Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamada dowladda oo la wareegay fariisimo cusub oo gobolka Banaadir

Recommended Posts

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta la wareegay fariisimo dhowr ah oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kadib howlgalo ay saakay ciidamadu ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

 

Dagaalkan oo bilawday aroortii hore ee saakay ayey ciidamada dowladda Soomaaliya u suurtagashay in ay la wareegaan deegaano dhowr ah oo degmada boondheere ka tirsan kuwaasi oo kala ah masaajidka Xaaji Yabarow, iskoolkii Wiil Waal, agagaarka wasaaradii hore ee Arrimaha gudaha iyo kuwa kale oo ay Shabaabku isaga kacarareen kadib markii ciidamada Qaranka ay jilbaha u aasteen maleeshiyadka kooxda Khawaarjita Al-Shabaab.

 

Taliyaha guutada 1-aad aagga barri ee ciidamada Dowladda Gaashaanle Sare Max’ed Max’uud Saneey oo Radio Muqdisho la hadlayey ayaa shaaciyey in ciidamada dowladdu ay horrumar ka soo hooyeen howlgalkii saakay ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmada Boondheere, halkaasi oo uu tilmaamay in ay jab xoogan u geysteen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

 

G/sare Max’ed Max’uud Saneey ayaa hoosta ka xariiqay in dhanka ciidamada dowladda ay dagaalkaasi uga dhaawacmeen ilaa iyo sadax askari, halka uu xusay in maleeshiyadka kooxda Khawaarijt Al-shabaab dagaalkaasi looga dilay 7- ruux, kuwaasi oo uu sheegay in ay meydkooda yaalaan goobihii lagu dagaalamay.

 

“Waan sii wadi doonaa howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this