Saalax Posted April 25, 2011 sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayal ku sugan gudaha Hoolka uu ka socdo shirka Aqoonyahanda Beesha Dhulbahnate ee Khaatumo. Goob joogayashan oo ka cudur dartay inan ku xusin magacooda halkan xusin ayaa noo xaqiijiyey in shirka xoogaa buuq ah dhex galay kadin markii Siyaasiga Cali Khaliif Galedhr oo ka qeyb-galaya shir magaalada London ay soo qaban-qaabiyeen Aqoonyahanadda Beesha *********** ayaa kala kulmay weji-gabax kadib markii uu soo jeediyay talo ay u cuntami -weyday ka qeyb-galayaasha kulanka,oo badankood qeylo iyo foodhi ku dhuftay kadib markii uu Cali Khaliif Galeydh ku baaqay in Jabhadda SSC ay la midoobaan Maamulka Somaliland oo wax la qeyb-sadaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,oo horey u balan-qaaday inay jagadda Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland u magacaabi-doonaan shaqsi ka tirsan SSC hadii ay ogolaadaan inay ku biiiriyaan Xukuumadda Somaliland. qoonyahaniintii SSC ee ka qeyb-galayay shirka,ayaa badankood ka cadhooday hadalka ka soo yeedhay Oday Galeydh,waxayna intooda badan isku raaceen inay dhabawday hadal dad badan ay ku xaman jireen Cali Khaliif ee ahaa inuu si hoose oola shaqeeyo Maamulka Somaliland. Dhinaca kale qaar ka mid ah Wefdiga SSC ee Wadamada North-America ka yimid,ayaa talo ku soo jeediya maadama ay fashilantay qorshihii loo aas-aasay in la soo gaadhay waqtigii wax laga bedeli lahaa madaxda SSC oo badankood lacagtii lagu xoreyn-lahaa deegaamada SSC ay musuq-maasuqeen isku soo wada duuduuboo shirka Khaatumo ayaa si habsami leh uga soconaya London waloo ay jiraan guuxyo badan oo ay kala watan Aqoonyahanada Beesha *********** waxadse moodaa inuu mesha ka baxayo shakigii aha in shirku u af duuban yahay kooxo dana gaara kaleh Siyaasadad Gobolada SSC wixii kasoo kordha kala soco Xigasho..www.buhodlepost.com Wixii ku soo kordho Shirkan madaxa la isla galay isha-ku-haay Warbaahinta Buhodlepost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites