Sign in to follow this  
Saalax

Ceerigaabo-Munaasibadda Furitaanka Shirkadda Laydhka EEPCO.

Recommended Posts

Saalax   

n73ocv1m6a51x9hcb10.png

 

ktlgqm2a3rpgqyncpmj.png

 

v4a3s2d2ggm1dirnm8n.png

 

 

Ceerigaabo,(Qarannews)-Munaasibaddan oo maanta lagu qabtay Hotel Sanag ee magaalada Ceerigaabo ayna kasoo qayb galeen Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre Maayorka degmada Ceerigaabo Md-smaaciil Xaaji Nuur Madaxda kale ee laamaha dawladda heer-gobol iyo degmo Madax-dhaqameedyo Shirkadaha Laydhka ee hore u degganaa Ceerigaabo Ganacsatada Culimaa’u-diinka Aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay ayaa nuxurkeedu ahaa soo bandhigidda markii ugu horraysey furitaanka shirkadda Laydhka ee magaceedu yahay Erigavo Electricity Power Company (EEPCO) oo ah shirkad hore looga soo furay kana hawl gasha intooda badan gobollada Somaliland waqtiganna ay nasiib u yeesheen bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag gaar ahaan Ceerigaabo islamarkaasna ay leeyihiin hantiilayaal qurba-joogta u badan oo kasoo kala jeeda gobollada dalka Somaliland. Waxana halkaas xubnihii shirkadda ka socdey kusoo ban dhigeen tayada iyo awoodda farsamo ahaan shirkaddani u shaqaynayso oo ah mid ka tayo iyo awood badan adeegyada laydhka ee shirkadaha xilligan Somaliland ka hawlgalaa ay bixiyaan kana qiime jaban.

 

Engineerka guud ee shirkaddan EEPCO Cali Cabdi Barkhad oo ah khabiir aqoon dheer u leh arrimaha korontada oo faahfaahin dheer ka bixiyey shirkaddan iyo waxqabadkeeda ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa

 

"Iguma cusba Ceerigaabo iyo shaqada korontadu tusaalena waxan usoo qaadanayaa sannadihii 1979—1981 waxan isuduwe ka ahaa shirkaddii korontada ee gobollada Bari/Somalia. 1983 anigoo wada saddex nin oo Denmark Parliamentarian ah oo qiimayn ku samaynaya hirgelinta mashruucii DANIDA anigoo wada ayaan halkan imid kaddibna iyadoo qorshahayaga hore ahaa laba saacadood in aannu joogayno ayaannu Daallo ayaannu tagnay markii ay quruxda iyo hawada wanaagsan kala kulmeen ayaannu hal habeen halkaas (Daalo) u hoyanney waxayna mashruucii Ceerigaabo ugu dareen afar baabuurta iyo booyadaga qashinka qaadda iyo wersheddii looxa oo ay hagaajiyaan kaddibna 1986ilaa dagaalkii sokeeye waxan ahaa mashruucaas DANIDA Project Manager waxyaabahaas waxad ka arki kartaan khibrad iyo waayo aragnimadayda dhinaca korontada ah ".

 

Isagoo shirkaddan maanta hawsheeda ka hadlayana wuxu yidhi

 

"Waa nasiib wanaag maanta oo dhawr iyo labaatan sano kaddib anigoo wada isla mashruucii oo muwaaddiniin reer Somaliland iyo Sanaag ahi leeyihiin oo ka tayo iyo maalgelin wanaagsan in aan halkan idiinku imid idinkana waxan idinka filayaa soo dhowayntii xilliyadaas hore aannu idinkala kulantay ee wanaagsanayd mid kasii weyn".

 

"Mashruucani waa mid (Transmission line with transformers) tayo ahaan iyo awood ahaanba kaga wanaagsan laydhka ay bixiyaan shirkadaha xilligan dalka jooga qiime ahaanna ka jaban sidii la doonona loo isticmaali karo gaadhina kara meel kastoo Ceerigaabo ah 24-ka saacadoodna joogto ah". "Tiirarka shubka ah ee uu ku taagan yahay darteedna xataa haddii roob yimaaddo danab ama waxyeello aan lahayn waxana ka faa’iidaysan doona meelaha adeegyada bulshada sida wakaaladaha biyaha iyo cusbitaallada iyo meelaha kaleba oo haddii ay nagasoo dalbadaan annagana qorshaha noogu jira in aannu gaadhsiinno sidoo kalena shaaracyada waannu iftiimin doonnaa (Street lights) ayaannu ku samayn doonnaa".

 

 

Sheikh-Maxamed Cali Biixi oo isaguna hadal kooban oo wacdi ah halkaas ka jeediyey ayaa shirkaddan ku boorriyey in ay bulshada u jajabnaadaan ribadana ay iska ilaaliyaan oo aanay noqon (Il rimic arkaysaa rixin ma daydo) sidoo kalena masaajiddada iyo dugsiyada quraankana ay laydhka ugu deeqaan.

 

Maayorka degmadaCeerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna hadal kooban halkaas ka jeediyey ayaa isagoo sheegay in maammul ahaan ay soo dhowaynayaan shirkaddan EEPCO ugana mahad celiyey halkaas milkiilayaasha shirkaddan iska leh oo uu sheegay in ay horumar la taaban karo oo muuqda waddanka usoo kordhiyeen. Waxa hadalladiisii kale ka mid ahaa

 

"Anigoo ku hadlaya magaca degmada Ceerigaabo shirkaddan iyo cid kastoo maal gashanaysaba waannu soo dhowaynaynaa lana shaqayn doonnaa ganacsiguna waa tartan oo hadba sidii adeegga bulshada loogu kala wanaagsan yahay ayaa look ala dheeraynayaa".

 

Isagoo hadalkiisa sii watana Maayorku wuxu yidhi "Waxan xasuustaa shirkadda Golis xilligii ay halkan soo degtey ayay yidhaahdeen magaaladu hoostay ka shidan tahaye dushaannu ka shidaynaa laakiin nasiib darro weli kama shidmin oo street-yadii waa madow yihiin waxanse filayaa idinkay idin sugaysee waa in aad ka shiddaan

 

".Waxan kaloo waraystay qolyaha Burco oo yidhi kharashkii saddex-meelood oo laba ayaa naga dhacay qolyaha hantiilayaasha shirkaddanna waan arkay markaa mawduuca biyaha ee shirkaddu sheegtay halkan ceelasha biyaha ee ka jira hantida kasoo baxda intooda badani waxay ku baxdaa shidaalka iyo saliidaha maalin kasta kor usii kacaya waxannuna rajaynaynaa taas in aannu kaga nasan doonno".

 

Ugu danbayn Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo isaguan munaasibaddan hadal kooban oo u badan duco in abaarta eebbe innaka saaro ka jeediyey ayaa dhinacisa isaguna sheegay maammul ahaan shirkaddan in ay soo dhowaynayaan adeegyada iyo hantida horumarineed cid gaar ahiba ha lahaatee ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya u baahan in la wada ilaashado sidoo kalena shirkadda wuxu ku boorriyey hantidooda sakada in ay ka bixiyaan. Waxana ugu danbayn Badhasaabku bulshada goblka sanaag gaar ahaan Ceerigaabo ugu baaqay in la sameeyo saddex maalmood oo soon ah iyo roob-doon la tukado oo Eebbe lagaga baryayo raxmaddiisa waxana Sheekh-Maxamed Cali Biixi oo loo igmadey uu cayimay soonkaasi in uu ka bilaabmayo Axdaad berriyo ah.

 

Waxa iyaguna xubnihii kale ee munaasibaddan ka hadlay ka mid ahaa C/raxmaan Maxamuud Jaamac oo hantiilayaasha shirkadda ka mid ah Xidhiidhiye-Maxamuud Cali (Baadiye) Suldaan-Ismaaciil Nuur Wacays Ganacsade-Axmed Shire Ismaaciil Aqoonyahan Yaasiin Cismaan Jaamac iyo xubno kale oo ka mid ahaa kasoo qayb galayaashii munaasibaddan.

 

Sikastaba ha ahaatee shirkaddan ayaa u muuqata mid kusoo beegantay baahida bulshada Ceerigaabo u qabaan korontada joogtada ah islamarkaasna farsamadeedu sarrayso qiimeheeduna jaban yahay ee shirkaddani ugu adeegi doonto dhowaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this