Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamada dowladdda oo la wareegay meel 50 km u jirta deegaanka Guusaar ee Gobolka Gedo

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay fariisima cusub oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobalka Geddo kadib howlgal saakay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaan qiyaastii 50 Kilimitir u jirta deegaanka Gusaar ee gobalka Geddo.

 

Wararka naga soo gaaraya deegaanka guusaar ayaa tilmamaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabab, ayadoo ciidamada qalabka sida ay halkaasi qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen meleeshiyaadka khawaarijta ah ee Al-Shabaab, waxaana sidoo kale lagala wareegay gadiid dagaal sida uu inoo xaqiijiyay Maxa’ed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan goobta ay ciidamadu la wareegeen.

 

Dagaalka ka dhacay duleedka deganka guusaar ayaa waxa uu qayb ka yahay howl gallada ay ciidamada qalabka sida ee Soomaalia ka wadaan deegaano badan oo ka mid ah gobollada dalka si ay ugu sifeeyaan kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab

 

Waxaa isasoo taraya qasaaraha ay maleeshiyada Al-Shabaab kala kulamayaan ciimadda dowladda oo si aad ah ugu diyaar garoobay sidii khawaarijta iyo ajaanibtooda looga dul qaadi lahaa dhibaatooyinka ay shacabka Somaliyeed ku hayaan.

 

Dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka gusaar meel ku dhawaad 50km u jirta ayaa imanaya xilli isla deegaankaasi gusaar ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasi oo meesha ka saaray Kooxda khawaarijta Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this