Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab takes over galguduuds capital dhuusamarbeeb from the suufis.

Recommended Posts

DhuusoMareeb(Allpuntland)-Ka dib dagaal xoog leh ayaa galabta ka dhacay degmada Dhuuso mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kaasi oo dhaxmaray xarakada Al Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana lagu soo waramayaa in guud ahaan magaalada marqibnimadii caawa ay gacanta u gashay Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaalka galabta ayaa ahaa mid socday ku dhowaad Seddex saacadood oo xiriir ah, waxaana markii dambe ay xaajada ku soo idlaatay in ciidamada Ahlu Sunna magaalada xoog looga saaro.

 

Saraakiil u hadashaya Al Shabaab ayaa waxa ay sheegteen in magaalada ay gacanta ku hayaan sida dad degaanka qaarkoodaba ay xaqiijiyeen dhanka kalana saraakiil Ahlu Sunna u hadashayna waxa ay ku gaabsadeen in ay dib uga hadli doonaan dagaalka galabta.

 

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro qasaaro baaxad weyn oo dagaalka ka gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah, waxa uuna dagaalka ka dambeeyey weerar qorsheeysan oo ay AL Shabaab qaadeen.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya dadka badan oo rayid ah magaalada ay isaga baxeen sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan Shabaabka madaamada mar sidaan oo kale Shabaab magaalada Dhuuso-mareeb u qabsaday si bareer ay u dileen dad rayid ah.

 

Xaalada ayaa haatan kacsan hasa ahaatee maha markii ugu horeeysay ee ay Al Shabaab qabsadaan Dhuuso-mareeb inkastoo markii ugu dambeeysay ee ay qabsadeen awood looga soo saaray rag badana looga dilay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-Shabaab oo galabta casir liiqii la wareegay gacan ku heynta degmadaas ay caawa isaga baxeen, kadib saacado ay ku sugnaayeen magaalada.

 

Sida ay sheegayaan wararka Shabaab ayaa uga baxay dhanka Garoonka diyaaradaha oo markii hore ay ka soo galeen, halkaas oo mara wado taga degmada Ceelbuur oo saldhig weyn u ah, waxaana wax yar kadib markii ay baxeen degmada gudaha u galay Ciidamo fara badan oo Ahlusuna, kuwaas oo gurmadyo uga yimid deegaanada kale.

 

Wararka ayaa sheegaya in Shabaab intii ay ku sugnaayeen gudaha Dhuus Mareeb ay dad ku dileen, inkastoo aan la heyn tirada dadka, sidoo kale ilaa saddex ruux oo uu ku jiro nin Sheekh ah ayay horay u sii wateen.

 

Waxaa kaloo la sheegayaa in Shabaabka bililqeysteen Xarumaha Maamulka Ahlusuna, sida Keydkii rasaasta, waxaa kaloo ku jirta Hoy uu leeyahay Gudoomiyaha Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud oo ay iyana wixii agab ka rarteen.

 

Sidoo kale intii Shabaabka ku sugnaayeen degmada ayaa waxaa ay galeen qaar ka mid ah Xarumaha Hey'adaha sama falka ee halkaas ka howl gala.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Gawaari ay ka qaateen degmada, kuwaas oo isugu jira kuwa caadi ah iyo gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada.

 

Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, ha yeeshee waxaa jira qasaarooyin kala duwan, inkastoo aan la heyn cadadkooda.

 

Ciidamada Ahlusuna ayaa la sheegay in markii ay galeen Dhuusa Mareeb ay qabteen dhanka koofureed iyo halkii ay ka baxeen Shabaabka, gaar ahaan dhanka wadada Garoonka, iyadoo la sheegay in dhankooda doonayaan inay ka jawaabaan weerarka Shabaab ku soo qaadeen degmada.

 

Shabaabka ayaa degmada si lama filaan ah ku soo galay, kadib weerar kedis ah oo ay ku soo qaadeen galabta, kaasoo aaqirkii keenay inay qabsadaan, waxaana Afhayeen u hadlay uu sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka, saanad hub ay ku qabsadeen.

 

Dadka taxliiliya arrimaha Milateriga ayaa sii saadaalinayay in Shabaab aanay sii heysan karin magaalada, maadaama ay tahay mid dhowr jiho ka furan, ayna Ahlusuna si fudud ay ugu rogaal celin karaan, waxaa taa bedelkeed keentay saacado kadib inay isaga baxaan, si aanay qasaare ula kulmin.

 

Lama oga in Culumaa'udiinka Ahlusuna uu dagaalka lagu soo qaaday uu keeni karo in khilaafka u dhaxeeya uu meesha ka saari karo, dibna ugu midoobi karaan in dagaal wada jir ah ugu qaadaan Shabaab, kadib markii horay ay isugu khilaafeen dhanka hogaaminta dagaalka.

 

Shabaabka ayaa horay weeraro sidan oo kale ku soo qaaday, iyagoo saacado la wareegayay, waxayna dhowaan markii sidan oo kale ay weerar ugu qaadeen Dhuusa Mareeb, markii ay ugu daba mareen Ahlusuna weerarkii ay ku qaadeen degmada Cadaado.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this