Sign in to follow this  
Somalina

Raascaseyr State of Somalia

Recommended Posts

Somalina   

Isniin 18 April, 2011

 

Maamul ka madaxbannaan Puntland ayaa xalay looga dhowaaqay gobolka Bari, kaasoo la baxay Raascasayr State of Puntland.

Maamulkaasi ayaa doortay madaxweyne, madaxweyne ku xigeen iyo gole wasiiro oo ka kooban afar xubnood.

Waxaa madaxweynaha maamulkaasi loo doortay Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxa joog) oo horey wasiir uga soo noqday maamul goboleedka Puntland, halka ku xigeenna loo doortay Barre Faarax.

Mr. Dooxa Joog ayaa VOA u sheegay in maamulkaasi uu ka kooban yahay labo gobol oo kala ah Gobolka Binna oo caasimaddiisu ay tahay Baargaal iyo gobolka Boolimoog oo caasimaddiisu ay tahay magaalada Caluula.

Dooxa Joog ayaa sheegay inaysan ka tirsaneyn maamulka Puntland, isagoo ku eedeeyay inay canshuurta ka qaataan deegaanadaasi, haddana dayaceen gobolka.

 

http://www.voanews.com/somali/news/Bari-Raascaseyr-State-of-Somalia-oo-lagu-Dhowaaqay-120069994.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dr Bare Faatax ”Puntland Waa Maamul aanu Darisnahay”

 

Maamul Goboleed cusub oo loo bixiyey Raascaseyr State, ayaa lagu dhaawaqay maanta, waxaana madaxweyne loogu doortay Faarax Maxamuud Yusuf (Dooxa-joog) halka kuxigeena laga dhigay Dr. Barre Faatax.

 

Madaxweynaha cusub ee mamulkan Raascaseyr, wuxuu xil wasiirnimo ka heyn jiray dowlada Puntland, wuxuuna ka mid ahaa aqoonyahano kasoo jeeda beelaha raascasayr oo sanadkan gudihiisa shir ugu soo dhamaaday degmada Baargaal.

 

Soo Shaacbixida maamulkan ayaa in muddo ah la hadal-hayey, waxaana sida la sheegay ugu dambayn la go,aansaday in lagu dhawaaqo 18kii bishan April.

 

Hadaba si aanu faah-faahin dheeraad ah ugu ogaano ujeedada iyo hadafka loo unkay maamulkan cusub, iyadoo beeshani hormuud u tahay beelihii ku bahoobay maamulka Puntland ayaa waxaa su,aashaas weydiinay Dr. Barre Faatax ” Waxaan goosanay inaan yagleelno maamul ka madxbanaan Puntland, oo daris wadaag la ah, markii aan ka aamin baxnay dowlada Puntland oo iyadu haba-yaraatee aan wax dan ah gobolkeena u hayn”. ayuu yiri Madaxweyne xigeenka cusub oo isagu xafladiisa caleema saarka lagu qaban doono magaalada London, halka Faarax dooxajoogna uu magaalada Caluula haatan ku sugan yahay.

 

Dhanka kale idaacad VOA ayaa wareysi ay la yeelatay madaxweynaha maamulka Caseyr-land wuxuu faah-faahin dheer ka bixiyey sababihii ku kalifay inay abaabulaan maamul ka gooni ah kan Puntland.

 

”Laba shir baa la qabtay, waxaa kulmay qurabjoogta iyo dadka kale ee gudaha ku nool, sababta waxay ahayd in la sameeyo laba Gobol oo lakala yiraahdo Gobolka Binna oo caasimaddiisu ay tahay Baargaal iyo gobolka Boolimoog oo caasimaddiisu tahay magaalada Caluula”. ”Jahli iyo cuduro ayaa halkaas ka jira dowladu waligeed ma soo eegin, bil walba haween ayaa ku umula badda korkeeda iyagoo loo sii wado Boosaaso, runtii waxaa jirta baahi aan u qabnay in goboladaas wax loo qabto” sidaas waxaa VOA u sheegay madaxweynaha Caseyr-land.

 

”Aniga madaxweyne ayaa la ii doortay (Farax dooxa joog) kuxigeena waa Barre Faatax” ”Maamulka Puntland dheg uma jalaqsiin codsiyo badan oo aan u gudbinay, dhawaana xataa markii aan madaxda Puntland u tagnay waxay noogu jawaabeen aflagaado iyo bahdil” ayuu mar kale ku jawaabay.

 

Faarax dooxa joog ayaa isagoo ka jawaab celinayey su,aal ahayd inay wali hoos iman doonaan maamulka Puntland ayaa ku jawaabay:-

 

”Maamulka Puntland waaan ka madaxbanaanahay, totatly ma hoos imaano maamulka Puntland, waxaan sugaynaa dowlada dhexe oo federaal ah.”

 

Sidoo kale Masuulkan ayaa xaqiijiyey xariga nin aqoon yahan ah oo lagu magacaabo C/laahi Maxamed Ciise, kaasoo maalmihii u dambeeyey ku xirnaa xabsiga magaalada Garoowe, aqoonyahankan ayaa isaguna kasoo jeedaa beelaha ku dhawaaqay maamulkan cusub.

 

Dad badan ayaa saadaalinaya inay arrintani tahay bilowga kala xarig furasho ku timid maamulkii Puntland ee la unkay sanadii 1998dii.

 

allcaseyr.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Casayrland Youth Union oo sheegay inay garab taagan yihiin maamulka raascasayr state of somalia

 

199156_1757256945255_1653951032_1641255_

 

Ururka dhalinyarada casayrland ayaa aad u soo dhoweeyey maamul goboleedka cusub ee looga dhawaaqay magaalada caluula ee caasimada maamulkaas ururkan ayaa sheegay in aad u soo dhowaynayaan horumarka la taaban karo ee ka dhacay deegaanadaas waxayna sheegeen inay aad ugu riyaaqeen madaxwaynaha maamulkaas loo doortay eng farah mohamuud yuusuf dooxajoog waxayna sheegeen in tani ay tahay midnimo iyo horumar dhan walba leh oo ay gaareen shacabwaynaha deegaanada raascasayr waxayna ugu baaqeen golaha wasiirada cusub ee loo doortay maamulkaas inay ka shaqeeyaan horumarka sidoo kale waxay ugu baaqeen dhalinyarada inay la shaqeeyaan maamulka garab istaagaan sidoo kale waxay maamulka puntland ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan daris wanaag iyo xiriir dhex mara labada maamul ee raascasayr iyo puntland

isku soo wada duuboo madaxwaynaha maamulka raascasayr oo la hadlayey idaacada VOA laanteeda afsoomaaliga ayaa sheegay in ay u soo jeesteen wax qabad sidoo kale waxuu qurba joogta degaankaas ugu baaqay inay maalgashadaan deegaanadaas oo ilahay uu ku manaystay kheyraad dhan walba waana deegaanada ugu kheyraadka badan goboda waqooyi bari

 

Allcaseyr.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Just some rogue politicians trying to score a goal against current PL admin. There are way to many ways of getting even with Faroole than declaring a state within a state. I hardly doubt if their own constituent want to heed that direction.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacpher;712900 wrote:
Just some rogue politicians trying to score a goal against current PL admin. There are way to many ways of getting even with Faroole than declaring a state within a state. I hardly doubt if their own constituent want to heed that direction.

Puntland has been the biggest booster of the whole notion of federalism and breaking up the former Somalia into little mini-regions under a federal umbrella. It seems the concept has now come full circle. With the multi-track approach announced by the U.S., neglected regions within Puntland no longer have to wait for international aid to filter through Garowe but would rather take a stab at trying to get it directly.

 

This might actually be a good thing for the Puntland administration in the long run if it forces them to be more competent and efficient in order to head off this trend.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Not so soon kid. I don't think there is anything like 'daami village' in Puntland. Before you think of fixing others, why don't you fix your backyard. Then you might sound a bit credible.

 

If it gives you a heart attack, PL will exist and exist it will. Remember PL is not running away coz they belong to the queen orphanages. They're proud citizens of Somaliweyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jacpher;712900 wrote:
Just some rogue politicians
trying to score a goal against current PL admin
. There are way to many ways of getting even with Faroole than declaring a state within a state. I hardly doubt if their own constituent want to heed that direction.

Judging by the VOA interview it sure sounds like goal scoring against Farole's admin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;712906 wrote:
Judging by the VOA interview it sure sounds like goal scoring against Farole's admin.

Correction: Actually it's two shots against the Faroole admin. This one and the other a few days ago when Abdullahi Yusuf bluntly attacked him (on VOA) for going to the Nairobi meeting for selfish reasons rather than nationalistic reasons. What was amusing was Abdullahi Yusuf accusing Faroole of precisely what he (A. Yusuf) did in the past.

 

For some reason, the Farmaajo cabinet more than any other seems to scare the Faroole administration. Care to enlighten?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this