Sign in to follow this  
Saalax

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaraadka Carabta

Recommended Posts

Saalax   

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaraadka Carabta, Jawaab Kululna Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirka Khaarajiga Dawladda Shiikh Shariif.

(Hadhwanaagnews) Friday, April 22, 2011

London-HNW) Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Aabdillahi Cumar, ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah Bin Zayed al Nahyan. Kulankan oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka UAE waxay

 

(London-HNW) Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Aabdillahi Cumar, ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah Bin Zayed al Nahyan. Kulankan oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka UAE waxay labada dhinaca kawada hadleen xaaladda mandaqaada geeska Afrika, dhibaatada budhcad badeedku ku hayso gobolka iyo cilaaqaadka ay Somaliland doonayso inay la yeelato dalka Imaaraadka Carabta.

 

t1avo6cmoxbzeiw1fjpb.jpg

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo aan kula xidhiidhay khadka telefoonka isagoo ku sugan waddanka Imaraadka Carabta ayaan waydiiyay qodobada ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen Wasiir Kharajiga Imaraadka Sheikh Abdullah Binu Zayed, Wuxuuna ii sheegay Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar inay ugu waa weynayeen qodobada ay ka wada hadleen, guulaha ay Somaliland ka soo hoysay la dagaalanka budhcad badeedda, wuxuuna tusaale u soo qaatay maxaabis lagu xukumay fal-denbiyeed ay ku galeen badaha jamhuuriyadda Somaliland oo hadda ku jira jeelasha Somaliland ka dib markii ay maxkamadda Somaliland xukuntay. Wuxuuna dawladda Imaraadka Carabta iyo wadamada kale ee Khaliijka ka codsaday inay ganac ka siiyaan xukuuamdda Somaliland hawlaha ladagaalanka budhcad badeed. Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay baahida Somaliland iyo qorshayasheeda dhaqaale, siyaasadad iyo nabadgalyo, wuxuuna ka codsadat dawladda Imaraadka Carabtu inay iskaashi iyo wada shaqayn la yeelato Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaraadka Carabta, Sheikh Abdallah Bin Zayed al Nahyan, ayaa isna ka waramay khataraha cusub ee ay budhcad badeeddu ka wadaan badaha waawayn ee ay maraan maraakiibta ganacasiga adduunku oo keentay inay saamayn ku samayso nabadgalyada iyo isku socodka maraakiibta. Wuxuu Sheikh Abdallah ku amaanay Somaliland dadaalka ay ka muujiyeen waxqabashada arrintan, wuxuuna balan qaaday inay dawladiisu la shaqayn doonto Somaliland iyo bulshada caalamkaba sidii arrintan wax loo qaban lahaa.

 

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland oo ay Shabakadda Caalimaga ee HADHWANAAGNEWS, wax ka waydiisay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Khaarijiga ee maamulka TFG da oo sheegay inay iyaga iyo Somaliland iyo maamul goboleedyo kale isku wada raaceen inay qorsho midaysan ka wada yeesheen arrimaha budhacad badeeda, waxaa ka jira heshiiskaas iyo wuxuu nooga sheegi karo wuxuu ku jawaabay Dr. Maxamed Abdillaahi sidan. " Waxay Somaliland ka qaybqaadatay "Kampala Process iyo ICG Working Group 2"oo ah kulammo farasamo oo ay ka qaybgalaan dhawr dal oo ku yaalla geeska iyo bariga Afrika, kulamdan oo qaarna ay guddoomiso dawladda Ingiriisku, qaarna Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa guddoomiso, ujeedadooyinkoodu waa sidii afkaaro iyo waayo aragnimo la isku dhaafsaan lahaa la xidhiidha la dagaalanka budhcad badeeda, wuxii dhaqaale ama taakulayn ah ee dunida ku bixinayso arrintanna looga wada qabygali lahaa. Wax heshiis ah ama wadashaqyn ah oo ka dhaxaysa ama hadda dhexmartay Somaliland iyo TFG ma jirto."

 

 

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu raaciyay intaas "Wasiirka khaarijiga ee TFG da waxaan waxba laga waydiin Kismaayo iyo Baydhaba, iska daa Somaliland´e. Wuu riyoonayaa, haddii uu aaminsan yahay in isaga wax laga waydiinayo Somaliland. Dunidu way ka dharagsan tahay qaddiyadda iyo xaqiiqda ka jirta Somaliland. Wuxuu indhihiisa ku arkaayay meqaamka ay dawldaa Imaraadku u soo dhawaysay Madaxweynaha Somaliland, Mud; Axmed Maxamed Silaanyo, oo ahaa mid qaab caalami ah, wuxuu ogyahay wadahalada iyo heshiisyada u socda Somaliland iyo dawladda Imaraadka, markaa TFG, runtii way riyoonayaan meelay masuul ka yihiin ayaan jirin, iska daa Somaliland oo ah dal madaxbanaan oo qadiyadiisa adduunku maanta ka dharagsanyahay. Mar aan wasiirka waydiinay ilaa hadda halkay marayaan kulamadii Madaxweynaha iyo dawladda Imaraadku wuxuu ku jawaabay. " Madaxweynuhu kulamo badan ayuu galay oo dhammaantod khuseeya danaha Somaliland, haday tahay maal gashi iyo caawinimadaba, meel wacana way marayaan markay u dhammaadana war dhamaystiran ayaa laga soo saraya."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this