Sign in to follow this  
oba hiloowlow

C/rashiid Xidig Waxaa nagu maqaal ah in qalabkooda kala baxayaan Afmadow, Bu'aale ilaa Saakow

Recommended Posts

Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib uga guranayaan deegaano ka tirsan Jubooyinka, kadib markii shalay ay la wareegeen deegaano hor leh.

 

Isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay C/rashiid Xidig in dagaalkii shalay ay qasaare ku gaarsiiyeen Shabaab.

 

"Dagaalada maalmahan waa uu ka socday dhanka Ceel-Waaq ee Gedo, iyo agagaarka Dhoobley, balse dagaaladii shalay qasaare badan ayaa ku gaaray, goobo saldhig u ahaa ayaana lagala wareegay"ayuu yiri C/rashiid Xidig.

 

C/rashiid Xidig ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu ka durugsanaa degmada Dhoobley, isagoo xusay in dagaalada Gedo iyo Jubooyinka uu ka gudbay aagagii lagu dagaalamayay, waxaana uu cadeeyay inuu dhanka Baardheere iyo Afmadow ku kala dhow yahay labada dhinac.

 

"Waxaa nagu maqaal ah in Shabaab ay qalabkooda kala baxayaan Afmadow, Bu'aale ilaa Saakow, hadana waxaa uu ku socdaa agagaarka deegaanka Qooqaani"ayuu mar kale yiri C/rashiid Xidig oo intaa ku daray in Ciidamada Dowladda u diyaarsan yihiin inay la wareegaan deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Sidoo kale waxaa uu xusay in dagaaladii shalay uu tusaale u ahaa bur burka Shabaab, isagoo xusay in Ragg Saraakiil ahaa lagu qabtay, halka qaar kalena lagu dilay, isagoo ugu baaqay dhalinyarada u dagaalama Shabaab inay isku soo dhiibaan.

 

Si kastaba ha ahaatee maalintii shalay ayay aheyd markii dagaalo qaraar ay ka dhaceen deegaano ka tirsan degmada Dhoobley, kaasoo ahaa kuwo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo qasaare badana u geystay dhinacyadii dagaalamayay

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

He was promoted from deputy minister of sports to deputy minister of defence the same day that Azania was created, I will let you put the remaining pieces together.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   
Xidig dhowrka bilood ee u hadhsan dowlada ku meel gaarka ah ha iska dhamaysto, shaqada loo igmaday ee ah soo nooleynta qaranimada Somaliyeed ha ka soo baxo inta taagiis ah ..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this