Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyo city region of Mudug gets a fresh admin

Recommended Posts

*

Maamulkii Mudug heer gobol iyo heer dagmo oo lakala diray; Maxamud C/Raxman Cuuke oo noqonaya Guddoomiyaha gobolka iyo Duqa Galkacyo.

Thu, 21 Apr 2011 11:23:29 -0400 am -04:00 -14400**

Garowe, April 21 - Dikreeto uu soo saaray madaxwaynaha Puntland ayaa lagu kala diray dhammaan maamulkii gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo. Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa u magacaabay Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke guddoomiyaha cusub ee gobolka isla markaana ah duqa magaalada Gaalkacyo.

 

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbaddal baaxad wayn oo dhinaca ammaanka sababsaday kaas oo uu madaxwaynuhu ka shaqeeynayay tan iyo dilalkii iyo weeraradii todobaadkan bilowgiisii ka dhacay xarunta gobolka ee Gaalkacyo.

 

Madaxwayne Faroole ayaa wada-tashi qoto-dheer oo uu ka sameeyay xaaladda gobolka Mudug guud ahaan iyo gaar ahaan tan Gaalkacyo waxa uu xaalad dag-dag ah galiyay gobolka, waxana uu si ka duwan gobollada kale ee Puntland isku daray guddoomiyaha gobolka iyo duqa degmada Gaalkacyo. Xilkaas ayaa loo magacaabay Maxamuud Cabdiraxamaan Cuuke oo horay u ahaan jiray agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarasahda Puntland.

 

Daahir Maxamuud Muuse iyo Farxaan Cali Xirsi oo horay uga tirsanaa golihii hore ee degaanka ayaa loo sida ay u kala horeeyaan loogu magacaabay guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo kan 2aad ee maamulka cusub. Madaxdaan ayaa Sidoo kale waxa ay guddoomin doonaan guddiga amniga gobolka sida ku cad amarka ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha.

 

Madaxdan ayaa la siiyay waajibaad cadcad oo ay ugu mihiimsan yihiin sugidda ammaanka iyo midaynta bulshada ku nool gobolka. Dadka falanqeeya xaaladda ammaanka gobolka ayaa tilmaamaya in mudane Cuuke iyo ku-xigeenadiisaba uu horyaallo waajib aad u ballaaran oo uu ugu wayn yahay sugidda amniga iyada oo gobolkaasi inta badan lagu sheekaysto in uu yahay mid aanay ka shaqayn karin awoodda sharciga.

 

Gobolka Mudug oo dhaca albaabka koonfureed ee Puntland iyo xaruntiisa Gaalkacyo ayaa indhawaalaba waxaa la soo darsay xaalado ammaan xumo iyo isaga oo caan ku noqday khilaaf ba'an oo goor iyo ayaan dhex yimaada guddoonka gobolka iyo kan magaalada.

 

Tallaabadan adag ee uu qaatay madaxwayne Faroole ayaa timid kadib markii todobaakan xaaladda ammaan ee magaalada Gaalkacyo ay gaadhay figtii ugu sareeyay, halkaas oo lagu dilay Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen isla markaana tallaabooyin lagu fasiray aargoosi lagu weeraray masaajid ku yaal magaalada. Guud ahaa weeraradaas ayaa waxa ku dhintay illaa afar qof halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Wixii faahfaahin ah kala soco daljir.com

 

Diiwaanka Wararka,

Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Madaxweynaha Puntland oo kala diray oo kala diray Maamulka Mudug,kii degmada,Golihii deegaanka & Taliskii ciidanka Booliska ee Mudug..(Digreeto).

21. april 2011

 

APL

 

 

Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta si rasmi ah u kala diray maamulkii gobolka Mudug,kii degmada Gaalkacyo,golihii deegaanka ee Magaalada & Taliskii ciidanka booliska ee gobolka mudug,waxaana ay tani timid kadib habacsanaan dhanka maamulka ah & kala jajabnaa isla maamulka ah,madaxweynaha ayaa soo saaray digreetadan oo u qornayd sidan:-

 

Wareegtada Koowaad:

 

Xeer Madaxweyne Lr-kiisu yahay X/K/G/G oo ku tarikheysan 21 April 2011, Kuna saabsan xil ka qaadis Gudoomiyaha Gobolka Mudug .

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland markuu arkey Dastuurka Dowlada Puntland.

 

Markuu tix-geliyey wada shaqeyn la,aanta ka dhex jirta laamaha Degmada Gobolka Mudug.

 

Markuu Arkey Amniga Gobolka Mudug oo sii xumaanaya , Maamulka hadda jirrana uu wax ka qaban waayey.

 

Markuu Xeeriyey, Waxaa Xilkii laga qaadey Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Ku xigeenadiisa.

 

Xeerkan Wuxuu dhaqan galin marka Madaxweynuhu Saxiixo . Waana uu saxiixey.

 

 

Wareegto Labaad.

 

Xeer Madaxweyne Lr-kiisu yahay K/G/G, Kuna taariikheysan 21 April 2011.

 

Kala dirrid Gollaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland markuu arkey Dastuurka Dowlada Puntland.

 

Markuu la tashadey Wasaarada Arrimaha Gudaha .

 

Markey cadaatey wado shaqeyn la,aanta ka jirta Gollaha Deegaanka & Laamaha kale ee Dowlada Gobolka Mudug.

 

Markuu Arkey Amniga Gobolka Mudug oo sii xumaanaya. Wuxuu Xeeriyey.

 

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 21 April 2011 , la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

 

Xeerkan Wuxuu Dhaqan Galayaa Markuu Madaxweynuhu Saxiixo. Waana Saxiixey.

 

Wareegtada Sadexaad.

 

Xeer Madaxweyne oo Lr-kiisu yahay M/G, Kuna taarikheysan 21 April 2011.

 

Magacaabid ku meel gaar ah Maamulka Iyo Amniga Gobolka Mudug.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland markuu arkey Dastuurka Dowlada Puntland.

 

Markuu arkey habacsanaanta Gobolka Mudug oo heer walba ah.

 

Markuu garowsadey in ay laga maar maan tahay in si deg wax looga qabto Arrimaha Amniga & Maamulka Gobolka Mudug & kan Degmada Gaalkacyo.

 

Markuu Xeeriyey .Waxaa loo magacaabey Degmada Gaalkacyo & Guud ahaan Gobolka Mudug Guddi Maamul & Amni oo ka kooban .

 

Maxamuud C/raxmaan Cowke Gudoomiyaha Guddiga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Waxbarashada Dowlada Puntland.

 

Daahir Maxamuud Muuse Ku xigeenka Kowaad horeyna u ahaa Gudoomiye ku xigeenka maamulka Degmada gaalkacyo.´

 

Farxaan Cali Xirsi ku xigeenka Labaad ee Guddiga , horeyna guddoomiye ugu ahaa Gollaha Deeganka Gaalkacyo.

 

Waajibaadka Guddiga Maamulka Iyo Amniga Galkacyo waxa uu yahay

 

Sugida Amniga Gobolka & hagaajinta maamulka.

 

Mideynta Bulshada ku nool Gobolka Mudug.

 

Horumarinta Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Xoojinta, Wada shaqeynta,Maamulada Dariska ah Sida Galmudug Iyo Ehlu sunna.

 

Waxaa hoos imaanaya Guddiga maamulka Iyo Amniga Gobolka Mudug dhamaan Hay,addaha Dowlada oo heer gobolka Iyo Degmo ee Gobolka Mudug.

 

Wuxuu Guddigu Xiriir wada shaqeyneed oo toos ah la yeelanayaa Madaxweynaha,Wasaarada Arrimaha Gudaha , Wasaaradda Amniga, & Taliyaasha Ciidamada si toos ah .

 

Waxaana Xeerkan uu dhaqan galin marka Madaxweynuhu saxiixo

Waana uu saxiixey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo maanta xil ka qaadis ku sameeyay maamulkii Gobolka Mudug gudi amnina magacaabay

April 21, 2011 // Warar Somaali

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane:Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo khamiis ah wuxuu ku kala diray dhammaan maamulkii gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka mudug ee Puntland.

 

Wareegtooyinka kasoo baxey xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Farole ayaa u qoraa sidatan

 

A good move

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this