia 3. Heading mashaatiicda JNA ee UNDP ma oggolin oo waxa ku dhigan Somalia 4. Walad Abdalla waa nala col oo weligii nooma iman Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted April 24, 2011 Q.2aad Waxay ku dhigan tahayn khadka doogada waxaynu iyana diiradda ku saari doonnaa hadaladii yididiilada, guubaabada iyo rajada xambaarsanaa ee ay shicibka reer Somaliland ku cel celin jireen tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga. 1. Somaliland jiritaankeedu waa muqaddas 2. Waanu wada buuxinnay dhammaan shuruudihii aqoonsiga 3. Xamar annaga ayaaba ka hor xorownay 4. Waa in xuduudaha la soo xidhaa 5. Somalilander baan ahay 6. Miiska Eu-da ayay saran tahay 7. Cunaqabataynta xoolaha ee carabtu siyaasad bay salka ku haysaa. 8. Webiga niilkaa ee carabku ka cabbo ayaanu u caddilanahay. 9. Israac dambe geeraa iga xigta 10. Way dhaqaaqday 11. Doorashadaasi siday u dhacdo ayay wax waliba ku xidhan yihiin 12. Rajo aad u weyn baa jirta 13. Hadda ayuun bay inoogu dhow-dhowdahay 14. Wax aad yar baa innooga dhiman 15. Afrikaanka la hadlaa la inna yidhi 16. Annagu shantii oo dhan baanu lixdankii rabnaye maanaan doonayn koonfur iyo woqooyi 17. Jabbuutiba waa ta dawlad gooniya noqotay 18. 1st july waa maalin madow 19. Waa nala khiyaameeyay 20. Wax heshiis ah isutaggii lama kala qoranin 21. Xukun qaybsi muu dhicine waxa dhacay afduub, saamigii aanu lahaynna nalama siin 22. Waatay na xasuuqeen 23. 1960-gii 37 dal baa na aqoonsaday oo jimciyadda quruumuhuna ku jirto 24. Israel way inna rabtaaye innagaan doonayn 25. Dalal badan ayaa carrab laalidiyay oo hoos hoos wax innoola wada 26. Hadday go`do South Sudan wuu jabay heshiiskii xuduudaha ee Africa 27. Jubba aynu safaarad ka furanno 28. Eritrea haddii ay go`do innana waa ku xignaa 29. Bhutrous Ghali baa ku fadhiya codsigeenna UN-ta 30. Taiwan waxba umay noqon aqoonsi la’antii 31. Ninkii taga shirarka wallwayntu waa khaayinul waddan 32. Masar iyo sucuudiga ayaa ku fadhiya qaddiyeenna 33. Maraykanka oo yidhi kolnaba annagu uguma horrayn doonno dhanka ictiraafka 34. Ictiraaf la’aatu waa caqabad weyn oo innaga hor taagan wax badan oo aynu qabsan lahayn 35. Isbeddelka kediska ah ee Ina Cumar Geelle muxu daarran yahay 36. Ilaahay baa na icriraafsan, maqnaanshihiisana waxba u noqon mayno 37. Aqoonsigu sabir badan ayuu u baahan yahay 38. Albaab waanu garaacnayoo ilaa hadda waxba ma haynno 39. Dadkayaga 97% ayaa u codeeyay gooni isu taagga 40. Pentagonka oo u horkacayo wasiirka difaaca Robert Gates ayaa raba in aqoonsigeenna 41. Somalia nabadi ka dhici mayso innta weli aan Somaliland la aqoonsan 42. CNN ka ma daawatay 43. Ka hor dhici mayo laakiin waxbaan idiin ogahay 44. Ictiraafkii haddaa qarkaa loo saran yahay 45. Sir culus oo ictiraafka Somaliland ku saabsan ayaa ka fakatay wiki leaks 46. Geeri ayaan ka xigaa israac dambe 47. Haddii aynu sii xoojinno nabad gelyada waa la hubaa 48. Haddii aynaan innagu cagta jiidayn waa horaa la aqoonsan lahaa 49. Baasaboorkayaga ayaa naloo fiiseeyaa 50. Wefdiyo qiimayn samaynaya ayaa inoo uimi 51. Meel wacan bay wax marayaan 52. Wixii hadda ka dambeeya mucaawinooyinku toos bay imanayaan 53. Ethiopia waxay leedahay haddanu u horrayno si kalaa la turjuman doonaa 54. Beesha caalamka ayaa inna ammanaysa 55. Waxay ku jirtaa nabad gelyada oo aynu intaa ka sii xoojinno 56. Somalida ha lala hadlo iyo yaan lala hadlin oo weli la isku khilaafsan yahay 57. Bagaa la riday xusni Mubarak, Qaddaafina abaalkii looga waraabiyay 58. Wixii na durraansdaa ma mahadiyaan 59. Maalintay u daran tahay ayuun buu ilaahay shimbir noo soo diraa 60. Haddaa na doorataan annagaa keenayna ictiraafka 61. Somaliland oo aqoonsatay Jumhuuriyadda South Yemen (waagii AHN Mdx.Egal 62. Somaliland oo USA u fidisay deeq lacageed oo gaadhaysa 50,000 USD qaraxyadii 9/11 63. Somaliland oo 300 oo neef oo adhi ah ugu deeqday Djibouti ka dib weerarkii Eritrea 64. Siyaasiin ka soo qayb gashay xafladda caleemo saarka suldaan hebel iyo boqor lagu caano shubay 65. Iqbal Jhbazi oo bug ka qoray Somaliland 66. Jenday frazier oo dalka soo gaadhay noqotay masĆ¹ulkii ugu sarreeyay ee dalka soo booqda. 67. Beel heblaayo ayaa ku biirtay xisbigaa 68. ONLF oo xeebta galbeed ka soo degtay 69. serfarkii baa khalkhalay 70. Haddii la iga guulaysto isku dhejin maayo kursiga sida afrikaanka kale ee waan ka dagayaa 71. Senator Donald Payne oo si kulul ugu hanjabay Somaliland 72. ka qayb galka shirarka ay soo qabanqaabiso beesha caalamku oo la isku maandhaafsan yahay 73. Haddii aan Oromada dalka laga celin khattar wayn baynu daaqaynaa, dalkana way innaga qaadi 74. Baarlamanka Kenya ayaa qaddiyadeennii la soo hor dhigay 75. Budhcad badeedu way ka baqataa badahayga 76. Iskaashi caalami ah iyo gobol baanu ku hawlannahay oo dhanka argagixisada ah 77. Satelite ayaa lagu sawiray khayraadka dalka bad iyo berriba 78. Ethiopia waxannu qaadka ugu beddelan doonnaa inay qaataan milix iyo kalluun 79. daadka badda ku shubma ayaanu rabnaa inaanu qabanno oo samaynno biyo xidheenno 80. Waxa noo qorshaysan in mustaqbalka la hirgeliyo gaadiidka tareennada 81. Ismaandhaaf ka taagan ururro siyaasadeed oo la furto 81. Ssc waa urur nabadiid ah 82. Ma qaadannaa kursiga Somalia ee UNta oo la goĆ ansaday in laga qaado golaha loo dhan yahay. 83. Weligeedna la inna aqoonsan maayee runta aan isu sheegno 84. Taiwan-ba ictiraaf laĆ an waxba uma oga 85. Israel way inna aqoonsan lahyde innagaa ka maagayna, sowtaa carabtu xidhiidhka la leh 86. Koonfurta Sudan waa unaynu safaarad ka furannaa 87. Xamarta aad sheegaysid soo qaadqaadkeeda ayaaba xaaraan ah 88. Aqoonsigu sabir badan ayuu innooga baahan yahay 89. Albaab waannu garaacnay 90. Eritrea-ba wataa xorowday 91. Wixii hadda ka dambeeya waa toos mucaawinadu 92. Meel wacan bay wax marayaan 93. Baarlamanka Barwaaqo-sooranka ayaa la innagu daray 94. Shir sannadeedka madaxweynayaasha AU da ayaa doorkan la innagu martiqaaday. Quote Share this post Link to post Share on other sites