Liqaye Posted April 20, 2011 Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka dhacay Degmada Ceelwaaq, iyadoo dagaalkaasi ay isku fara saareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab. Dagaalka ayaa sheegayaa inay ku dhinteen ilaa 7-qof oo dhinacyadii dagaalamaysay ah, iyadoo dagaalku ahaa mid saakay uu ka dhacay tuulada Buusaar oo ku dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah Afhayeenka Howlgalada ciidamada ee Al-Shabaab ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dhinacooda dagaalkaasi, ayna ku qabsadeen hub kala duwan iyo saddex ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen ciidamada Dowladda. Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale in dagaalkaasi ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah, hase yeeshee ma jiro wax xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab ee la xariirta in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen. Dhinaca kale dagaalka ayaa ku soo adaaya xilli uu Gobolkaasi booqanaayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites